Tuesday December 11th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Halkee Ayuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Cakiran Ee udhexeeya Gudomiyaha Asli Maydi Iyo Cheif Caaqil Faysal Abokor by Cabdiraxmaan Ismail.

1
Friday September 28, 2018 - 19:51:42 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 1086
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee Ayuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Cakiran Ee udhexeeya Gudomiyaha Asli Maydi Iyo Cheif Caaqil Faysal Abokor by Cabdiraxmaan Ismail.

    Bulshada Gobolka Sanaag saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay waxay soo mareen duruufo adag oo mid waliba weji gaara ku qaabishay sida:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bulshada Gobolka Sanaag saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay waxay soo mareen duruufo adag oo mid waliba weji gaara ku qaabishay sida:-


FAALLO :-(Burcoonline) 18.09.2018 Bulshada Gobolka Sanaag saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay waxay soo mareen duruufo adag oo mid waliba weji gaara ku qaabishay sida:-

Abaaro ,Colaado iyo Doorasho.

Mawduuc walba markaad sidiisa ugu sifeyso saameynta iyo raadka uu kaga tagay waa arin ay ogaalkeed Mid jooga Miyi , Magaalo ilaa wadamada dibadu ay ka dheregsan yihiin .


Balse Waa Bani’aadam oo Nimcada iyo Dhibtaba marku waayo ka joogoba wuu ilaa-baa .

Gobolka Sanaag Wakhtigii Abaarta ugu darani ka jirtey ee iskaba daa Xooluhu inay Calaf la’aan) Baad la’aan iyo Biyo la’aan ay u le’daane, Tiiyoo dadkuna meelaha qaarkood Haraad iyo Gaajo iilka ugaleen , halka wakhtigaas qaarkoodna la il-darnaayeen Diifta ,Diihaalka iyo Dayro-dhaafka dhaxameed .

Dal iyo Dibad gurmad kuma yarayn , Dalka gudihiisa waatay Ganacsatadu shilinka ufureen .
Gobolka Sanaag oo ah Dhul daaqsimeed baaxad Alle Ku galaday isla markaasina ahaa Gobolka Xoolaha ugu uga iman jireen gobolada kale ee dalka gudihiisa iyo inta dibada loo waaridoba.

SANAAG ; Ganacsatadii Sida hagar la’aanta ah hantidooda ugu hibeeyay waxa kow kahaa Ganacsade Barkhad Jibriil Xassan oo iminka ah ninka Somalida ugu taajirsan , isla markaasina ah Gudoomiyaha Shirkada [ Asli Maydi ] .

《 Ninka hadii aad is haysaana libtiisa waa la sheegaa e 》.

Inaan libintiisa qiraana waa ta igu keliftay Hadal qoraalkaygan .

Barkhad wuxu waajibkii gurmad ku fuliyay ama ka hor bilaabay deegaanada uu ka socdo ganacsigiisa beeyada .

Deegaanadaas waxan qoraalkaygan kusoo qaadanayaa Magaalo Ganacsiyeedka [Ceel-Dahab /Dibir].

Magaaladan yar wakhtiyadii hore Beeyada Kasoo go’da Buuraha ku gedaaman macaash sidaasi usii badan lagama heli jirin kala iibsiga Xabkaha iyo Faleenka kadib marka shaqadeeda loosoo dhamaystiro 1KG-ka Beeyada ah waxa ganacsatada yaryar laga siisan jirey《 $1 ama $2 》.

Iyadoo ay sidaa tahay waxa deegaankaasi yimi Barkhad Jibriil kadibna wuxu calaa kiilo dadkii deegaanka ka siistay $5 .

Isla markii uu hawsha si dardar leh ku bilaabay ganacsatadii yaryarayd ee beeyadana macaash badan usoo hooyay , arintaa dadweynihii deegaanku aad bay ugu riyaaqeen halka geesta kalena ay aad ugasoo hor-jeesteen Ganacsatadii Gacanta koowaad , Madax-dhaqameed deegaanka ah iyo niman Siyaasiyiin sheegta oo isla deegaankaasi kasoo jeeda.

Kadib dedaalkaas iyo juhdigaas ayuu Afartii Sano ee Lasoo Dhaafayba Ka Waday Deegaanka uu ka ganacsanayay ee Ceel-dibir,

Inta badan sida Caado dhaqameedka Beeyada iyo hawleheeda ka dhex jirta amba dadka intiisa udhuun dalooshaa utaqaano , Hawshu waxay ku bilaabantaa Maal-gelinta Gacanta Koowaad ka imanaysa oo ah Shirkada keliya ee ilaa haatan la ogyahay inay Beeyada si nadiifa uga ganacsato ee Gobolka sanaag waa [Asli Maydi’e].

Waxana maal-gelinta shirkada ka qaata ganacsatada yar-yar ee gacanta labaad oo iyaga saldhigoodu yahay Magaalada Beeyada Buurta kasoo go’da la keeno halkaasi oo lagu miisaamo kadibna gaadiid laga soo saaro oo la keeno Magaalooyinka waaweyn ee Shirkadu kuleedahay Xurumaha .

Hadaba Qofku marku hiigsi iyo himilo fog leeyahay ma waayo mid ka xun oo qardoofo hadba u dhiga e .

Ninkaa halkii kiiloo graam ee beeyada ah kasoo Qaaday $1 ee isagu kaga iibsaday dadkii deegaanka $5 .
Waxa mas laba iyo luqun madoobe ah ku noqday Ninmankii umadaa deegaankaas inay kamasuul yihiin lagu sheegay , oo waxba kalama gabanayo e uu ugu horeeyo Inaadeerkay Faysal Abokor Xassan oo ah Caaqil deegaanka Shirkada Asli Maydi Ka Ganacsato Kasoo jeeda .

Waxa nasiib daro weyn ah kadib markii Ninkaa Faysal arkay in deegaankii lacag badani soo gashay oo ganacsatadii yar-yarayd dhaqaalohoodii kobcay inu qaado talaabo kasta oo uu deegaanka kaga saaro shirkadaasi faa’iidada weyn bulshadii deegaankiisa usoo kordhisay.

Deegaanada Kale ee Somaliland waxan ku arkay Haday tahay Hogaan Siyaasadeed iyo Mid dhaqanba waxay Aalaaba ku mashquulsan yihiin sidii bulshadooda horumar Tanaada ugaadhsiin lahaayen .

Balse bi’i waaye walaalkey FAYSAL Wuxu noqday Beryahaaba Boog ku taala bulshada Deegaanka Huluul iyo Inta ay xukunto .

Bulshadiina deegaankuna maadaama oo ay arkeen si fiicanna uga dhergeen habdhaqankiisa waxay Su’aal geliyeen mas’uuliyada uu u hayo .

 

Lasoco Qaybta Labaad .
Qalinkii :-Suxufi Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici).
Tell 0634432659


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
WAREYSIYO