Thursday November 15th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Faallo Xiiso Badan Iyo Fadxi Garaad Ciise, Dagaalkii Lixda Cisho Iyo Dilkii Boqor Faysal Bin Cabdil-Caziiz, Waa Sababta Sucuudigu Uga Baqo Maraykanka.

0
Thursday September 06, 2018 - 19:57:44 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo Xiiso Badan Iyo Fadxi Garaad Ciise, Dagaalkii Lixda Cisho Iyo Dilkii Boqor Faysal Bin Cabdil-Caziiz, Waa Sababta Sucuudigu Uga Baqo Maraykanka.

    Ma Ogtahahy In Dagaalkii Diiwaanka Taariikhda Galay Ee Carabta iyo Yuhuuda Dhex Maray, In Uu Sababay Dil-Qorsheedkii Loo Gaystay Alle Haw-Naxariistee Boqor Faysal Bin Cabdil-Caziizkii Sucuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Ogtahahy In Dagaalkii Diiwaanka Taariikhda Galay Ee Carabta iyo Yuhuuda Dhex Maray, In Uu Sababay Dil-Qorsheedkii Loo Gaystay Alle Haw-Naxariistee Boqor Faysal Bin Cabdil-Caziizkii Sucuudiga.

Subaxnimo Hillaad-Qeexdu Ku Sar Go’nayd 5-tii June 1967-dii Ayaa Waxaa u Baryey Waa Dagaal Oo Waayo Qadhaadh Xambaarsanaa Carabta Iyo Yuhuuda, dagaalkan ayaa la

Magac baxay Dagaalkii Lixda Cisho, Afka "Cibriga”Yuhuudiga Waxaa Lagu Yidhaahdaa dagaalkan ( Melhimaat Shiishaat Hayemiin) Muhiim maaha Inaan Ku qoro Afka Cibriga Ee Macnuhu Waa Inaad Fahamto Dhawaqa Jumlada, ka Hor Waqcada Dagaalku Waxa Uu ahaa Mid Saan-Saankiisa Hore Looga Dareemay Dunida Islaamka, Dawladaha Islaamka iyo Dawladaha Carabtu Waxa Ay Rajo Buuxda Ka Qabeen In Israa’iil Dhulka Lala Simi doono, Lana Kibir Jebin Doono Dhul-ballaadhsiigii Ay waday Daraadeed, Waxaa Hogaanka Dagaalka Carabta U hayey Dalka Masar, Weerarkii Ugu Horeeyeyna Waxaa Qaaday Dalka Masar, Waxaana La qaaday Weerarka Masar Qacdii Hore Wadamada Suuriya, Jordan, Ciraaq iyo Lubnaan. Waxaa Dagaalka Si Aan Qarsoodi ahayn Uga Qayb Qaadanayey Wadamada Islaamkee Aljeeriya, Kuwait, Liibiya, Marooko, pakistan, falastiin, Suudaan, Tunuusiya. Sucuudiga Oo aan Markaa taageero iyo Taakulo Toosa aan Isagu Ku Lahayn Dagaalka taasoo Sababteedu ahayd Khilaaf Xoogan Oo kala Dhexeeyey Boqorkii Sucuudiga Boqor Faysal Bin Cabdil-Caziiz Iyo Hogaamiyihii Masar Jamal-Abdi Naasir, Xikmada Dagaalkaas Alle ayaa Ogaalkeeda Leh, Waxaa Si Fiican u Fahmi Kara Qofkii Arimaha Dagaalka Ee Quraanka iyo Sunnada Kusoo Aroortay Si Fiican U Fahamsan. Hadaba waxaa Jab iyo Jac kasoo Gaadhay Dagaalkaas La magac baxay Dagaalkii Lixda Cisho Oo dhirbaaxooyin Kulul Lagu Dhuftay Wadamadii Carabta ee weerarka Ku Qaaday Israa’iil, Mana Soo Bixin Natiijadii Lagu Naaloonayey Inay Soo Baxdo Oo ahayd Jabka Israa’iil, Taa Bedelkeeda Waxaa Jabkii Qabsaday Muslimkii Duullaanka Ahaa.


