Thursday November 15th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

SIINAAY, Caasimadii Saqiirtay Ee Shacabkeedu Duugeen !!! W/q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer-yare

0
Tuesday November 06, 2018 - 08:43:07 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIINAAY, Caasimadii Saqiirtay Ee Shacabkeedu Duugeen !!! W/q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer-yare

    SIINAAY, Caasimadii Saqiirtay Ee Shacabkeedu Duugeen !!! W/q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer-yare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SIINAAY, Caasimadii Saqiirtay Ee Shacabkeedu Duugeen !!! W/q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer-yare

SIINAAY, Caasimadii Saqiirtay Ee Shacabkeedu Duugeen!!! W/q: Mr. Hamse Wiyeer-yare

Hordhac:Nabad iyo bariido wacan, waxaan qormadan kooban kusoo qaadanayaa mid kamid ah Xaafaddaha aadka u da’da weyn ama qadiimiga ah ee ay ka aasaasantay Magaalada Hargeysa, waa Xaafada SIINAAY oo ka tirsan Degmada qadiimiga ah ee A/Dhagax.

Afeef:Waxaan ka afeefanayaa in qoraalkaygan aan loo arag mid ceeb iyo wax-xun ka sheegid ku ah Xaafadda iyo dadka degan ee loo arko mid toosi iyo hogo-tusaaleyn u ah cida uu ku socodo, isla markaana baraarujin iyo wax-ogeysiin u noqodo inta ka dhaayaha la’a dib u dhaca baahsan ee ku habsaday Xaafad wakhtiyo badan ka hor ahayd Caasimmad magac iyo muuq ku dhex lahayd gudaha Hargeysa.

Waxay ahayd ku dhawaad 10 sano kahor markii goob fadhi ku dirir ah oo aanu iskugu nimi dhaliniyaro badan oo markaas waxbarasho kasoo dareertay ku lafo-gurnay kuna doodnay horumarka ka jira gudaha Hargeysa iyo xaafadeheeda kala duwan, intii aan doodaas wadnay waxaa tiraba dhawr jeer dhagahayga kusoo dhac-dhacaayey erayo ku saabsan xaafadda SIINAAY oo tilmaamayey in xaafadaha kale ee Degamada qadiimiga ah ee Axmed dhagax iyo guud ahaan Degmooyinka Hargeysa si aad iyo aad ah uga dambeyso, gaar ahaan kaabayaasha Bulshadda sida Biyaha, Wadooyinka, Laydhka, Adeegyadda Suuqa iyo Waxbarashadda intaba, laakiin nasiib xumo dheg uma jalaqsiinin oo weliba waxaan ku doodaayey in dawladii markaas jirtay ay cidhib dambe iyo cadaadis ku hayso Xaafadaas.

Maxaa Isbedelay:Aniga oo aan ku dhawaad 10 sano wakhti habeen ah dhex marin maalin ay hawl iyo ujeedo culusi iga gasho mooyaane, ayaan xalay ujeedo u yeeshay in aan Xaafadda halka ugu dambeysa ee Masalaha iska galaan tago, waa abaaro 10:00 habeenimo waxaanan ka dhaqaaqay suuqa oo ahaa mid saxmad, buuq iyo xidhiidhi badan ah, waxaan qabsaday toobiyaha waddada weyn ee dhexmarta Degmada Axmed dhagax ilaa gooladda looga leexdo Xaafadda SIINAAY, suuqa ilaa gooladda oo ah bar bilawga Xaafadda SIINAAY waxaan ku dhex jirnay aniga iyo laba dhalinyaro ah oo kale saxmad iyo suuq, waxaanan arkaynay ilaa 10:30 kii habeenimo ganacsiyadda kala duwan iyo adeega bulshadda oo si fiican u socoda, waxaan goobaha shaaha iyo sharaabka laga cabo ku dhaafaynay dhalinyar aad u badan oo caweynaaya isla markaana raxan raxan u fadhida, laakiin bar bilawgii xaafadda maxaa xiggay.

