Wednesday September 26th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Make Money Online
Youtube jobs

Heshiisyada wadamada geeska afrika kala saxeexanayaan oo fashil ku dhamaanaya iyo farmaajo oo diidey aqoonsiga soomaaliland

0
Saturday September 08, 2018 - 17:29:24 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiisyada wadamada geeska afrika kala saxeexanayaan oo fashil ku dhamaanaya iyo farmaajo oo diidey aqoonsiga soomaaliland

    Heshiisyada wadamada geeska afrika kala saxeexanayaan oo fashil ku dhamaanaya iyo farmaajo oo diidey aqoonsiga soomaaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiisyada wadamada geeska afrika kala saxeexanayaan oo fashil ku dhamaanaya iyo farmaajo oo diidey aqoonsiga soomaaliland Wamada soomaaliya itoobiya iyo ereteriya ayaa waxay kala saxeexdeen heshiisyo caadifi ah oo aan siyaasad ku salaysnayn iyo istiraajiitiyad dheer oo hal dhinac u wadajeeda ee ah heshiisyo mabda ahaan laysla qaatay iyadoon weli lasoo qaadin sida ay u fulayaan iyo cida fulin doonta oo ah cida gobolku isagoo isku duuban siyaasad ahaan u hoos tegayo taasoo noqonaysa laba mid uun . (1) inay maalgelinta sameeyaan wadamada khaliijka oo la hoos tegaya wadamada ingiriiska iyo maraykanka iyo (2) jayne oo isna la hoos tegaya ruushka ayna barbar taagan yihiin wadamada turkiga qadar iyo eeraan oo aanay gebi ahaanba reergalbeedku ogolayn inay mandaqada ku lug yeeshaan .


Hadaba heshiisyada isu tanaasulka dhuleed iyo siyaasadeed ee ka dhex bilowday itoobiya iyo ereteriya oo markoodii haldal isku ahaan jirey wadamada kalena isaga dhow ayaa ah kuwa ugu maslaxada dhow ee siday doonayaan isula jaan qaadi kara isla markaana siyaasadoodu haldhinac u wada jeedo midkastaana helayo maslaxadiisa uu higsanaayo kuna xidhan wadamada maraykanka ingiriiska iyo xulafadooda ahmiyada ugu weyna ka leh geeska afrika iyo marin biyoodkan loolanku ka socdo .

Hadaba dhinaca soomaaliya oo uu heshiiska kula jiro madaxweyne farmaajo ayaa saxeexkasta oo uu aduunka siiyaa ku adkaanaysaa fulintiisu maadaama uusan ahayn nin dalka uu xukumo siyaasad ahaan aan waxba gacanta ugu jirin loona keensaday markiisii hore in xasan shiikh kursiga lagaga hoos qaado uuna halkaa kasii wado siyaasad loo dhiibtey oo ahayd inuu halkii kasii anbaqaado siyaasadii cabdilaahi yuusuf ee nabadgelyo darada soomaaliya oo loogu talo galay inaanay soomaaliya degin inta loolan siyaasadeed ay kula jiraan wadamada maraykanku horkacayo isla markaana meesha lagaga saarayo cidkasta oo soomaali ah oo maraykanka iyo xulafadiisa siyaasad ku taageersan loona adeegsado shabaabka si aan loo helin cid loo raaco oo lagu soo oogo dilkooda .

Hadaba farmaajo maalgelinta soomaaliya ma aha mid uu ula gelayo maraykanka iyo xulafadiisa mana aha mid uu ula gelayo shiinaha iyo xulafadiisa ee waa mid uu ula gelayo talyaaniga iyo cida uu isagu keeno hase yeeshee itoobiya in waxay rabto loo yeelo maaha mid cidina diidan tahay .

Dhinaca kale jabuuti ayaan laga yaabin in ay qayb ka noqoto heshiiska maadaama dhulkeeda uu ku sugan yahay jaynuhu xitaa haddii ereteriya uga tanaasusho dhulka ay isku hayaan ilaa ay ogolaato siyaasada reergalbeedku ku midaysan yihiin inkastay iyagu kala maslaxado yihiin hadana guudka iskaga mid yihiin oo haldhinac ugasoo wada jeedaan jaynaha iyo xulafadiisa.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa waxaa hortaal inuu ka tanaasulo sida tan ay samaynayaan wadamada itoobiya iyo ereteriya ee itoobiya uga tanaasushey dhulkii ay isku hayeen ereteriya , ereteriyaya lafilayo inay uga tanaasusho jabuuti dhulkii ay isku hayeen si nabadgelyada iyo horumarka geeska afrika xalbuuxa looga gaadho taasoo aanu madaxweynaha soomaaliya marnaba aqbali doonin una sheegay in ay soomaaliland tahay dawlad goboleed lamid ah qabaailka maamulada loo sameeyey ee soomaaliya si loogu xoqo soomaaliland uuna doonayo in aduunku si isku mid ah ula cadaadiyaan sidii ay soomaaliya ugasii mid noqon lahayn .

Dhinaca kale soomaaliland ayaa maraykanka ingiriis iyo xulafadooda oo itoobiyana ku jirto uga qiimo badan soomaaliya lana siyaasad ah ugana dhuw marinka baabal mandan oo ah meesha taargedka siyaasadu saaran yahay loogana samaynayo xulafada saldhiga ugu weyn gobolka ee laga ilaaliyo bari iyo galbeed afrika iyo marin biyoodkanba dhowaana ay usoo wareegi doonaan maraykanka iyo xulafadiisu faransiiska mooyaane oo aan isagu jabuuti cidnaba uga baxayn miduu cida joogta kasaaro mooyaane .

Gebegebadii maqaalka heshiiska sida degdega ah loo kala saxeexanayo ayaa sidegdega u burburaya maadaama aanay soomaaliya sida la doonayo u fulinayn isla markaana u tanaasuleyn sida ay wadamada kale isugu tanaasulayaan taasina waxay kelifeysaa in maraykanku aqoonsado soomaaliland si uu ugusoo wareego saldhiga cusub ee xulafada looga dhisayo soomaaliland iyo inay socdaan heshiisyadii imaaraadka itoobiya iyo soomaaliland ee wadooyinka loogu bixinaayey itoobiya si uu horumarkeedu halkaas ugasii socdaan .

Dhinaca kale soomaaliya oo butlaan horkacayso qadar turkiga iyo wadamada la xulafada ah ayaa doonaya inay soomaaliland ka ridaan dagaal sokeeye iyagoo maalgelinaya dad taageersan xisbiga wadani oo ay doonayaan inay ugu dhuuntaan mucaaradad qabaail huwan si ay u carqaladeeyaan saldhiga oo carqalad ku noqonaaya istiraajiiyadooda ama loo siiyo ruushka isna u aqoonsado soomaaliland .

Qore: maxamed aadan axmed
Baashe siyaasadeed
Ahna siyaasi madax banaan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
WAREYSIYO