Tuesday December 11th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Craxmaan Cadamiyoow Axmed Siilaanyo Iyo Inanta Zamzam Wax May Boobine, Dalkay Dhiseen.

1
Friday October 05, 2018 - 19:15:55 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Craxmaan Cadamiyoow Axmed Siilaanyo Iyo Inanta Zamzam Wax May Boobine, Dalkay Dhiseen.

    Craxmaan Cadamiyoow Axmed Siilaanyo Iyo Inanta Zamzam Wax May Boobine, Dalkay Dhiseen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Craxmaan Cadamiyoow Axmed Siilaanyo Iyo Inanta Zamzam Wax May Boobine, Dalkay Dhiseen.

Sida Laga Arkayay Shabakadaha Wararka Crxmaan Ismail Cadami Maqaal Uu Ku Baahiyay Waxa Uu Si Weyn Yididiilo Uga Muujiyay Hanaanka Uu Wax U Wado Madaxweyne Muuse Biixi,Taasi Lidkeedana Waxa Uu Dhaleecayn Weyn Dusha Kaga Tuuray Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo,Oo Uu Ku Tilmaamay Arxan Laawayaal Boob Ka Geystay Dalka.

 

Carxmaan Nin Aragti Gaaban Ma Aha,Nacas Ma Aha,Aqoon La’aanina Ma Hayso Oo Macalim Ayuu Ahaa Dawladii Ziyaad Barre,Sidaasi Awgeed Ma Aha Oday Cadami Nin Madmadow Ka Geli Karo Siilaanyo Wuxuu Galo Iyo Wuxuu Gudo.

Inkastoo Aanay Isa Soo Gaadhi Jirin Hadana Kollay Balaf Ama Maqal Wuu Ku Haystay Inuu Axmed Siilaanyo Ahaa Nin Zaciim Ah,Musuq Maasuq Iyo Hunguri Lagu Xaman,Shakhsi Taariikh Tiisa U Dhiganta Lehina Somaliland Ka Dhalan,

Hase Ahaatee Maadaama Aanay Aqoon Gaar Oo Ka Dhaxysay Jirin,Wada Shaqayn Dhex Martayna Jirin Sidaasi Oo Kale, Xilkii Maayarnimada Kadib Wuxuu Cadami Saaxada Siyaasada Kusoo Galay Gudoomiyihii Gobolka Maroodi Jeex Ee Xisbiga Udub Wakhtigii Daahir Riyaale,Kaasi Oo Kolkii Uu Daahir Ku Guulaystay Talada Dalkana Ku Helay Gudoomiyaha Hayadda Shaqaaalaha Dawladda.

Laga Soo Bilaabo Xilkaasi Gudomiyaha Gobolka Ee UDUB Ilaa Intii Uu Ku Guda Jiray Xilka Hayadda Shaqaalaha,Intaasba Hawsha Cadami Yoolka U Ahayd Waxay Ahayd Maagga ,Iska Caabinta Iyo Aflagaadada Axmed Siilaanyo Oo Hogaamiye Ka Ahaa Xisbigii Ugu Awoodda Badnaa Ee Kursiga Ku Haystay Daahir Riyaale Oo Ahaa CADAMI CHIEFKIISA.

Haddii Uu Riyaale Tegey Oo Meeshii Ka Baxay Ogoobeey Garo Oo Axmed Siilaanyo.Oo Taladii Dalka Ka Dhaxlay Muusan Haynin Sabab Uu Xil Ugu Dirto Nin Ka Mid Ah Dadkii Ugu Aflagaadada Badnaa Xisbigii Ay Is Hayeen.

 

Sidoo Kale Saami Qaybsiga Beelaha Kolka La Eego Muu Ahayn Cadami Nin Kayuugiisu Gaaban Yahay Oo Wax Loo Baadh Baadhi Karo,Maadaama Jifadiisu Ahayd Tii Ugu Badnayd Beelaha Kale Ee Somaliland Ee Saami Kar Kaarka Jebisa Ka Hela Xukuumaddii Axmed Siilaanyo,Iyadoo Kolka Laga Yimaaddo Sacad Muuse,Oday Cadmi Jifadiisa Hoose Ku Lahayd Ilaa 12 Mansab Oo Ku Taxan Ilaa Heer Wasiirkii Maaliyada Zamzam C Aadan.

