Saturday February 16th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Jawaab iyo caddayn maqaalka cinwaankiisu yahay: ''Warbaahinta Carabtu maxay ka qortay guusha Ilhaam Cumar iyo Somalida?'' W/Q Maxamuud Ismaaciil Barreh

0
Sunday November 25, 2018 - 08:43:44 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaab iyo caddayn maqaalka cinwaankiisu yahay: ''Warbaahinta Carabtu maxay ka qortay guusha Ilhaam Cumar iyo Somalida?'' W/Q Maxamuud Ismaaciil Barreh

    Jawaab iyo caddayn maqaalka cinwaankiisu yahay: ''Warbaahinta Carabtu maxay ka qortay guusha Ilhaam Cumar iyo Somalida?'' W/Q Maxamuud Ismaaciil Barreh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jawaab iyo caddayn maqaalka cinwaankiisu yahay: ''Warbaahinta Carabtu maxay ka qortay guusha Ilhaam Cumar iyo Somalida?'' W/Q Maxamuud Ismaaciil Barreh
Waxaan ku arkay mareegaha qaar maqaal xiisa badan oo uu qoray mudane Hussein Jama Guudcade oo xambaarsan cinwaanka dusha ku
tilmaaman. Marka hore waxaan hambalyo u soo gudbinayaa mudane Hussein xogaha muhiimka ah ee AfCarbeedka ku qornaa ee uu inala wadagay oo qaar dadka ku cusboonaan karaan sida kooxda reer Ukraine (Yukreen) ee magaca Soomaalida la baxday. Wuxuuna maqaalkiisu tilmaamayaa aragtida Carabta sida uu hadalka u dhigay. Anoo xog ogaal u ah qoraalka Carabida ah ee uu ka soo turjumay maqaalkaas welina warbaahintana qaar ku jira ayaan horta qirayaa inuu si fiican oo xirfadi ku jirto u turjumay.
Su’aasha is weydiinta leh waxa weeye: Sidee ayaan xog ogaal ugu ahay qoraalka Carabida ah ? Waxaan xog ogaal ugu ahay qoraalka Carabida ah aniga ayaa qoray markii ugu horeeysey sida xagga hoose ku qeexan. 


Waxaanna ku qoray sidii tacliiq ‘ comment’ oo kale ah anoo isticmaalay magaca Mahmoud Barreh, taariikhdu markay ahayd 07/11/2018 goor fiid ah ‘Youtube Channel’ ay leedahay France 24 Arabic, cinwaankiisuna yahay: https://www.youtube.com/watch?v=GcGVwUyAolM
Waxaan qoralkaygii ku arkay usbuuc kadib isagoo la qora taariikhdu marka ay ahayd 08/11/2018 ( maalin ka dib markaan qoray) ‘Youtube
Channel) ay leedahay ArabNews iyadaan waxba laga bedelin oo sidiisii loo soo naqilay, cinwaankiisuna yahay :
https://www.youtube.com/watch?v=qZiw62_yKVk .

Waxaa qofka qoray isku magacaabay رضى الحمن غايتى malaa wuxuu u  jeeday رضى الرحمن غايتى. Markaan arkay arrintaas oo aad iiga xanaajisay
ayaan isla goobtaas ay leedahay ArabNews isku deyey inaan jawaab ‘ reply’ ku hoos qoro qofkii qoraalkayga soo naqilay si aan ugu caddeeyo
inaan qoraalkaas anigu leeyahay. Waxaan sidoo kale dhowr jeer isku deyey inaan ‘comment’ ka bixiyo si ashkato ahaan ah , laakiin lama soo
gudbin qoraaladayda.

Horta waxaa farxad leh in dad badan ay gaadhay fariintii qoraalku, ujeedaduna taas ahayd. Arintana waxaan ku tilmaamay baraha bulshadu
ku kulanto (social media). Laakiin waxaan la qaadan karayn in qoraalkaagii qofkale sheegto iyadaan ogolaansho lagaa helin, xad gudub cadna lagugu sameeyo oo arintu tahay ‘ plagiarism’ ama qoraal ogolaansho la’aan meel kale laga soo qaaday. Waxaanna ku guda jiraa sidii aan arrintaas uga daba tegi lahaa , xaqayga figriga ahna ( intellectual right) u ilaalin lahaa. Anigu
qoraalka meelna kama soo naqilin ama qaadin, xogo aan hayay ayaan qoraal ahaan ku soo gudbiyey. Tusaale, waxaan ayaamo ka hor qoraalka intaanan qorin ogaaday kooxda reer Ukraine ee Soomaalida isku
magacawday. Waxaan kula wadaagay dadka qaarkood barta Whatsapp ka.

Waxaa xusuus mudan ‘ Gene’ ka ama asalka Soomaalidu ka soo jeeddo ee la yidhaahdo Haplogroup E1b1b ee aan ku tilmaamay maqaalka layga naqilay inaan si faahfaahsan halkan ugaga sheekeeyey (xagga hoose riix) , magaca Mahmoud Barreh, halkan ayaad ka heli kartaan :
https://www.youtube.com/watch?v=eSxs0X8pgsI.

Waxaad isu qiyaasi kartaan usluubta lagu qoray labada qoraal sida ay isugu egyihiin, kan iyo ka la iga naqilay. Qoraalkan isna waxaa ku duugan xogo muhiim ah . Waxaan is idhi waxa loo naqili waayay waxaan tilmaamay inaan Soomaali ahay. Waxaanan iyana hubin in qoraaladayda aan halkan ku tilmaamay meela kale lagu naqilay inkasta oo aan ‘Google’ ka ku baadhay. Ugudanbayntii, waxaan ku gunaanadayaa haddii la arko qoraaladaas aan tilmaamay oo ku qoran taariikh ka horaysa kuwa aan qoray oo magacyo
kale sita oo aan ahayn Mahmoud Barreh,waxaan caddaynayaa inaan dooddayda waxba ka jirin.

Wabillaahi tawfiiq
Maxamud Ismaaciil Barreh (Mahmoud Barreh)
UK


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
WAREYSIYO