Saturday August 24th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Halkan Ka Daawo;Kal-fadhigii 25-aad Ee Golaha wasiirradda Somaliland Oo Maanta Lagaga Dooday Maalgashiga Dalka Iyo Arrimaha Amniga.

0
Thursday December 06, 2018 - 14:41:04 in Wararka by Hargeisa Head OFFICE
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan Ka Daawo;Kal-fadhigii 25-aad Ee Golaha wasiirradda Somaliland Oo Maanta Lagaga Dooday Maalgashiga Dalka Iyo Arrimaha Amniga.

    Hargeysa-06-12-2018-(BURCOONLINE)-Kal-fadhigii 25-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-06-12-2018-(BURCOONLINE)-Kal-fadhigii 25-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,

ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 06/12/2018, waxa lagaga dooday Maalgashiga iyo horumarinta dalku la wadaagi karo adduunka intiisa kale, iyadoo goluhuna warbiximo ka dhegeysteen, wasiirrada, arrimaha gudaha iyo horumarinta Maalgashiga.

Goluhu waxay warbixin amniga la xidhiidha ka dhegaysteen wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, waxaanu wasiirku ku dheeraday adkaynta nabadgelyada dalka iyo qorsheyaasha ka hortaga falalka dhalinyarada caadaystay dhibaataynta ay habeenkii ka geystaan magaalooyinka qaarkood.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, ayaa warbixin ka siiyey golaha wasiirrada safarro shaqo oo uu ku soo maray dalka dibeddiisa, kuwaas oo la xidhiidha mashaariicda maalgashi ee dalku ku talaabsanayey mudooyinkii u danbeeyey iyo sidii shacab iyo xukuumad ba loogu diyaar garoobi lahaa mashaariicda maalgashi ee dalka kusoo wajahan, iyada oo indhaha caalamku kusoo jeedaan waddanka, danaynayaanna khayraadka dihin ee Jamhuuriyadda Somaliland.



Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu golihiisa wasiirada ku adkeeyey in ay dardargeliyaan mashaariicdii horumarineed ee uu kasoo dhagax-dhigay gobolladii uu safarka ku soo maray, isla markaana ay dhammaystiraan dhammaanba mashaariicdii hore uga socday gobollada dalka.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Image may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 5 people, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and beardImage may contain: 6 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, people smiling, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and suitImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 5 people, table and indoor


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
WAREYSIYO