Thursday December 13th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

DAALACO: Xogta Dhabta Ah Togdheer Private Hospital Ee Magaalada Burco..

0
Friday November 30, 2018 - 19:41:54 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAALACO: Xogta Dhabta Ah Togdheer Private Hospital Ee Magaalada Burco..

    Cisbitaalka Gaarka Looleeyahay Ee Togdheer Private Hospital Waxa Uu Kuyaalaa Xaafada Tawali Ee Magaalada Burco Runtii Bulshadu Waxay Ku Qabtaa Dhibaato Aad U Weyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cisbitaalka Gaarka Looleeyahay Ee Togdheer Private Hospital Waxa Uu Kuyaalaa Xaafada Tawali Ee Magaalada Burco Runtii Bulshadu Waxay Ku Qabtaa Dhibaato Aad U Weyn


Cisbitaalka Gaarka Looleeyahay Ee Togdheer Private Hospital Waxa Uu Kuyaalaa Xaafada Tawali Ee Magaalada Burco Runtii Bulshadu Waxay Ku Qabtaa Dhibaato Aad U Weyn Maadaama Uu Dhakhtar Uyahay Kala Badh Magaalada Hadana Bulshadu Kuma Qabto Daryeel Caafimaad Oo Dhamaystiran.

Balaadhnaanta Cusbitaalka iyo Shaqaalaha Ka Shaqeeya Maaha Mid isku Dhigma Waxaana Fara Ku Tiris Ah Shaqaalaha Cusbitaalkaasi Ka Shaqeeya Kadib Markii Ay Shaqaalaha Dhimis Sameeyeen Maamulka Cisbitalkaasi


Qormadani Waxay Daaha Ka Faydaysaa Saddex Dhacdo Oo Bukaankii Cisbitalkaasi Adeeg La'aan Ugu Geeryoodeen Gudaha Cisbitalkaasi

Laba Dhacdo Aniga Oo Qormadani Qoray Ayaa Goob Joog U Ahaa Halka Dhacdada Saddexaad Uu iiga Waramay Goobjooge Kusugnaa Wakhtigii Ay Dhacaysay

Dhacdada Koobaad.

Goor Habeenimo Ah Oo Ay Saacadu Ku Beegnayd 12:00 Habeenimo Ee Geeska Afrika Aniga Oo Usocda Guriga Aan Dagenahay Oo Cusbitaalka U Jira Wax Ka Yar 50 Talaabo Ayaan Arkay Ruux Bukaana Oo Laga Dejinayo Gadiidka Dadweynaha Ee Loo Yaqaano Bajaajta

Waxaan Usoo Dhaqaaqay Dhankii Cisbitalkaa Oo Lagalinayo Qofkii Xaalada Degdega Ahayd Ku Jira
Waan Galay Cisbitaalkii Gaar Ahaan Qaybtii Loogu Magacdaray Gargaarka Deg Dega Ah

Waxaa Mudo 10 Daqiiqo Ah LA Toosinayay Gabadh Neeras Ah Oo Dhakhtarka Joogtay

Gabadhii Markii Ay Bukaankii Soo Dul istaagtay Ayay Ku Bilawday Dadkii Siday Maxaa Ku Dhacay Waxayna Usheegeen in Uu Ka Naxay Geerida Walaalkii Oo Dalka Sweden Shil Gaadhi Ku Galay

Gabadhii Neerasta Ahayd Waxay Soo Qaadatay Saacad Ay iigu Sheegtay in Lagu Cabiro Kubaanka.

Dhawr Goor Ayay Labada Gacmood Ku Xidhay Oo Ay Ku Celcelisay Kadib Waxay iisheegtay in Ay Saacadu Shaqayn Wayday

Waxay Muddo 25 Daqiiqo ah Oo Ay Dheertahay 10 Daqiiqo Ee iyada LA Toosinayay Ay Ku Qaadatay inay Noo Xaqiijiso inuu Qofku Mayid Yahay Oo Naftii Ka Baxday inkasta Oo Ay Male Galisay Hadana Waxa Bukaankaasi Geeridiisa Xaqiijiyay Nin Wadaad Ah Oo Wadada Looga Yeedhay.

Dhacdada Labaad..

Goor Saacadu Ku Beegantahay 2:00 Habeenimo Ee Geeska Afrika Waxaa Aniga Oo Sidii Caadadu Ahayd Xagii Guriga Aan Degenaa U Lugaynaya Aan Kusoo Baxay Nin Yaala Daarada Hore Ee Cisbitalkaasi Oo Uu Dul Taaganyahay Hal Nin Oo Ku Qaylinaya Waar Ninka ila Qaada Waan Kusoo Baydhay Waxaana Ninkii Qaaday Aniga iyo ninkii Dultaagnaa.

Waxaana Aan Gaynay Sariirta Qaybta Gargaarka Deg Dega Ah Waxaana Noosoo Gashay Gabadh Neeras Ah Balse Way Na Dul istaagtay iyada Oo Aan Adeeg Caafimaad U Fulin Ninka Bukaanka Ah Aniga iyo Ninkii Qaaday Bukaanka Waxaanu Muddo 30 Daqiiqo Ah Aanu Gabadhii Ka Kariwaynay Ninkan Adeeg Caafimaad U Fuli Balse Way Na Dul Taagnayd iyada Oo Marba Galoofiska Gacmaha Xidhanaysa Marna iska Saaraysa Ninkiina Uu Koomo Ku Jiro Oo Uu Noolyahay iyada Oo Aan Waxba U Qabana Saacad Kadib Ay Bukaankii Naftu Ka Baxday.

Dhacdada Sadexaad Goordhow Lasoco...

Qore: Sacad Afjar



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
WAREYSIYO