Bar bilawgiiba waxaa ii muuqday sida aadka u ba’an ee ay u burbursantahay waddada weyn ee dhexmarta Xaafaddaas qadiimiga ah, halka baabuurta wadooyinka kale maraysaa u kala leeyihiin laba haad oo is weydaaranaaya, waddada Xaafadda SIINAAY lagama yaqaano oo darawaliinta wata baabuurtu midba midka kale isaga ayaa u taraafik ah, sababtuna waa burburka waddada oo mudadii 28 sanadood ee Somaliland jirtay aan hal mar dayacaad lugu sameynin, dhismaha wadadaas waxaa ugu dambeysay sidaan maqlay xukumadii dhacaday ee Siyaad Barre, markii aan xaafadda hore u galay waxaan ka waayey hal hudheel cunto ah oo aniga iyo dhalinyartii kale ee ila socotay aanu ka casheyno, hudheel iyo cunto waa meel dhawe waxaa gabaabsi nugu noqoday shidaalkii gaadhiga oo qiyaas ahaan aan ugu talo galay in kaalmaha shidaalka ee Xaafadda SIINAAY aan kaga shubto laakiin nasiib daro hal kaalin oo furan waan ka waayey, hadda ha illaabin saacaddu waa 10:30kii habeenimo, in mudo ah markii aanu kor iyo hoos kolba u raacayney waddada burburka iyo rafaadka badan waxaa naga goostay oo bilaa shidaal naga noqoday gaadhigii aanu wadnay, waa Madow mugudi gudcur ah aad moodid, wadadda waxaa iftiiminaaya midh midh laabado yaryar oo ka baxaaya gudaha goodhiyo yaryar ama kolayo qaad oo nin iyo laba sii fadhiyaan, ma amaan daro ayaa xaafadda ka jirta waa maxay go’doonka iyo bandawgan saaran xaafadu?, waxaan su’aashaas weydiiyey mid kamid ah dhalinyartii ila socotay oo goob ganacsi ku leh Xaafadda gaar ahaan meheradaha waddada kasoo horjeedda, waxaanu iigu jawaabay in xaafaddu Makka oo Xajku kuyaal ka amaan badantahay laakiin ay sidani dabeecad u tahay dadka xaafadda degan. Mudo kadib waxaanu iska soo saarnay mid kamid ah dhalinyartaydii wada socotay si uu shidaal noogu doono bar bilawga xaafadda oo ah gooladda(goolada xariir), laakiin nasiib daro waxaanu weynay Bus ama taxi aanu saarno wiilkii shidaalka noodoonaayey, waa nasiib daro kale oo nugu habsatay, waxaanan qariib ku noqonay isla xaafadaydii, intii aanu Bus-ka ama Taxi-ga raadineynay waxaanu xaafaddaas Magaca qadiimiga ah leh ka dhex weynay hal Caffateria, ama goob ganacsi oo dhalinyartu iskugu timaado si aanu shaah uga cabno ugna nasano, kaaga darane waxaaba albaabadda loo laabay intii yareyd ee ka furnay ee goobaha ganacsiga oo u badnaa dukaano yaryar, waxaanay xaafadii sii noqotay madow iyo iftiin la’aan, hadda xasuuso oo Biyo la’aan iyo waddo la’aana hore ayaan kuugusoo sheegay, waxaan ka weynay hal xamaam(musqul) oo aanu ku xaajo gudano, musqul maxaanu kaba raadin waxaaba iskusoo hadhay sadexdaydii wada-soconay, gaadhkii baabuurta xaafadda iyo dhawr kolay oo qaad lugu iibinaayey, aakhirkii waxaanu helnay wiil aanu saaxiibo nahay oo degan xaafadda oo suuqa kasoo baxaayey si uu hurdo yimaado oo aanu u dirsanay shidaal, ilaa intii uu nosoo qaadayeyna waxaanu sidii derbi jiifka dhex fadhiisanay derbiyadda madow ee soo eegaayey waddada, SIINAAY waa xaafad aad u weyn laakiin ayaan daradda haysta ayaa waxaa kamid ah in xaafado badan oo isla xaafadda kamid ahi ay saqiiraan oo magacyadoodii rasmiga ahaa baaba’aan sida Xaafadda Faarax Nuur, Xaafadda Maan-deeq, Xaafadda Dugsiga Cali Jaamac, Gooladda Xariir iyo xaafada xero-awr, intaba waxaa loogu yeedhaa Siinaay, mana laha goob tilmaameedyo rasmi ah oo lugu kala saaro ama lugu kala garto hal-bawlayaasha(streets)ka xaafadda, taas oo ka xafadihii kale ka dhigtay in ay noqodaan SIINAAY, Waxayna meesha ka saartay xaafadu xaafado kale oo ka tirsan isla Degmada, sababtuna waa magaca xaafadda oo qadiimi ah.

SIINAAY, waxay ku taal koonfurta Magaaladda Hargeysa, waxaa nashaqdeyey oo quruxiyey qaab dhismeedka xaafadda iyo jidadka dhex-mara, Maayirkii ugu dambeeyey xukumadii Madaxweyne Siyaad Barre, waa Bile rifle oo ka dhigay xaafad wadooyin waaweyn leh, wuxuu Bile rifle kala saaray dhismayaasha iyo wadooyinka waxaanu u sameeyey meel waaweyn (Parking) oo goobaha ganacsiga loogu talo galay si baabuurta loo dhigto, laakiin maanta nasiib daro waxaas oo dhami waxay noqodeen kuwo baa’bay waxaana kasii muuqda raadadkii hore ee xukumadii xiligaasi u nashaqadeysay.

