Wednesday February 20th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Mahadhooyinka Suugaanta Iyo Maskaxaha Lamaan !

0
Saturday October 06, 2018 - 19:09:41 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahadhooyinka Suugaanta Iyo Maskaxaha Lamaan !

    Suugaanta somalida maskaxa curiya, uun baa kala duwane waa Code's loo qaybiyay gayiga abwaanada geyigeena, waana hibo eebe oo uu ku galado cida uu doono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suugaanta somalida maskaxa curiya, uun baa kala duwane waa Code's loo qaybiyay gayiga abwaanada geyigeena, waana hibo eebe oo uu ku galado cida uu doono

Suugaanta somalida maskaxa curiya, uun baa kala duwane waa Code's loo qaybiyay gayiga abwaanada geyigeena, waana hibo eebe oo uu ku galado cida uu doono, wax badan markaad raad raacdo waxa aad ogaanaysaa Ama aad arkaysaaba gabay uu tiryay abwaan oo uu u jeedo ku soo gudbinaayo marka uu dhameeyay ee uu abwaankaasi soo xidho gabaygiisii waxaad arkaysaa gabay abwaan kale sameeyay oo aanay kii hore isku qaafiyad ahayn laakiin uu ujeedadii abwaankaasi ka hadlaayay halkuu ku joojiyay ka sii anba qaadaaya oo isna meel kale ku joojinaayo in abwaan kaloo sadexaad tibaax ka sii bixiyaana way dhici kartaa !



Waxa kale oo aad arkaysaa dhowr abwaan oo hal wax ka wada hadlaaya se midiba si gaara u soo gudbinaayo waxyaalaha badanaaba dhaca waxa ka mida in saadaashu midayso ama ay wax wada raad goobaan hadii saadaashaa ama raadintaasi sadex abwaan iyo kabadanba haday midayso runtay ku sii siqaysaa !


Hadii aynu tusaale yaal soo qaadano sida


Hees Hassan Genay sameeyay oo ku jirtay Riwaayadii Masiibada Tucyo ka mida ayaa ahaa



Curuurtuna way guri la'day

Habeenkuna tuur gabalo

Hangoolka gadhkiisiyo

Gantadu way kala fogyiin

Midi wuxuu degay galbeed

Midina gees bari buu jiraa !


Maansada Gurmad ee Maxamed Xaashi Dhamac gaariye iyana waxa ku jirtay


Hirbaa laga guurayaa

Midbaa lagu geediyahay

Waxaan goobayaa hangool

Faraakiisiyo gantadu

Midkoodba geed ku yaal !


Hees kale oo aanan garanayn iminka cidii samaysayna waxa ku jirtay


Reerkaan yaglel lahaa

Oodaan. U goyn lahaa

Hangol kan kuso guri laha

Garka iyo fararihii baa

Midba. Geed ku yaalaa

Gacan tayda. bidix diyo

Midigtu. Isma gadhaan !


Intaas oo abwaan waxay isku raaceen hangool garkiisii iyo faraaruhu midiba geed ku yaalaan ood in lagu gurtana la doonaayo ujeedadu way xeel dheertahay fahankeeduna ma yasirna


Qore Safwaan Sa'adadiin Ahmed


Email.safwaan112@gmail.com

Stockholm Sweden





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
WAREYSIYO