Wednesday February 20th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

0
Wednesday October 10, 2018 - 18:30:48 in Wararka by Hargeisa Head OFFICE
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

    Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

WAR-SAXAAFADEED: 10/10/2018
Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Hargeysa-10-10-2018-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefdi ay hoggaaminayso Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso Anne Elisabeth kobaek oo ah madaxa xafiiska Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee dalka Denmark u qaabilsan eeSomaliland ee DANIDA.

Kulankaas waxa laga wada hadlay qodobo muhiima oo la xidhiidha mashaariicda horumarinta ee ay Somaliland ka hesho sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF), oo ay Denmark qaybka tahay sidii loo xoojin lahaa ee korna loogu qaadi lahaa, waxa kale oo laga wada hadlay sidii looga midho dhalin lahaa wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya hore u dhexmaray balse hakadku ku yimid, waxa iyana kulankaasi lagu soo qaaday doorashooyinka Somaliland ee sanadka 2019 ka horaantiisa la filayo inay dalka ka qabsoonto, sidii ay qayb uga qaadan lahayd dawladda Denmark iyadoo xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay wixii kharash ku baxaya ee ka xukuumad ahaan laga sugayo, dhinaca wadama ay Denmark ka midka tahay ee Somaliland ka taageera doorashooyinkuna ay qayb tooda ka qaataan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd wakhtigii loo cayimay ee la isaga kaashan lahaa, waxa kaloo kulankaasi lagu soo qaaday nabadgelyada mandaqadan geeska afrika ee ay Somaliland hore ugu caanbaxday ilaalinteeda iyo dhawristeedaba, sidii loo adkayn lahaa.

Madaxa wefdiguna waxa ay sheegtay in ka Denmark ahaan ay xoojin doonaan xidhiidhka labada dal ka dhexeeya, isla markaana ay xoogga saari doonaan iskaashiga labada dal iyo horumarinta Sanduuqa SDF, door muhiimana ay ka qaadan doonaan doorashooyinka wakiiladda iyo golayaasha deegaanku inay wakhtigii loo asteeyey ku qabsoomaan Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku soo dhamaaday Isfahan buuxa oo dhexmara labada dal.

ALLAA MAHAD LEH


Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoor


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
WAREYSIYO