Saturday November 27th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Ciidamada Qaranka Ee Jiida Tuka-raq oo Gaadhi Gaashaaman Lagala Goostay

0
Thursday November 29, 2018 - 18:42:50 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 1534
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Qaranka Ee Jiida Tuka-raq oo Gaadhi Gaashaaman Lagala Goostay

    Ciidamada Qaranka Ee Jiida Tuka-raq oo Gaadhi Gaashaaman Lagala Goostay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Qaranka Ee Jiida Tuka-raq oo Gaadhi Gaashaaman Lagala Goostay

Gaadhi gaashaaman ayaa lagala goostay ciidamada qaranka Somaliland ee jiida Tuka-raq gaar ahaan guutada koowaad.

Gaadhigan oo uu saarnaa qori Dhashiike ah ayaa ahaa Haadhtoob( LANDCRUISER 4.5)waxaana la baxsaday darawalkii waday, sida ay ku waramayaan warar uu helay wargeyska Geeska Afrika darawalkan gaadhiga la baxsaday ayaa magaciisa lagu sheegay Ismaacil Maxamed Yogol (Budul) oo Hargeysa ka soo jeeda.

Waxaana fiidkii xalay tilifishanka maamul gobaleedka Puntland ka soo muuqday gaadhigan gaashaaman iyo askarigii darawalka ahaa oo qori ku gaashaaman kaas oo baabuurka barbar taagnaa.

Sarkaal ka tirsan ciidanka maamul gobaleedka Puntland Ismaacil Warsame ayaa ka hadlay gaadhiga iyo askariga ula yimi "Waxa halkan noogu yimi gaadhi waraaj ah oo uu wato hal sarkaal oo ciimada jiida hore ee Somaliland fadhiya,waxaanu usheegaynaa qolada ka sokaysa iyo kuwa ka shisheeyaba in wax natiijo ah aanay jirin, ninkaasina uu kaligii gaadhiga watay.”

Waxa ay wararku intaas ku darayaan in gaadhigan gaashaaman darawalkii waday inuu yahay ninkan la galay maamul gobaleedka Puntland, waxaana baxsigani uu ugu suurto galay kadib marii si qorshaysan uu ula dhuuntay xiligii duhurka oo inta badan ee ciidanku ay ahaayeen kuwo nasasho ku jiray.

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa jiida hore ee Tukraq ay isku hor fadhiyaan ciidamada maamul gobaleedka Puntland oo dhawar jeer oo hore uu dagaal ku dhex maray sandkan jiidaas, dagaaladaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo labada dhinacba ah.

 


Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO