Thursday December 13th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Safarkii Madaxweyne Muuse Biixi Ee Goboladda Bari, Wuxuu Mideeyey Quluubta Shacbigga Somaliland. W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

0
Wednesday December 05, 2018 - 08:32:57 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safarkii Madaxweyne Muuse Biixi Ee Goboladda Bari, Wuxuu Mideeyey Quluubta Shacbigga Somaliland. W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

    Safarkii Madaxweyne Muuse Biixi Ee Goboladda Bari, Wuxuu Mideeyey Quluubta Shacbigga Somaliland. W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safarkii Madaxweyne Muuse Biixi Ee Goboladda Bari, Wuxuu Mideeyey Quluubta Shacbigga Somaliland. W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Waxaan qoraal kooban ku soo gudbinayaa dareenka shacbi weynaha Somaliland oo aan u kuurgalay inbadan oo kamid ahi sida ay u arkaan socodaalka Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Mud.Muuse Biixi Cabdi, socdaalkan oo anigu aan u bixiyey "Nabad iyo Midnimo”, waxa uu ku beegmay xili in badan oo shacabka muwadiniinta ahi ka werwer qabeen, kana walaacsanaayeen, sida uu noqon doono xukunka iyo maamulka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi mudo hal sano ah kadib.

Runtii farxad ayey u tahay guud ahaan shacabka iyo inbadan oo wanaaga iyo iskuduubniada Somaliland jeceli in ay dhegahooda ugu raaxeeyaan wararka la xidhiidha socodaalka Madaxweyne Muuse Biixi ee uu ku maraayey gobolada bari oo inbadan tabasho iyo cabashooyin ka tirsanaayey Xukumadda Muuse Biixi iyo xukumadihii kale ee ka horeeyey.

Sidoo kale waxay farxad u tahay muwadiniinta shacabka ah ee ku dhaqana Goboladda madaxweynaha iyo weftigiisu socodka ku marayaan iyo mashaariicda uu xadhiga ka jaraayo madaxweynuhu, iyagoo isku arkaayey waa goboladaase in ay ka sii baxayaan saaxadda dawladnimo iyo dalnimo, iskuna arkaayey kuwo la ilaawey oo aan cid iyo dawladi midna dan iyo danno gaar ah ka lahayn.

Tiraba laba jeer ayey ahayad intii uu xilka haye Madaxweyne Biixi, in aan fariimo xambaarsan midnimo iyo wax-wada-qabsi u diray Madaxweynaha iyo xukumadiisa, taas oo talo iyo soojeedin iila muuqatay, madaama oo aan ahay muwaadin xaq u leh wixii sax iyo toosin ah in uu la garab istaago xukumaddiisa iyo madaxdiisa, waa illahay mahadii kol hadii qodobo kamid ahaa fariimihii aan madaxweynaha u diraayey ay maanta iigu muuqdaan kuwo hirgalay oo madaxweynuhu fulinaayo, Sidaa darteed waxaa maanta xaq la iigu leeyahay aniga iyo inta wanaaga iyo midnimadda umada Somaliland jeceli in aanu hambalyo iyo dhiirigelin la garab istaagno Madaxweyne Biixi iyo weftigii uu hogaaminaayey ee sida geesinamada leh ugu dhex laafyoonaayey gobolo in badan warbaahintu ka sheegi jirtay dhibaatooyin iyo cabashooyin dawlad la’aan ina tusaaya.

Fariinta Shacabka:

Madaxweyn guul ayey kuutahay, isla markaana guul ayey u tahay shacabkaaga, socdaalka qiimaha badan ee aad ugu kuur gelaysey wax ka ogaanshaha shacabka aad Madaxweynaha u tahay.

Madaxweyne hore u soco oo noqo kii umadiisa iyo dadkiisa guul iyo midnimo u horseeda, hana noqon kii loo hanweynaa ee lugu khasaaray, dheg ha u dhigin qabyaaladda iyo nin jecelaysiga waxaad madaxweyne u tahay qarankan iyo shacabkiisa oo dhan, waad dareemi kartaa jacaylka iyo taageerada shacabka aad dhex socotaa kuu hayaa, ee waxqabad muuqda ku taageer iyo hadalo midnmio iyo isjecelaysi xambaarsan.

 

 

 

 

Wabilahi tawfiiq.

Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Qoraa / Saxafi madax banaan

E-mail:Xamse18@gmail.com

www.wiyeeryare.blogspot.com

www.twitter.com/wiyeeryare

www.facebook.com/wiyeeer

Hargeysa -Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
WAREYSIYO