Thursday April 25th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Siyaasada dal waxay u kala baxdaa laba qaybood oo kala ah (1) siyaasada khaarajiga (2)siyaasada daakhiliga .

0
Wednesday October 31, 2018 - 17:46:48 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasada dal waxay u kala baxdaa laba qaybood oo kala ah (1) siyaasada khaarajiga (2)siyaasada daakhiliga .

    Hadaba siyaasada khaarajigu waa sida dal aduunka ula macaamilo ciduu siyaasad ahaan la bahyahay cid uusan la bah ahayn waxna ka dhaxayn iyo cid uu u arko

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba siyaasada khaarajigu waa sida dal aduunka ula macaamilo ciduu siyaasad ahaan la bahyahay cid uusan la bah ahayn waxna ka dhaxayn iyo cid uu u arko

Hadaba siyaasada khaarajigu waa sida dal aduunka ula macaamilo ciduu siyaasad ahaan la bahyahay cid uusan la bah ahayn waxna ka dhaxayn iyo cid uu u arko inay cadowgiisa tahayba mid la deris ah iyo mid shisheeye ah midkay doonaan wadamadaasu ha ahaadeene.

Siyaasada daakhiligu waa sida dalka gudihiisa madaxdiisu u maamulaan inkastoo wasaarad waliba leeyahay siyaasad u gaara oo shaqadeeda lagu maamulo wasaaradina wasaarad la shaqo iyo siyaasad midna ahayn oo midkasta goonideeda hawlaheeda (siyaasadeeda) loogu talo galay u qaadato hadana dhamaan waxay siyaasadahaasu hoos yimaadaan waa madaxtooyada (madaxweynaha iyo shaqaalihiisa noocay doonaan ha ahaadaane ) dalka oo ah meesha ay isugu yimaadaan dhamaan siyaasadaha dalku mid gudo iyo iyo debedeedba
siyaasadahaasna waxna waa lagu wanaajin karaa waxna waa lagu durayn rakaa dalka gudihiisa iyo debediisaba .


Hadaba siyaasada guduhu waxay u kala baxdaa iyana laba qaybood oo kala ah mid dejisan oo wasaarad waliba leedahay inay raacdo laguna horumariyo una qorshaysan iyo mid maalinle ah oo ka timaada goobaha shaqada gudo iyo debedba kaasoo ay kasoo kordhaan kor u kac iyo hoos u dhac labada iyo sida masuuliintu u xaliyaanba .

Hadaba xirsi isagoo ahaa gacan yarihii madaxweynaha iyo wasiirkii madaxtooyada oo ah xoghayaha rasmiga ah ee madaxweynaha gacantana ay ugu jirto siyaasada dalku ayuu qoray buug uu kaga sheekaynayo siyaasada dalka dhamaanteed oo uu dadbadana u bandhigay siday uga caawiyaan qorista buugaas . Hadaba buugaasi wuxuu muujinayaa aduunkana u bandhigayaa sirkasta oo dalku leeyahay mid gudo iyo mid debedeedba oo sibuuxda uu cadowga soomaaliland uga shidaal qaadan karo dhinackasta maadaama xukuumada hadda joogtaana ku shaqayso siyaasad ahaan xukuumadii iyada ka horeysey ee uu isagu xukunkeeda waxka ogaa .

Hadaba waxaynu maqli jirey basaas oo ahaan jirey qofka sirta dawlada u gudbiya dawlado kale isagoo tuugo ahaan wax sheegaya hadba waxa uu arkay noocay yihiin . Hadaba buuga xirsi wuxuu ka dhigan yahay basaasidii oo sharci laga dhigay maadaama uusan waxba ku dhaafin amaanadii dalka ee uu masuulka ka ahaa iyo kuwo uusan masuul ka ahaynba , dimoqraadiyaduna xad bay leedahay oo haddii shacabku sheegaan wax jira siduu doono hawmaqlee maaha wax laysku taxaluujin karo waxaana lagaba soo qaadi karaa mid aan jirin marka laga aamuso laakiin haddii uu faafiyo masuul ka mid ah masuuliinta dalka ugu sareysa ee siyaasadaba gacanta ku haysaa wuxuu doono hawga jeedo siduu doonana haw dhigee waa danbiile qaran hadday dawlada dalka ka jirtaa ku qaadayso iyo haday ku dhaafaysaba . Waxa isna denbiile lamid ah cidkasta oo ka qayb qaadatay fidinta buuga inuu galo global villege ka ama internetka taasoo uu maanta joogo meel aan lagasoo celin karin . Xukuumada soomaalilandna waxaan uga digayaa unay ilaaliyaan fogta dalka mid gudo iyo mid debedeedba

Qore: maxamed aadan
Baadhe siyaasadeed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
WAREYSIYO