 

Taasina Waxay Keentay Inay Cadami Kusii Siyaaddo Nacaybkii Uu U Qabay Siilaanyo Xaddi Ka Badan Intii Hore.Maadaama Cidna Waxba Kama Geline Aanu Jirin Xil Isaga Loogu Yaboohay.

Maqaalaadka Dhaleecada Ceebta Iyo Caydu Marna Maysan Kala Go’in 7dii Sano Ee Siilaanyo Xilka Hayay,Ilaa Maanta Oo Uu Sanad Kasii Maqan Yahayna Waa Kaasi Wada Weli Ee Aan Ka Tanaasulin,

 

Waxaase Fiicnaan Lahayd In Oday Craxmaan Cadami Loogu Dhaarto Inaanay Axmed Siilaanyo Iyo Zamzam Boob Samaynin Ee Ay Dalka Dhiseen Dhaxal Wanaagsanna Uga Tageen,Sii Amba-Qaadka Midhihii Ay Tageenna La Gudboon Tahay Ninka Maanta Talada Haya.

 

Intaas Kolka Aan Kasoo Tago Waxaan Jecelahay Inaan Is Tusaalayno Oo Ku Yara Hakanno Oday Craxmaan Cadamiga Musuq-Maasuqa Cid Ku Eedaynayaa Waa Kuma?

 

 

 

Sida Dad Badani Garanayaan Craxmaan Cadami Waxa Uu Dabayaaqadii Sagaamaadkii Ilaa Laga Soo Gaadhayay Sanadii 2000 Soo Qabtay Xilka Maayarka Caasimada,

Waxa Bulshada Maankooda Iyo Maskaxdoodaba Kasii Guuxaya Xasuus Lama Ilaawaan Ahna Ku Reebtay,Habdhaqankii Arxan Darada Iyo Tudhaale La'aanta Ahaa Ee Oday Cadami U Gacan Togaaleeyay Boobkana Uga Geystay Hantidii Umadda Gaar Ahaan Cashuurtii Laga Qaadayay Dadka Masaakiinta Ah Ee Ku Dhaqan Hargaysa,Oo Ay Kasii Muuqatay Darayadii Iyo Diiftii Ay Ka Dhaxleen Qaxootigii Iyo Dagaaladii Ay Kaga Baro Kaceen Gobolada Dalka



Xilliga Uu Hanti Boobka Sameeyay Oday Craxmaan Cadami Runtii May Ahayn Maalin Uu Ninkii Damiir Lehi U Hunguroodo Bulshada Aynu Garanayno Taagtii Iyo Itaalkii Ay Lahayd.



Waxay Ahayd Maalmo Aan Dadwaynuhu Gebi Ahaanba Haysan Biyo,Koronto,School,Wadooyin Iyo Dhamaanba Adeegyadii Lagama Maarmaanka U Ahaa Nolosha Masuulka Ay Ka Sugayeenna Ahaa Kaas Boobay Waxoogii.



Aqaladii Ku Dumay Dagaalada Xataa Dadku Kolkii Dhaqaale Ay Jiingad Ku Saartaan Waayeen Dusha Sare Ee Guryaha, Waxay Dantu Badday,Inay Saaraan Shiraacii Ay Kala Yimaadeen Qaxootiga,Iyagoo Ku Sugaya Inta Ay Helayaan Lacag Ay Ku Gataan Jiingadii Korka Sare Ee Aqalka, Maadaama Guryuhu Bilaa Jiingad Ahaayeen Oo Dawladdii Faqash Ka Fur Furatay Mudadii Lagu Jiray Dagaalada Dibu Xoraynta.



Maalinta Uu Boobay Ee Dhacay Hantida Umadda Maayarkii Hargeysa Oday Craxmaan Cadami,Waxay Ahayd Maalinta Xambaarsanayd Duruufaha Caynkaas Ah,Oo Nin Kasta Oo Dhiig Ku Jiraaba Ku Fekerayay Sidii Uu Dadkiisa Daryeel Ugu Raadin Lahaa.

