Thursday November 15th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Shan Faa'iido Oo Laga Helo Socodka Lugta Ah W/D: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

0
Friday November 02, 2018 - 09:23:37 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan Faa'iido Oo Laga Helo Socodka Lugta Ah W/D: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

    Shan Faa'iido Oo Laga Helo Socodka Lugta Ah W/D: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shan Faa'iido Oo Laga Helo Socodka Lugta Ah W/D: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)
Wakhtigan casriga ah ee haatan la joogo ha la yaabin hadii dhakhtar intaad u tagto uu kuu qoro socod lugta ah halki aad daawo ka sugaysay
saabtooo ah waxa jira waxyaalo badan oo faa’iido caafimaad inoo leh oo aynaan fahansanayn balse way badan yihiin faa’iidooyinka socodka lag helo laakiin Halkan waxan ku soo koobay liis shan qodob ah ah oo kawaramayaa faa’iidada socodka lugtu leeyay.
1. Wuxuu ka hortagaa in uu miisaanka jidhku uu kor u kaco .Cilmi baadhayaal ka tirsan Harvard ayaaa daraasad cimli ah ku sameeyay in ka badan 12,000 oo qof si ay u go'aamiyaan faa’iidada socodk lugta ah
leeyay waxaany daraasada ku xaqiijiyeen in uu miisaanka qofk hoos u dhigo islamarkaana faa’iido dhab ah u leeyay dadka cayilan ama buur buuran .


2. Labo daraasadood oo ka socdey Jaamacadda Exeter ayaa lagu ogaaday in socodka 15-daqiiqo uu xakamayn karo xiisadaha shukulaatada iyo xitaa yaraynta xaddiga shukulaatada iyo macmacaanka kale ee aad cunayso sidoo kale waxa lagu oogaaday in uu yareeyo xaaladaha walaaca iyo diiqada daraaasadii u dambaysay ee ay sameeyeen waxay xaqiijinaysaa in socodku uu yareeyn karo jahawareerka iyo isku buuqa.

3. Wuxuu yareeyaa halista kansarka naasaha cilmi-baadhayaashu waxay horey u ogaadeen in wax kasta oo jimicsi jidheed ahi uu ka dhigaayo mid hooseeya halista kansarka naasaha Laakiin cilmi-baadhis Maraykan ah oo Kansarka ah ayaa lagu ogaaday in dumarka todoba saacadood ka badan toddobaadkii socda ay 14% ka hooseeyo halista kansarka naasaha marka loo eego kuwa soconayay saddex saacadood ama in ka yar toddobaadkii.

4. Daraasado badan ayaa lagu ogaaday in uu socodka yareeyo xanuunka arthritis-ka ee kala goysyada ku dhaca socodka shan ilaa lix mayl
toddobaadkii xitaa wuxuu ka hortagi karaa arthritis-ka inuu haleelo jidhka hadaba Socodku wuxuu ka ilaaliyaa kala-goysyada - gaar ahaan jilbaha iyo miskaha xanuuno kala duwan.

5. Socodku wuxuu xoojiyaa difaaca jidhka sida oo kalena Socodka ayaa xilliga qaboobaha kaa caawin kara in uu kaa ilaaliyo hargabka Daraasad ku saabsan xanuunada qaboobaha oo lagu sameeyay in ka badan 1,000
qof oo rag iyo dumar isugu jira ayaa lagu ogaaday in kuwii socday ugu yaraan 20 daqiiqo maalintii ugu yaraan 5 maalmood usbuucii inay haystaan ​​43% maalmo yar oo xanuun ah marka loo eego kuwa aan ku dhaqmin wiiggii ama in ka yar socoda.

W/D: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland

Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
WAREYSIYO