Wednesday April 24th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Madaxweyne umadaada ku dhaqan gobolada Somaliland waxay ku leeyihin qur'aanka kor u akhri

0
Monday December 03, 2018 - 14:48:23 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne umadaada ku dhaqan gobolada Somaliland waxay ku leeyihin qur'aanka kor u akhri

    Sidaynu ogsoonahay madaxweyne muuse bixi wuxuu talada dalka gacanta ku hayaa muddo sanad ah, sanadkaa uu talada dalka gacanta ku hayay wuxuu magacaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaynu ogsoonahay madaxweyne muuse bixi wuxuu talada dalka gacanta ku hayaa muddo sanad ah, sanadkaa uu talada dalka gacanta ku hayay wuxuu magacaabay



Sidaynu ogsoonahay madaxweyne muuse bixi wuxuu talada dalka gacanta ku hayaa muddo sanad ah, sanadkaa uu talada dalka gacanta ku hayay wuxuu magacaabay mas’uuliyin aad u tira badan,

mas’uuliyintaas marka si togan loo eego waxay jaaniska ku heleen deganaanshaha caasimada iyo nawaaxigeeda.

Madaxweyne muuse biixi waqtigii uu olalaha ku jiray waxaa hareerahiisa ku taxnaa siyaasiyin dhalin yara ah, kuwasoo gobolada Somaliland ka dhex muuqday.

Dulucda qoraalkaygan wuxuu yahay madaxweyne muuse intii uu wax magacaabayay indhihiisa waxay qabanayeen inta subixii iyo fiidka salaanta la gaadho, ama kuwa intuu caraabada yahay wadada ku sii salaanta.

Ka madaxweyne mustaqbal waxaan leeyahay madaxweyne muuse biixi. Madaxweyne gobolada Somaliland waxaa ku dhaqan siyaasiyin dhalin yara ah, kuwasoo si wayn uga dhex muuqday olalahaagii doorashada,

Siyaasiyintaas waxay difaaca hore kaga jireen gobolada, waqtigaasna waxay jaanis ku heleen iyagoo ku dhaqan goboladooda in loo baahdo, balse madaxweyne markii ay noqotay in la helo cid bulshada u shaqaysa, kuwa kugu xeeran waxay xooga saareen inay ku kenaan hablaha iyo dhalinyarada ku dhaqan caasimada iyo nawaaxigeeda.

Ka madaxweyne mustaqbal waxaan jeclaystay inaan madaxweyne muuse u sheego inay jireen siyaasiyin dhalin yara, kuwasoo ku dhaqan gobolada qaar, gobolada ay ku sugan yihina jaaniskoodii uusan oolin, balse madaxweyne ahaan lagaaga baahan yahay marka aad magacaabayso xilalka inaad soo eegto ragii kula soo shaqeeyay, madaxtooyadana laga helo ragii ku xasuusin lahaa.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan madaxweyne dadka ku dhaqan gobolada Somaliland gaar ahaan gobolka togdheer waxay hal hays u leeyihin markay wax salugaan inay si sarbeeban wax ku dareen siyaan,

Maantana hal hays waxay leeyihin madaxweynihii aynu dooranayow qur’aanka kor u akhri





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
WAREYSIYO