 

Madaxweynihii Xiligaasi Maxamed Xaaji X Ibraahim Cigaal,Kolkii Ay U Cadaatay Halka Uu Wax Ku Wado Iyo Boobka Speedka Daran Ku Socda Ee UuBelediyahaCaasimada Ku Hayo Craxmaan Cadami.

 

Wuxuu Go,Aansaday Ahn Cigaal,Inaanu Ku Eegine Ummadda Baaqiga Uga Qabto,Sidaasi Buuna Xilkii Kaga Qaaday Maayar Cadami.

 



Xagee Buu Geeyay Oday Cadami

Hantidii Uu Dhacay?



Maayar Cadami Hantidii Uu Boobay Wuxuu Ugu Talo Galay Inuu Ganacsi Ku Abuuro,Sidii Uu Usii Waday Wuxuu Ku Shubay Imaaraatka Carabta,Wuxuu Heshiis La Galay Companayo,

Shirkadahaas Wuxuu Oday Cadami Kaga Soo Gatay,Badeecado Ganacsi Oo Ciiddaa Iyo Camaarkaa Ka Badan.



Maxaa Loox Ah?Maxaa Jiingad Ah?Maxaa Garaa'id Ah?Maxaa Sibidh Ah?Maxaa Gaadiid Ah?



Ninkii Joogay Baa Joogay,Waana Loo Wada Jeeday.

 

Bulshada Caasimada Oo Hadal Haynta Ugu Badani Waagaasi Iyo Dareenka Taagani Ahaa Ku Diirada Saaraya Tijaaradda Oday Cadami, Waxay Naawilayeen Bal Halka Badeecadahaasi Ganacsi Ee Lagu Soo Gatay Dhaqaalaha Laga Boobay Saldhto.

 

Sow Dahab Adoo Sida Daasado Ma Noqon Karo.

 

Markabkii Soo Qaaday Ee Dubai Lagaga Soo Daabulay Wuxuu Soo Gaan-Gaanbiyoba Saddex Maalmood Uun Ka Dib Kolkii Uu Kasoo Dhaqaaqay Dubai, Miyaanu Deign Intuu Duufaan Ku Kacay.

 

Miyaan Carrabkii Masaakiintu U Hayaaminin Markabkii Salka Hoose Ee Badda.


Ujeeddo Iyo Haatan Craxmaan Cadamiyoow Musu Maasuq Boob Iyo Xishood La’aani Taas Bay Ahayd.

Axmed Maxamed Siilaanyo Mujaahid Ceebla’a Ayuu Ahaa,Cimrigiisa Wuxuu Ku Dhameeyay Danta Ummadda Uu Kasoo Jeedo,Mudadii Uu Madaxweyanaha Ahaa Wixii Uu Dalka Iyo Dadka U Qabtay,Horena Looma Qaban Dibna In Loo Qaban Doono Wax U Dhigma Allaha Xakiim Ah Baa Garan.

Axmed Maxamed Asaaggaa Buu Ahaa, Xilka Ummadda Ka Saarnaa,Adigana Mid La Mid Ah Ayaa Ku Saarnaa,Hadana Nasiib Darro Kolkuu Duurka U Galay Dadkiisa,Adigu Xamar Baad Joogtay Oo Ku Gaadahay Ilaa Qaxii.

 

Gobanimadii Isaga Iyo Geesiyaashii Kale Ee La Midka Ahaa Naftooda U Hureen Ee Ka Hirgashay Somaliland Ayaad Kusoo Hiratay Adigoo Aan Waxba Ku Darsan.

Waajibka Ku Saaran Ee Kula Gudboon Maantana Ma Aha Inaad Naabaalo Cadho Ka Kacday Xil Ka Daba Tuurto’e,Waxa Weeye Inaad U Ducayso Waa Hadii Dalka Iyo Dadka Damqasho Tiisii Oo Kale Ahi Kuugu Jidho.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
WAREYSIYO