Wednesday February 20th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

'' Dhambaal Hambalyo' Hankii Qaranku Muddo Hollanaayey Ayuu Hir-geliyee Hambalyo ayuu mudan yahay.gud sharmaake geelle

0
Wednesday October 10, 2018 - 00:45:25 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Dhambaal Hambalyo' Hankii Qaranku Muddo Hollanaayey Ayuu Hir-geliyee Hambalyo ayuu mudan yahay.gud sharmaake geelle

    Waxaan qalinka ugu qaatay qormo-dhigaalkan kooban ee hambalyada iyo bogaadinta daarran'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan qalinka ugu qaatay qormo-dhigaalkan kooban ee hambalyada iyo bogaadinta daarran'

Inaan dhiiri-gelin iyo dhoodirin uga dhigo Gudoomiyaha haayada shaqaalaha dawlada { chair of CSC] sharmaake Axmed Muxumed geelle, kaasoo qabtay shaqo qaranka qiimo weyn u leh, shaqadan oo ah tii ugu baaxada iyo ballaadhka weynayd ee xukuuumadu qabatay, tasoo ahayd mashruucii tirinta , tayaynta taawinta, tamaraynta, iyo tiro-buuxinta godadkii tiro-dhinmay, shaqaale weynaha qaranka, taasoo rajo iyo riyo rumowday u noqotay dhalinyarada aqoonyahanka ah iyo guud ahaan ummada jamhuuriyada Somaliland..

Hal-odhaaheed somaliyeed ayaa ahaa ‘’Aadame Ma Mahadshe Allena Ma Mahadsho’’ iyadoo shaqada qaranka uu u qabtay gudoomiye sharmaake geelle ay ahayd mid waajiba, ayaa waxa uu hadana mutaystay inaynu ku mahadino masuulka shaqadan qiimaha badan ee uu qaranka u qabtay, si’ uu u sii laban laabo dedaalka darandoorinta iyo dar-darta wax-qabadyada ku socda ee is daba jooga ah’ ee uu qaranka ugu fooganyahay. Ka dhalinyaro ahaan iyo ka aqoonyahan ahaamba waxaan mahad mug-weyn dusha ka huwineynaa masuulkan da’da yare e dedaalka dheeriga ku bixinaya u adeegida dadkiisa iyo dalkiisaba, si dalku u helo shaqaale carbisan oo cilmi leh.

Aalaaba dadkeenu masuulka miiraaliya shaqo mug iyo manfac u leh dalkeena ma mahadiyaan, waxaana suurto gala inay dhaliil wadareed dhakada uga huwiyaan, hadaba shakhsigan madaalaha ah’ ee dahabiga ah. Ayaan hawshiisu dhaliil iyo xagal-daac ku jiran, sida quruxda iyo qaayaha lahayd ee uu warbaahinta iyo war-tebiyayaasha uga baahin jiray tan iyo intuu uu hawshaa ku guda jiray, waxaanu si aan qalooc iyo qarsoodi lahayn u baahin jiray hadba halka ay hawli marayso isagoo faah-faahino iyo faallo-gur lagu qanci karo si bayaan uga bixin jiray hawsha uu qaranka u hayey, tirada godadka saxda ah, ee banaanaaday, tiro wadareedka guud ee guud ahaan shaqaalahii dawlada ee qalinku tiro koobay, isagoo gudoomiyuhu u kala qaaday una kala qaybiyey qaybo dhawra, si aan hadh-iyo humaag u gelin hadala uga soo noqon, tiradii dhimashada, tiradii dhul-yaalka, tiradii-caaglaha iyo caajiska, tiradii raq-iyo ruux la waayey jaantooda iyo cidgibtooda, tiradii fasaxayada waxbarasho iyo caafimaadba, tiradiiDood magac ka qaldan iyo maqnaasho xiligii diiwaangelinta, waxaanad halkaa ka dha-dhansanaysaa in uu si cadli iyo ceeb-la’aana u wado hawsha qaranka. Waxaana Markhaati iyo marag kuugu midh-sugan booqashadii iyo bogaadintii wakiilka ugu sareeya somaliya iyo Somaliland ’Mr Hugh Riddell’’ uu ku yimid dalkeena somalilnad isla markaasina uu u bogay shaqada wanaagsan ee uu qaranka sharmaake gacanta ugu hayo’ maadama oo hawshan- hir-gelinteeda, dhaqaale uu gacan ka gaystay bangiga aduunku [ world bank].

Ugu dambayn taladayda iyo tusaalayntaydu waxay tahay in loo baahan yahay inaynu shakhsiyadeena hawl-karka’ ah’ ee hawl-qabadyada ’ horu socodka ah’ hiraala, isla markaana leh’ hal-abuurka waxqabad inaynu ugu yaraan mahnaq iyo hambalyeyn la garab joogsano, si ay ugu noqoto shidaal qaadasho-shaqo wanaagaas, bogaadintii iyo dhiirri gelintaasi waa mid nidaamkeena geedi socod ee hawlaheena shaqo ee qaranka aad ugu qurux badan, oo aynaan shakhsigii oo shaqo wanaagsan qaranka u qabtay dhaliil-wadareed ka hor gayn oo niyad jab iyo nusqaan, ku abuurin,

 

Qalinkii- Fadxi garaad ciise.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
WAREYSIYO