Thursday October 18th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Garyaqan Abdiraxman Ubaxle Oo Gudiga Dabagalka Hantida Qaranka Ku Dhaliilay Inay Wado Khaldan U Mareen Eedaymaha Musuqmasuq Ee Ay Soo Jediyeen.

0
Thursday August 09, 2018 - 22:25:57 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garyaqan Abdiraxman Ubaxle Oo Gudiga Dabagalka Hantida Qaranka Ku Dhaliilay Inay Wado Khaldan U Mareen Eedaymaha Musuqmasuq Ee Ay Soo Jediyeen.

    Garyaqan Abdiraxman Ubaxle oo Gudiga dabagalka Hantida Qaranka ku dhaliilay inay wado khaldan u mareen eedaymaha musuqmasuq ee ay soo jediyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqan Abdiraxman Ubaxle oo Gudiga dabagalka Hantida Qaranka ku dhaliilay inay wado khaldan u mareen eedaymaha musuqmasuq ee ay soo jediyeen

Hargaysa( Burcoonline) 09.08.2018  Garyaqan Abdiraxman Ubaxle oo Gudiga dabagalka Hantida Qaranka ku dhaliilay inay wado khaldan u mareen eedaymaha musuqmasuq ee ay soo jediyeen.Waxaa uu Sheegay inaanu Isaga laftiisu Xiligan difaacayn Cid kasta Oo Lunsi Hanti qaran Samaysa balse ay lagama maarmaan tahay in Jidka Saxda ah ee baadhista Hantida loo maro isla markaana sidoo kale sharciga la Marsiiyo Cid kasta oo Shacabkan Taagta daran Boobtay

 

Garyaqaan cabdiraxmaan Ubaxle waxaa uu Sheegay in Gudidani Cadaymaha ay Soo Bandhigeen aanay Qaar Xaqiiqda ku Salaysan isla markaana ay baal mareenhabkii sharciga Waafaqsanaa ee ay ku Gudbin Lahaayeen Waxaana uu intaasi ku daray inaanay xubnahan uu Hogaaminayo naasir Xaaji Cali shire aanay Daacad ka ahayn baadhitaanka balse qorshahoodu ahaa Shaqsiyaad gaar ah

 

Garyaqaanka ayaa Soo bandhigay in Miisaaniyada Qaranku tahay 50 Madax isla markaana gudidani oo Dad gaar ah Bartilmaameedsanayay ay la baxeen keliya 3 Madax(Head) oo Gaar ah isla markaana aanay baadhin 47 ka madax ee kale ee Miisaaniyada qaranka

 

Garyaqaan Cabdiraxmaan ubaxle waxaa uu Yidhi Isagoo Arimahaasi ka hadlaaya Sidan hoos ku Qoran

 

 

 

Waxa ayaamahan aynu arkaynay Gudiga dabagalka Hantida Qaranka ee Baarlamanka Somaliland oo Musuqmasuq iyo hanti qaran oo la lunsaday ku eedeeyey Xubno ka mida Xukuumadii Kulmiye ee uu Madaxweynaha ka ahaa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo.

 

Hadaba aniga oo aan maraba difaacayn hadii ay jirto hanti qaran oo la lunsaday taageerayana in sharciga la marsiiyo Masuul kasta oo ay ku cadaato lunsiga hantida umada taagta daran ee lagu aaminay, waxan halkan ku cadaynayaa in Gudigaasi ay wado khaldan u mareen eedaymaha ay soo bandhigeen oo ay baal mareen habkii sharciga waafaqsanaa ee ay ku soo gudbin lahayeen, anigoo aaminsan in ayna daacad ka ahayn in ay dabagal ku sameeyaan hantida qaranka ee qorshohodu ahaa eedayn shakhsiyaad gaara, hadii ay daacad ka yihiin waxay u soo gudbin lahayeen sidan.

 

1. Miisaniyada Qaranku waa in ka badan 50 Head ama konton madax, gudigu waxay si gaara ula bexeen 3 madax taasi waxay ina tusaysaa in qorshohodu uu ahaa eedaynta Shakhsiyad gaara ( personal attack) waayo hadii ay rabaan dabagalka Hantida Qaranka si dhamaystiran ayey u wada baadhi lahaayeen.

 

2. Marka ay gudigani badhitankoda dhameystan sharciga iyo nidamka dalku wuxu farayaa in ay golaha Baarlamanka soo hor dhigaan cadaymaha lunsiga hantida qaranka ee ay heleen.

 

3. Golaha Baarlamanka waa inuu la hubiyaa cadaymaha ay gudigu keenen iyo cida ku eedaysan isla markaana la isla waafoqo in lunsigani uu jiro.

 

4. Marka Baarlamanku isla ogolaado in ay eedaysanayaashu lunsadeen hanti qaran waxa loo gudbinayaa hayadaha sharci ee u xilsaaran inay eedaysanayaasha dacwad ku oogaan si loo marsiiyo ciqaabta ay mutaysteen.

 

5. Badhitanada ku saabsan musuqmasuq iyo lunsi hanti qaran waa kuwo si qarsoodi ah loo wado ilaa iyo inta eedaysanaha lagu hor keenayo maxkamad ku rida xukunka eedaysanaha ee maaha wax si yar oo sahlan saxafad looga yidhahdo.

 

Gudiga dabagalka Hantida Qaranku xaq uma laha in ay qof masuul ah eedayn iyo denbi u xambariyaan ee waa in ay u maraan habkaas sharciga ah hadii ay daacad ka yihiin waxa ay baadhayaan balse iminka waxay u ekaadeen kuwo ujeedo gaara ka lahaa eedaha ay saxaafada ka sheegeen, hadii si sahlan la isu eedeyo arintiina halkaa dhaafi weydo oo ay noqoto wax ayaamo lagu yooyootamo cid loo ciqaabayna la arki waayo waxay sahlaysaa lunsiga hantida umada oo la caadeysto.

 

Waxaa xusid mudan in Gudiga dabagalka Hantida Qaranku ay saxaafada u soo bandhigi karaan hadii ay hayaan wax cad oo ay u gudbiyeen hayadihii ku shaqada lahaa ka dibna waxba laga qaban waayey markaa ayey xaq u leeyihiin in ay shacabka u soo bandhigan masuulka xaqooda lunsaday ee hayadihii cadaalada ee denbigiisa ku xukumi lahaa waxba uga qaban waayeen.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
WAREYSIYO