Thursday December 13th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Soomaaliya oo maraykanka iyo xulafadiisa kaga awood badatay itoobiya cusub iyo boqor burhaan oo ku baaqay dagaal lagu qaado soomaaliland

0
Monday November 26, 2018 - 17:33:43 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo maraykanka iyo xulafadiisa kaga awood badatay itoobiya cusub iyo boqor burhaan oo ku baaqay dagaal lagu qaado soomaaliland

    Soomaaliya oo maraykanka iyo xulafadiisa kaga awood badatay itoobiya cusub iyo boqor burhaan oo ku baaqay dagaal lagu qaado soomaaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya oo maraykanka iyo xulafadiisa kaga awood badatay itoobiya cusub iyo boqor burhaan oo ku baaqay dagaal lagu qaado soomaaliland Madaxweyne farmaajo iyo raysal wasaare abey axmed ayaa wada galay heshiis gaara oo aan saxaafada loosoo bandhigin kaasoo bedelaaya dhamaan siyaasada iyo dhaqaalaha geeska afrika , inkastoo heshiiska abaabulkiisa ay lahaayeen wadamada maraykanka iyo xulafadoodu hadana wuxuu noqday mid isku rogey iyagii ayna soo galeen kuna awood bateen siyaasado kale oo aan laga fileyn . Hadaba heshiiska ayay iska aamusiiyeen ereteriga uguna talo galeen inuu ku taageero siyaasad kasta oo ay ula yimaadaan itoobiya iyo soomaaliya .


Farmaajo iyo abey ayaa ku heshiiyey in ciidanka itoobiya u qabtaan una karbaashaan cidkasta oo siyaasad iyo awood ahaanba kalasoo horjeeda farmaajo iyo siyaasadiisa wixii gaalkacyo koonfur ka xiga ilaa kismaanyo iyo baydhabo , in ciidanka amisom laga saaro dalka bedelkeedana ay joogaan itoobiya iyo ereteriya iyo kiiniya oo sadexdaba siyaasada iskaga mid yihiin ereteriyana ilaalisa madaxtooyada , in itoobiya lasiiyo dekedaha u dhexeeya muqdisho iyo kismaanyo si ay waxna uga dhoofsadaan waxna ugalasoo degaan oo uu ku jiro gaaska iyo batroolka itoobiya amniga intaana itoobiya si buuxda loogu wareejin doono , in oromada iyo soomaalidu oo ayku jiraan kililka shanaad yeeshaan iskaashi buuxa oo dhinackasta ah maadaama ay isku soomaali yihiin isla markaana isbedelkasta oo ku dhaca itoobiya oromadu hesho dekedo iyo madaaro aan lagu cunaqabatayn , in dadkii soomaalida ahaa ee la shaqayn jirey tikreega lasoo bandhigo si soomaaliya looga ogaadhsado oo aanay dhicin in mardanbe la adeegsado kuwaasoo hadeerba aad maqlayso in tiradoodii iyo magacyadoodii soo bexeen iyagoo loogusoo gabanaayo inay ahaayeen basaasiin itoobiya u shaqaynayey halka kuwii tikreega ahaana la ugaadhsanayo iyagoo loo foodaloo saarayo musuq iyo inay dhibaatooyin ka geysteen itoobiya iyo soomaaliya labadaba , waxa kale oo ku xigi doona axmaarada oo iyagana doorkooda loosoo jeesan doono .

Dhinaca soomaaliland ayaa labada dal ku heshiiyeen in soomaaliland la geeyo ciidamo lagu kala qaybinayo oo dhulka qabiilka harti waqooyi dego lagu darayo putlaan si meesha looga saaro jiritaanka soomaaliland ee buuxda isla markaana ciidanka haliska ku ah putlaan ee garoowe dul fadhiya ee soomaaliland dib loogu celin lahaa dhulkii markii hore ayka yimaadeen ee burco iyo hargeysa , in qabiilooyinka harti waqooyi loo diro madax dhaqameedyo soo yeelsiiya in ciidanka itoobiya loo keeno si ay u ilaaliyaan soomaalilandna loo yeelsiiyo ciidamo amisom ah ama dagaalba loogu qaado taasoo haddii ay dhacdo in laga jaro aanay u raacin harti waqooyi loonasoo diray boqor burhaan iyo kuwo jubalan iyo kililka ka yimi oo dhamaan ayka danbeeyaan farmaajo iyo abey axmed taasoo uu haddanba sicad ugu dhawaaqay in butlaan taleex qabsato gobolna u magacawdo wadona u bixiso si dhulka butlaan laysugu xidho isagoo gebi ahaanba meesha kasaaray in dhulku soomaaliland yahay ahna halka dagaalka laga bilaabayo inuu ka qarxo .

Waxaa kale oo hore farmaajo u baabiiyey ciidankii nabadsugida soomaaliya si uusan u ogaan sirta dawlada kadib markii aysoo bexeen dhawrjeer isku dhacyo ay sameeyeen madaxda aanay farmaajo isku qabiilka ahayni kadib markay arkeen waxyaabo muujinaya in uusan dawladnimada uu madaxka ka yahay daacad ka ahaynba , wuxuu kaloo habayn waayey ciidankii soomaaliyeed ee dalka gacanta ku dhigi lahaa isagoo uga baqaya mustaqbalka isagoon u helin awood kale oo uu ku karbaasho .

Hadaba markii heshiiskii sidaa loo dejiyey ayaa looga yeedhay talyaaniga oo ah ninka farmaajo siyaasada usoo dhiiba si uu talyaanigu usameeyo maalgashiga soomaaliya iyo itoobiya ka dhexeeya ee soosaarista batroolka iyo gaaska samaynta dhuumaha iyo wadooyinka labada dal , wuxuuna kaloo ku amray inuu turkiga lasoo heshiiyo maalgashigana wax ugasiiyo si joogitaankiisa siyaasad ahaan looga faaiideysto loogana dhigo isbahaysi siyaasad ahaan loogu guurayo wakhtigeeda .

Hadaba inkastoo dawladaha ay saaxiibka ahaayeen itoobiyadii hore iyo soomaaliland ay dusha ka daawanayaan hadana wayka qaadayaan talaabadooda markay haboonaato taasoo dabada dhulka ugu dhufanaysa isbahaysiga sadex geesoodka ah inkastoo ereteriya tahay meel uu haysto nin maskax furan wixii uu doonayeyna gaadhey . Hadaba waxaynu eegeynaa sida ay u fashilmayso siyaasada qaawan ee lagu doonayo in lagula wareego geeska afrika . Soomaaliland ayaa marxaladaha noocaas ahi dhigaysaa in degdeg loo citiraafo waxaanay dagaal qadhaadh la geli doontaa putlaan halka itoobiyana dawladaha waaweyni u qaabilsan yihiin , isla markaa waxaa gacanta soomaaliya ka baxaysa inta ay rabaan in ay ciidanka itoobiya ku xoraystaan oodhan sida galmudug hirshabeele iyo koonfur galbeed waxayna awoodoodu dib ugu noqon doontaa fila soomaaliya oo keliya .waxaanse weli muuqan sida itoobiya ku danbayn doonto ee looga joojin doono weerada qaawan ee abey axmed iyo farmaajo ku hayaan itoobiya inteeda kale iyo dadkii ay wadashaqaynta siyaasadeed wada lahaayeen iyagoo dhamaanba kula xidhnaa siyaasadaha waaweyn ee caalamiga ah

Qore: maxamed aadan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
WAREYSIYO