Monday June 17th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Afkeenii Waa Agoomoobey WQ Fadxi Garaad Ciise ''Greenford''

0
Saturday September 08, 2018 - 17:19:44 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afkeenii Waa Agoomoobey WQ Fadxi Garaad Ciise ''Greenford''

    Afkeenii Waa Agoomoobey WQ Fadxi Garaad Ciise ''Greenford''

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afkeenii Waa Agoomoobey WQ Fadxi Garaad Ciise ''Greenford''
Qeexaalka Guud Af waa Erayo, Dhawaq leh, Dha-Dhan leh, Dhismayn leh, Waana Summad Af-garsho Oo ka Dhaxaysa Aqwaam.
Afka-Somaliga, Waxaa ku Hadla Hal-Qoomiyad Oo Hal-beegooda Tiro Lagu Qiyaaso 30-Milyan, Waxay Leeyihiin Hal-diin, Hal-Af, Hal-Dhaqan, Caqabada Keliya Ee ka Hortaagan Ku wada Noolaanshiiyaha Hal-Dal Waa Kala Qo-qobkii iyo Kala Qaybintii Gaalku Qoomiyadan Ku kala Qaybiyey, Isagoo U jeexay Diillimo Daliil u ah’ inay Kala Dal Yihiin.
Af-Somaliga: Waa Af-dhigaalada Dunida Ugu Hodansan, Dhanka Suugaanta, Iyo Saawinta Ereyeed Marka Laga Yimaado Afka-Carabiga Ee Barakaysan, Qaniimada Afkeena Hooyo Waxa Ka Turjumaya In Halku-dhigyadeena Maah-maaheed ee duxda iyo Damaca U yeela Tiraabta Hadalkeena Iidaankana u ah, Loo Dhalan-rogay Afaf-qalaad Kuwaasoo Ay Isticmaalaan, Dadyow kale Oo Dunida Daafeheeda Ku Filqan, Waxaa Qorayaal Caan ah, Oo Ajaanib ahi, Ka Qoreen Afkeena Kumanaan Buug Oo Bayaaminaya Suugaanteena Iyo Hodantinimada Afkeena. Waxaana Buugaag Bileyaal ahi Yaalaan Xarunta Dhaqamada Dunida Ee Ku taal dalka Faransiiska, Taasina Waa Martabka Qiimaha Weyn Xambaarsan Ee Afkeenu Ku Hogaaminayo Afaf badan Oo maanta Dunida Ay Faan ka tahay Inaad Ku hadalkiisa Taqaano. Somalidu Waa Dad Xikmad iyo Xeer-dhaadhinimo Ku duugantahay, Waxaana Aftahanimadeena Iyo Suugaanteena Qaaradaha ka Gudubtay Gacan weyn Inaga Siiyey Af-Keena Hooyo Ee Hodanka ah.


-Maxaa Afkeena Ku Sidkay Luuqadaha Qalaad?

Afkeenu Waxa Uu ka koobanyahay ereyo, Tiraab, Iyo Hawraar Somali Ah, Hadaba Wakhtiyada Qaar, Dhawaqyada Ereyada Ee aan Adeegsano Maxaa Ka dhigay Afaf Qalaad?
Ereyo Kooban Oo Aan Saamayn Badan Afkeena Ku lahayn Ayaa Aynu Ka Adeegsanaa Afaf Dhawra Sababtuna Waa Dhaq-Dhaqaaqyadii Ganacsi iyo Xadaaradii Faca-Weyneyd Ee isu gooshka Badda Iyo Is dhex-galkii Bulsho Ayaa Inagu Reebay Midhadhkaas.
Sidoo kale Kalmado Aynu Ka adeegsano Afka-Carabiga Waxaynu Ku nisbayn Karnaa In Ay Misaal U tahay Iyaduna Dhaq-dhaqaayadii Ganacsi Iyo Xadaaradii Isu Gooshka Safaradii Badda Ee Carabta Iyo Somalida, Ereyada Qadiimka Ah, Ee caadiyan Ku Labahan Afkeena isla markaana Dhawaqoodu yahay Carabiga Dhadhankooduna yahay Af-Somaliga ee Caadiga Inala Noqday Sababtaas ayaa Keentay Adeegsigooda, Ingiriisidu Waa Luuqada Dunida Ugu Horaysa maanta Waxaana Faan ah In Qofka Ku hadlaa Afkan Yahay Aqoonyahan. Hadaba Kuma Laha Afkeena Saamayn Buuxda Waxaa Jira Kelmado Ama Ereyo Kooban Oo Marti Afkeena Ku ah Isla markaana Aynu adeegsano, Sidaa Darteed Waa Raadadkii Gumeysigu Inagu Reebay.

