Wednesday September 26th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Make Money Online
Youtube jobs

Muxuu Daarran-yahay Shirka Guddiga Guud Ee Beelaha Habar-Jeclo Ay Ku Dhawaaqday

4
Thursday September 13, 2018 - 22:47:44 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 4128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 13
  • Share via Social Media

    Muxuu Daarran-yahay Shirka Guddiga Guud Ee Beelaha Habar-Jeclo Ay Ku Dhawaaqday

    Gudida Guud ee Beelaha Habar-Jeclo ayaa ku dhawaaqay inay dabayaaqada Sanadkan ay ku qabanayaan meel ka midda Gobolka Togdheer shir-dhaqameed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudida Guud ee Beelaha Habar-Jeclo ayaa ku dhawaaqay inay dabayaaqada Sanadkan ay ku qabanayaan meel ka midda Gobolka Togdheer shir-dhaqameed


Burco (Burcoonline) 13.09.2018 Gudida Guud ee Beelaha Habar-Jeclo ayaa ku dhawaaqay inay dabayaaqada Sanadkan ay ku qabanayaan meel ka midda Gobolka Togdheer shir-dhaqameed u dhexeeya Beelahoodda. sida ay shaaca kaga qaadeen Gudida Guud ee Beelaha Habar-Jeclo. Shirkayagu maaha ayey yidhaahdeen mid siyaasadeed ee waa mid Horumarineed iyo dhaqan, kaasi oo Beelaha Habarjeclo Ay danahooda kaga hadli doonto oo go’aamo-na ay ka soo saari doonto, kaasi oo aanay ka qayb-geli doonin Siyaasiyiinta Madax-banaan iyo masuuliyiinta xilalka dowladda haysaaba.


Iyaddoo sida ay sheegeen gudida Guud ee Beelahaasi. Ay ugu talo-galeen mudadaasi inay kaga soo qayb-galaan oo keliya Qol-qoljooga iyo Qurba-jooga Beelaha HJ oo dhamaan lagu casuumay. isla-markaana Ay iyaguna "Gogosha u fidinayaan dadka hormuudka u ah Beelaha Habar-Jeclo oo dhan.” Waxaana sidaasi ku dhawaaqay gudida guud ee Beelaha Habar-Jeclo oo Magaalada Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ku qabtay shir Jaraa’id todaabadkan horaantiisii . Shirkan Ayey sheegeen inaanu ahayn mid siyaasadeed ama aanay cidina ka dambayn.

Sidoo kale shirka guud ee Beelahani ay qabsanayaan gebi ahaanba way ka ilaalinayaan. sida ay sheegeen gudida guud "Xubnaha damaca siyaasadeed hayo ee Beelaha ka soo jeeda iyo kuwa xukuumada Muuse Biixi taabacsan ee doonaaya inay wakiil uga noqdaan" labadaba. isla-markaana cidii hunguri ku jirey , inay candhuuftooda dib u liqaan . waxaanu u sheegaynaa oo kale , inay cidkasta. siiba xukuumadda Muuse Biixi aanay shirkani kaga bixin waqti badan iyo awood badan oo ay ugu talo-gasho inaanay shirkani qabsoomin. sidii loogu talo-galay, iyada oo ka baqaysa in shirka ay ka soo baxaan go,aano siyaasadeed.

Sida ay sheegeen Gudida Guud ee Beelaha: Waxaa shirkan ka dhalan kara fikir guud oo Beelaha shirkani qabsanaaya Ay dantooda horumarineed oo keliya ku midoobaan. si loo gaadho ujeedo midaysan oo beeshu yeelato . Sida Midnimo Buuxda iyo Qorshe midaysan oo aan Cidna caqabad ku ahayn.
Hadaba waxaa la ogaysiinayaa dhamaan Beelaha habarjeclo iney si mug iyo miisaan leh uga soo qayb-galaan wakhtigana ilaaliyaan. madaama ay gudida guud ee beeluhu ay isla garteen in shirkan la qabto, waxaanay qaybaha kala duwan ee Beelahana ugu baaqeen inay ka Qaybgalaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
WAREYSIYO