Maxaa SIINAAY sidan ka dhigay:

1.Dadka Xaafadda:Siinaay waxaa sidan ka dhigay dadka degan xaafadda, dadka degani waxay ka gaabiyeen horumarkii xaafadda, inkasta oo dhawaanahan xaafadda meelo kamid ah shacabku ka dhisteen wadooyin iyo horumar muuqda, haddan maanta sidii laga filaayey xaafadda umay horumarin, qofkastaana waxa uu ka dhigtay goob loosoo hurdo doonto oo laga shaqo tago oo keliya, waxaanan hubaa in inbadan oo kamid ahi xitaa hurdo aanay usoo doonteen ee ay dantu ku kalifayso guryahoodii oo kuyaala xaafadda.

2.Ganacsatada Kasoo Jeedda Xaafadda:Ganacsatada xaafaddu waxay inta badan ganacsigoodii waaweynaa ee camiraada iyo quruxda u noqon lahaa xaafadda u rareen suuqa iyo goobo kale oo ay ka door bideen, waxaa nasiib daro ah in SIINAAY oo qadiimi ah, habeenba hadii uu galo aanad ka helahayn goob waxbarasho, goob shidaal, goob cunto, goob musqul ah, taxi, goob shaah, goob timo-jare iyo goobo badan oo daruuri u ah xaafadda, waxay dhamaan dadka xaafadu adeega usoo doontaan suuqa weyn ee Hargeysa, waxay dhamaan caruurta xaafadu aadaan dugsiyo kale oo kuyaal magaaladda, waana xaafada keliya ee Magaalada Hargeysa aan lahayn dugsiyo waaweyn ama jaamacado wax lugu barto.

3.Xubnaha Golaha Dawlada Kaga Jira Ee Xaafada Lagasoo Doortay: waxaa dayacay oo noqoday kuwo lagu khasaaray dhamaan xubnihii goolaha deegaanka ee lagasoo doortay xaafadda, waxayna noqodeen kuwo irbad aan dun gelin oo keligood shaqaysta, waxay dhoob-dhoobi kari waayeen waxba yaanay quruxine waddooyinka xaafadda dhex-mara, waxay noqodeen kuwo aan lala xisaabtami, sidoo kale kuwa kujira gola wakiiladda ee xaafadda lagasoo doortay waxay noqodeen kuwo iskadaa in wax u qabtaane xitaa qaar badani aanay usoo hurdo tegin oo kireeyey guriyihii xaafadda ay ku lahaayeen, Wasiiradda magaca dadka xaafadda ku jooga xukumadda ee xaafadu saamiga ku heshay waxay noqodeen kuwo iyaguna iskagaba guuray oo Masalaha sare ee Degmada A/dhagax ka dhistay guryo waaweyn iyo bangalooyin, isla markaana aan maanka iyo maskaxda kuba haynin cidii ay matalayeen iyo halkii lagasoo taageeray.

5.Qurbo-jooga Xaafadda:Qurba jooga xaafadu waxay noqodeen kuwo wakhtiyadda Ololaha, colaadaha iyo mixnadda u adeega shacabka, laakiin ay ku yartahay u adeeegista horumarka iyo kaabayaasha bulshadu. Nin kasta ama qof kasta oo hanti iyo lacag haysta oo qurba joog ahi waxa uu bixiyaa xiliyadda uu dantiisa fiirinaayo laakiin way ku yartahay in uu bixiyo xiliga isagana ay sadaqada u tahay, dadkiisa iyo dalkiisana horumarka ay u tahahay.

4.Dhalinyarta Aqoonyahanada ah Ee Xaafadda:Gebo-gebadii waxaa dib u dhaca xaafadda iyo nolol la’aanta ka jirta u sabab ah dhalinyarta aqoonyahanda ah ee xaafadda oo aniga laftarkaygu aan kamid ahay, waxayna noqodeen kuwo ka hadla wax kasta oo dalka ka jira laakiin iska ilaabay mugdiga iyo dulmiga ay xaafadoodu ku sugantahay, ma jiraan ama waa kuwo aad u yar tiro ahaan dhalinyar is-xil qaanta oo dadka xaafada iyo ganacsatadaba baraarujiya, ma jiraan dhalinyartii camiri lahayd hadii goobo suuqyo ah laga sameeyo xaafadda, ma jiraan ardaydii wax kabaran lahayd xaafada hadii goobo waxbarasho laga furo, sidoo kale ma jiraan haweenkii ka adeegan lahaa hadii suuqyo lagafuro xaafadda, taasina waa nasiib daradda ugu weyn ee xaafaddaas haysata.

"SIINAAY, Caasimadii saqiirtay ee shacabkeedu duugeen habeen madow, waxay Hargeysa inteeda kale ka dambeysaa 20-sano”

 

 

Wabilahi tawfiiq.

Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Qoraa / Saxafi madax banaan

E-mail:Xamse18@gmail.com

www.wiyeeryare.blogspot.com

www.twitter.com/wiyeeryare

www.facebook.com/wiyeeer

Hargeysa -Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
WAREYSIYO