Suuriya Waxaa Laga gubey Lix diyaaradood Oo Muhiim U ahaa Dagaalka Iyo Dalkaba , Halka Dalka Masarna Laga Duqeeyey Xarumihii ugu Waaweynaa Ee Fadhiisin-Diyaaradeedka ahaa Ee Diyaaraduha Israa’iil Weerarka Ku ahaa Kasoo Kacayeen, Sidoo Kale Masar Waxaa Laga Qabsaday Saxaraha Muhiimka ah, ee ‘Siinaay’ Intaa Kadib Carabtii Kale Waxaa Ku dhacday kala Carar Iyo Kabtay Maaragteen, Dagaalkaa Israa’iil Waxay Si Buuxda Ugu Qabsatay Masjidka Barakaysan Ee "Qudus” Qabasashadii Qudus waxay Dab Qabad siiyeen Yuhuudu Qaby kamida Masjidka Qudus, Sida Tagtada Taariikheed Tilmaamayso Waxaa Jiray Hogaamiyaal Wadnaha Harimacadka Lahaa Oo Islaama, Isla markaana Si Aan Gabasho Iyo Geed Ku dhuumasho Lahayn Uga Soo Hor-jeeday Falalka Fool-xumada Badan Ee israa’iil ka waday Dhulka Falastiin in kastoo Uu hadalkooda Iyo Hanjabaadoodu Ku ee kayd Afka- Hanjab Oo keliya.
Boqorkii Wakhtigaa Burjiga U hayey Boqortooyada Sucuudiga Boqor Faysal Bin Cabdil-Caziiz, ayaa Si Cad Uga Soo Horjeestay Una Adkaysan Waayey Falalka Xun ee israa’iil Ka waday Qudus iyo Falastiin, Isagoo Iskiisada Mariyey Xurguftii Iyo Khilaafkii Jamal- Abdinasir, waxaanu Boqor Faysal Albaabka Ka xidhay Cid kasta oo Dhex-dhexaadin ahayd Doonaysayna in Arinkaa Waan-Waan iyo Wada hadal Lagu dhameeyo, waxaanu Boqorku Alla yarxamee Watay shuruud Adag Oo Ahayd In Marka Hore Israa’iil Laga Saaro Falastiin Kadib Markaas La wada Hadlo, Waxaana Shuruudaas Ku margadey Yuhuudii, Oo Aan Aq-balin. Intaa Kadib Alle Haw naxariistee Boqor Faysal Waxa Uu Qaatay Go’aan Geesinimo Leh Oo Lama Filaana Hortiina Aanu Qaadan Hogaamiye Islaami Dabadiina Aanu Qaadan Hogaamiye Islaami, Hadaba go’aankaas Waxa Uu ahaa Kadib Markii Uu Boqorku Ogaaday In Israa’iil Ay Taageero Buuxda La Garab taagnaayeen Wadamad Maraykanka Iyo Wadamada Yurub Oo Ingiriisku Hor-Kacayey, waxa uu wareegto Aanay Ka filanayn Ku soo Saaray In Aan Maraykanka Iyo Xulafadiisa Laga Iibin Karin Wax- Shidaal ah, waxaanu Qabtay Khudbado Badan Oo Uu Dadka Ku baraarujinayey isla Markaana Uu ugu Sheegayey Inaanay Qaadan Karin Gumeysiga reer Galbeedka Ee Aan Gabashada Lahayn iyo Diin-la dirirka Cad, ee ay wadaan Kufaarta Iyo Kuwa la halmaalaa. Hadaba Go’aankaasi uu soo saaray Boqor Faysal Waxa Uu wadnaha Gooyey Kufaartii Is Hiishatay, waxaa Laga Dareemay Shidaalkii Sucuudiga Wadamadii Reer Galbeedka, Waxaa Safuuf Dhaadheer loo galay goobihii Shidaalka Laga Iibsan Jiray, badi Wakhtigaa Dadku Waxay U geeriyoodeen Qabow Badan Oo Dalalkaasi Ka dhacayey iyo Shidaalka Oo markaasi Ahaa Mid Muhiim u ahaa Noloshooda Oo ay Hawlo Badan U adeegsan jireen.

* Baqdinta Wakhtigan Sucuudigu Ka Baqo Maraykanka Iyo Xulafadiisa una Qaato Awaamiirtooda Tan ayaa Sabab u ah Eeg:-

Intaa Kadib Markii Kumanaan Dad ahi Shidaal la’aan U naf waayeen Gebi ahaanba Gaabis iyo Gabaabisna Ay Gashay Noloshii Reer Galbeedku CIA’da Maraykanku Waxay Dajiyeen Qorshe Lagu Qaarajiyo Geesigii Boqor Faysal, Qorshahaa Waxay Ka Bilaabeen Inay Qoriga Ugu Dhiibaan Boqorka Qof kamida Qoyskiisa Si’uu u qaarajiyo Boqor Faysal, Waxaa Gudaha Maraykanka Lagu Taba-Baray Inan Uu Adeer U ahaa Boqor Faysal oo lagu magacaabi jiray, Faysal Bin Musaacid, Taasoo Loo Soo dhiibay Baastoolada’ Si uu adeerkii Uga Takhaluso, 25-kii ‘March 1975-tii Faysal Oo ay Adeegsanayeen CIA’da Maraykanku Waxa Uu u soo Galay Boqor Faysal, Xaruntii boqortooyada ee Riyadh, Hadaba Inanka ayaa la Socday Wafti ka timid Dalkaasi Kuwayt oo u timid boqorka , Faysal Waxa Uu usoo Dhaqaaqay Dhanka Boqorka Isagoo Iska Dhigayey Sidii Mid Madaxa Ka dhunkanaya Boqorka, Waxaan Isla Markiiba Madaxa Kaga Dhuftay Laba Xabadood Boqorka, Waxaanu Damcay Inuu Goobta Ka baxsado Gacan Ku dhiigluhu Se Waxaa Isla Markiiba Qabtay Ilaaladii Boqorka, Sidaas ayaanu Ku Shahiiday Boqor Faysal Alle Haw-Naxariistee, isagoo 68-sano jir ah,
Sidaas ayay Ku dhacday In Aan Danaha Maraykanka Aanu Ka hor Iman boqor Sucuudi ahi Mar danbe Ilaa Wakhtigan, Boqorada Sucuudigu Waxay U daba Dhilif yihiin Maraykan Mana Jirin Dabadii Boqor Sucuudi Oo Qaadan Kara Go’aamadii Geesigii Islaamka Boqor Faysal Alle Yarxamee. Halkaas ayaa sidoo kalena Walaaleheen Falastiina Ay Ku waayeen Garab iyo Gaashaantoona
Wakhtigana Waxaa Falastiin Xoog ku haysta Israa’iil.

Qalinkii: Fadxi Greenford


cont: 252-63 4001631
 

 
 
Attachments area
 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
WAREYSIYO