Saturday February 16th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Digniin Baraha Bulshada/WQ Qalinkii Khadar Hussein Deria.

0
Monday November 26, 2018 - 08:51:19 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digniin Baraha Bulshada/WQ Qalinkii Khadar Hussein Deria.

    Digniin Baraha Bulshada Qalinkii Khadar Hussein Deria.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Digniin Baraha Bulshada Qalinkii Khadar Hussein Deria.
Dhamaan umadda Somaliyeed waxaan lee ahay meel kasta oo aad joogtaan illaahay ka cabsada.
Aduunyadu waa ayaamo kooban.
Waa laga tegeyaa oo lagu waari maayo .
Geeri yaan la ilaawin!!
Qof waliba bal ha fiiriyo hareerihiisa imisa qof oo aad taqaanay ayaa dhintay oo maanta meel uu ka soo noqdaa aanay jirin!!!
Walallahayga muslim ka ahow

waxaa Baraha Bulshada ama ( mass madia ) ku soo batay
Xumaanta oo si sahlan loo faafinaayo .
Bal u fiirso waxyaaba ha ka socda Baraha Bulshadu wax ku qoraan .
Ama maqalka iyo muuqaalka ah sida Tv, Instagram, Facebook Snapchat, Whatsapp iwm.
Waxaad ku arakaysaa wax aad ka naxdo hadii aad tahay Qof inaba damiir ku jiro ama leh.

Soomaalidii ma sidan baa u danbaysay?
Naag is qaawisa oo Heesta.
Mid wajiga sii jeedisa oo dabada walaaqda,
Mid soo jeeda oo aan illaahay kabaqayn dadna ka xishoonayn.
Mid xumaan la soo fadhida Youtube ka .
Raga fanaaniinta ah oo xumaantii u bedalay fan.
Nin sheekh sheeganaya oo leh heesuhu waa banaan yihiin iyo mid leh ii niikiya !!!
Heesna ka dhigay ( Gabdhihii niikinaayey Nabigooda Amaanay nasri iyo nimco weyn baa eebahay ku manaystay ) cajiib!!!!!!!!!

Mid Diintaba ka baxay oo aflagaado la soo taagan .
Nin khaniis ah iyo Naag khaniisad ah oo xumaantii ku faafinaaya Baraha Bulshada
Sidaa darteed ayaan waxaan is weydiiyey su,aalahan hoos ku qoran ?
Aaway Dadnimadii ?
Aaway Diintii ?
Aaway Damiirkii?
Aaway dhaqan kii ?
Aaway Asluubtii ?
Aaway akhqlaaqdii ?
Aaway Anshixii ?
Aaway wax garadkii ?
Aaway culumadii ?
Jawaabtana waxaa laga sugayaa waa idinka.
Cidna uma maqna ceelna uma qodna!!!
Yaynaan dhiiri gelin qof lunsan.

Oo leh Subscribe saar iyo like ii saara.

Comments ka aad ka bixiso adiga oo leh
Waad Qurux badan tahay woooow.
Waad shidan tahay
Waad nuuraysa .
Ama qof ku yidhi illaahay ka cabso
Qofkii xumaanta faafinaayey
In aad tidhaahdo maxaa ka galay waa xor taasi waxay dhiiri gelinayaa xumaanta.

Hadii aad wax u sheegi karto u sheeg hadii kale ka aamus.
Hablaha iyo inamada yar yar waalidku ha tuso dariiqa fiican iyo khatarta kaga iman karta
Sharaftooda iyo mustaqbalkooda.

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan Waxgaradka, Culimadda , Oday dhaqameedka Soomaaliyeed iyo dhamaan maamulada Soomaalida in ay ka hor tagaan khatarta lagu faafinaayo Baraha Bulshada.
Aynu dhawrno dhaqankeena suuban iyo Diinta.
Alle Mahad leh.
Walal faafi oo gaadhsii walal haaga kale.
Khayrka faafi sharkana dhaaf.

Wa billaahi tawfiiq.
Wcs.

Qalinkii Khadar Hussein Deria.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
WAREYSIYO