Tuesday October 23rd, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

SONSAF Oo War Kasoo Saartay Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiillada

0
Thursday August 09, 2018 - 17:59:24 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    SONSAF Oo War Kasoo Saartay Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiillada

    SONSAF Oo War Kasoo Saartay Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiillada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SONSAF Oo War Kasoo Saartay Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiillada

Dalladda Ururrada Jilayaasha Aan Dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Xafiiskooda waxa ay kaga hadleen kulamo is daba joog ah oo ay SONSAF qabatay oo lagu gorfeeyey sidii ay Somaliland uga qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiilada. kulankan oo ka qabsoomay Hoolka shirarka ee dalladda SONSAF Ugu horrayn waxa saxaafadda la hadlay Agaasimaha Fulinta SONSAF Mudane Maxamed Axmed Maxamuud Barawaani oo ka hadlay ujeedada kulankan iyo baaqay ay Ururrada Bulshada rayidka ah ee Somaliland ka soo saareen qabsoomidda doorashooyinka soo socda, waxa kale oo isna madasha ka hadlay Guddoomiyaha SONSAF Mudane Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo ku dheeraaday kulamadii Ururrada Bulshada rayidka ah ee Somaliland u qabsoomay iyo aragtidooda ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka innagu soo fool leh iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in xal degdeg ah laga gaadho dhammaanba caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka.

Ugu dambayn waxa war-saxaafadeedka SONSAF soo saartay oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha SONSAF Mudane Anwar saxaafadda u akhriyey Guddoomiye ku xigeenka SONSAF Md. Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi, waxaanu war-saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:

Ujeeddo:War- Saxaafadeed ku Saabsan Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyoDeegaanka

Kulamo is-daba joog ah oo ay yeesheen Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland intii u dhaxaysay 5tailaa 9kabisha August 2018 ayaa waxaa lagu gorfeeyey qabsoomidda Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ee isbarkan. Waxaaana kulamadaa aad loogu daraasadeeyey ahmiyadda ay leedahay qabsoomidda doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ee la muddeeyey bisha March 2019.

Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxay is ku raaceen in dib u dhac dambe oo ku yimaadda doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanku uu saamayn taban ku yeelan doono Somaliland horumarkeeda Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Bulshaba, sidaa daraadeed Ururada Bulshada Rayidka ahí waxa ay ku baaqayaan in aan marna Bulshada Somaliland aqbali doonin dib u dhac dambe oo ku yimaadda doorashada Golaha Wakiilada oo muddo dhaafay in ka badan toban sanadood iyo Golaha Deegaanka oo mudo dhaafay laba sano ku dhawaad.

Waxay Ururada Bulshada Rayidka ahí aad u falanqeeyeen cabashada saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada gaar ahaan Gobolada Awdal iyo Sool, waxayna Ururada Bulshada Rayidka ahí ku talinayaaan in wada hadal dhab ah laga yeesho saami qaybsiga kuraasta si looga fogaado khilaaf dambe oo la xidhiidha saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada.

Haddaba waxa ay Ururada Bulshada Rayidka ahí soo jeedinayaan talooyinka soo socda:-

  1. In doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanka la qabto xiligii loo muddeeyey March 2019, waana in laga fogaado wax kasta oo dib u dhac ku keenaya qabsoomidda doorashada Golaha Wakiilada iyo Degaanka ee isku lamaan.
  2. Saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada ee Gobolada dalka waa in laga gaadho xal kama dambays ah iyada oo lagaga gudbayoTalo- Qaranoo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland qaybna ay ka yihiin Asxaabta Qaranka, Golayaasha Sharci dejinta, Ururada Bulshada Rayidka ah, Madax dhaqameedka, Culimaa u diinka, iyo aqoon yahanka dalka.
  3. Waa in si dhakhso ah loo dhammeeyo khilaafka u dhexeeya Xisbiga Waddani iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka, waana arrin loo baahan yahay in Madaxweynuhu uu wada hadal kala yeesho Xisbiga Waddani sidii loo soo afjari lahaa khilaafkaas.
  4. Waa in Madaxweynaha, Xisbiyada Qaranka, Golayaasha sharci-dejinta iyo dhamaan Bulsho waynta Somaliland ay ahmiyad gaar ah siiyaan qoondada haweenka iyo Beelaha Gabooye ee doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanka.

Ugu dambayn, Ururada Bulshada Rayidka ahí mar labaad waxay ku baaqayaan in dib u dhac dambe oo ku yimaadda doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaankuba ay noqon doonto mid khatar galisa geeddi socodka hanaanka Dimuqraadiyadda Somaliland, dhaawacna gaadh siinkarta sumcaddii Somaliland ku lahayd Dunida.

Anwar Abdirahman Warsame

Guddoomiyaha SONSAF






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
WAREYSIYO