Monday November 19th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Dhacdo la yaab leh: Afar hawlwadeen oo Isku reer ah oo Kormeer Mixnadaysan ku Maraya Xafiisyada Wasaarada Maaliyada ee Berbera

1
Tuesday September 11, 2018 - 19:56:48 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Dhacdo la yaab leh: Afar hawlwadeen oo Isku reer ah oo Kormeer Mixnadaysan ku Maraya Xafiisyada Wasaarada Maaliyada ee Berbera

    Dhacdo la yaab leh: Afar hawlwadeen oo Isku reer ah oo Kormeer Mixnadaysan ku Maraya Xafiisyada Wasaarada Maaliyada ee Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdo la yaab leh: Afar hawlwadeen oo Isku reer ah oo Kormeer Mixnadaysan ku Maraya Xafiisyada Wasaarada Maaliyada ee Berbera

Afar xubnood oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa dhawrkii Cisho ee u danbeeyay Kormeer ku jooga xafiisyada wasaaradda maaliyadda ee Magaaladda Berbera.

Xubnahan ayaa la sheegay in Wasiirka Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed uu u xilsaaray inay soo baadhaan una kuurgalaan Sababta keentay inuu hoos u dhac ku yimaado dhaqaalihii ka soo xeroon jiray Kastamka Magaalo xeebeedka Berbera,iyadoo safarkooda lagu mudeeyay mudo toban maalmood ah,waxaana afartan xubnood midkiiba ku baxaya mudada ay hawshan ku jiraan Toban Milyan oo Somaliland Shilling ah taas oo ka dhigaysa in maalintiiba mid kasta oo ka mid ah afartan xubnood la siiyo hal milyan oo Somaliland Shilling ah,isla markaana uu soo ansixiyey Wasiirka Maaliyaddu.

Hasa yeeshee dhacdooyinka xiisaha leh ee Ku lamaan Kormeerka hawl wadeenadan ayaa waxaa ka mid ah in hor joogaha kooxdani uu ahaa Maamule ku xigeenkii hore ee Kastamka Magaaladda Berbera Cabdi Caydiid ee Maamulaha hada joogaa xilka kala wareegay isaga iyo Maamulihiisii hore waxaana la isweydiinayaa Maxsuulka uu soo saari karo mas’uul baadhaya Kii uu Xilka ku wareejiyey.

Sida ay sheegeen dad u dhuun daloola arrimaha dhaqaaluhu waxa uu hoos u dhac xoogani ku yimid dekhligii sida maalinlaha ah uga soo xeroon jiray Kastamka ugu weyn ee wasaaradda maaliyadda Somaliland ku leedahay Magaaladda Berbera mudadii todobada bilood ahayd ee uu xilkeeda hayay maamulaha hada ee Kastamkaasi C.raxmaan Cirro,hasa yeeshee talaabadan lagu baadhayo ayaa u muuqata mid nusqaan ku ah wasaaradda maaliyadda iyadoo dadka dhaqaalaha ka faaloodaa ay aaminsan yihiin in la baalmaray dariiqooyin badan oo baadhis loo samayn kari lahaa.

Arrinta kale ee layaabka leh ee Kormeerka afartan Mas’uul ee ka socda Wasaaradda Maaliyadda ka muuqata ayaa ah in Dhamaantoodba ay ka soo Jeedaan qabiil ahaan beesha Ciise Muuse una kala baxaan Sadex ka mid ah oo ka soo Jeeda raaska Maxamed Ciise iyo xubinta soo hadhay oo ka soo jeeda ardaaga Aadan Ciise Ee Beesha Ciise Muuse,Waxayna amuurtani dhaawac ku tahay milgaha dawladnimo maadaama loo fasiran karo in Kastamka Berbera aan loo ogolayn inay soo baadhaan mas’uuliyiin aan ka soo jeedin xubnahan isku wada beesha ah.

Isku soo wada duuboo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cali oo isaguna ku sugan magaaladda Berbera ayaa laga rabaa inuu bulshada ka qanciyo go’aankan uu ugu xushay in afar nin oo isku beel qudha ka soo jeedaa ay ku baadhaan maamulaha kastamka Berbera oo isaga laftigiisa ay dul hoganayso maamul xumo,loona baahan yahay Maamule adag Tusaale ahaan Maamulihii hore ee Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan oo heer fiican soo gaadhsiiyey Kastamka Berbera.

W/Qoray Cabdi faacuul xirsi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
WAREYSIYO