Waxaa Jira Dhalinyaro Somali ah, oo Maanta Afkeena Ka Faana, Waxaa sida Caanaha U cad inay Jiraan Dhalinyaro Afkeenii Dhalan-Rogay Iyo Qaar Kaba Faana Inay ku hadlaan Afkeena, iyagoo Xiiso U qaba Ku hadalka Afafka Qalaad, Sidoo kale waxaa Jira Wadamo Somaliyeed isla markaana Afkii Iyo Dhaqankiiba Dhantaalay oo dhaawacay Heer Ay Afka Koowaad ee Dalka Qaynuun Ahaan Ka dhigteen Afafkii Gumeystayaasha, Ma Rabo In Qoraalkaygu Cid Gaara Duro, Se Waxaan Cadaynayaa In Ay Jiraan Dhalinyardii Oo afkeenii Mucdiisii Lumiyey Kana Qaaday Labeentii saarnayd, Kuna Hadlaya Afaf isku Milan Oo afaf badana, Isla markaana Afkeena Oo Af-Suuqi loo Rogay Qayb ka yahay, waxaa Xaqiiqo ah, In dadkeena waaweyn Iyo Ubadkeenu Badi Aanay Is Af-garad Afeed aanu Ka dhaxayn Taasoo Kuu Cadaynaysa In Afkeenii Sii Dabar go’ayo Ludkiisii iyo Laxaadkiisii. Arradka Maanta Haysta Afkeena Hooyo Waa Mid Masuuliyadiisa Ay Gabeen, Guud ahaan Af-yaqaanada Somalidu, Mana Jirto Miis Ama Madal Lagu Miideeyo Dib U Eegista Afkeena Hooyo, Waana Sababta Uu Dabar-go’a ugu jiro.

-Hirkii Heesaha iyo Heensihii Suugaanta Oo Habaabay!!

Heestu Waa God Ka mida Godadka Maansada Ee Afkeenu Hodanka Ku yahay, Hadii Aad saarto Miisaanka Qiimaynta Farqiga Iyo Kala duwanaashaha U dhexeeya Heesii Hore iyo Kuwan Dambe Waa Mid Aad U Weyn, Waxaana Laawisay Oo Lafa Jabay Baydadkii Rasiinka Ahaa ee Hobaladu Hollin Jireen Iyo Ereyadii Ujeedada Iyo Ullinka Fog Xambaarsanaa, Sidoo Kale Waxaa Lumay Miisaankii Maanso Iyo Miidii Macaaneyd Ee Suugaanteenu Caanka Ku ahayd. Arinkaana Delwis Xumadeeda Waxaa Leh Hal-Abuurada Casrigan Aynu Haysano.

hadaba aynu afkeena u hiilino dhamaan dhalinyaro iyo waayeelba dawladaha somalida ee xayndaabka siyaasada ku kala gudbanyahay waxaan kula talin lahaa inay afkeena dhiiri geliyaan sameeyaan xarumo afka iyo dhaqanka somalida lagu nadiyo oo algu naaqisho, si afkeenu aanu labeentiisu u gudhin.

Hindisa Qoraalka; Fadxi Garaad Ciise ''Greenford''
 
 
 
Attachments area
 
 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Wershada Maaxda Oo Loo Aqoonsaday Wershada Ugu Waxsoosarka Wanaagsan Ee Dalka
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
WAREYSIYO