Wednesday June 26th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Xidhiidhka Ka Dhexeeya korodhka dadka iyo is-dhimidda kheyraadka biyaha (demographic water scarcity). By Abdirashid Mohamed Jama Belel

0
Thursday January 03, 2019 - 08:18:41 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhiidhka Ka Dhexeeya korodhka dadka iyo is-dhimidda kheyraadka biyaha (demographic water scarcity). By Abdirashid Mohamed Jama Belel

    Xidhiidhka Ka Dhexeeya korodhka dadka iyo is-dhimidda kheyraadka biyaha (demographic water scarcity). By Abdirashid Mohamed Jama Belel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidhiidhka Ka Dhexeeya korodhka dadka iyo is-dhimidda kheyraadka biyaha (demographic water scarcity). By Abdirashid Mohamed Jama Belel
Dhibaatooyinka lama-dhaafaanka ah ee ku soo fool leh dunida qarnigan aynu ku jirno ee 21naad waxaa ka mid ah biyaha macaan, sababo badan awgood. Dagaalada qarnigan dhexmari doona waddamada qaarkood ayaa la saadaaliyey in ay ka dhalan doonaan khilaafyada ka
dhex dhasha biyaha-la-wadaago, ayada oo guud ahaanba biyaha macaani yihiin kuwa ay maalin walba sii kordheyso baahidooda, ayaa haddana gaar ahaan isticmaalka iyo maamulka biyaha webiyada caalamiga ah ee ay dalal badan wadaagaan noqdeen kuwaay muhiimaddoodu sii korodhay. 


Hannaankii, haddaba, lagu maamuli lahaa tirada yar ee kheyraadka biyahaasi waa in ay ahaataa mid ku dhisan wada-tashi iyo wada-
shaqeyn hufan, si loo daboolo baahida dadka bani’aadanka ah ee maalin walba tiradoodu sii kordheyso. Waana muhiim in la fahmo xiriirka ka dhexeeya kororka dadka iyo is-dhimidda kheyraadka biyaha (demographic water scarcity). Haddii aan kheyraadkaasi biyaha loo helin hab-siyaasadeed oo mideysan oo lagu maamulo, waxay taasi dhalin kartaa in khilaaf iyo is-maandhaaf yimaado, taas oo iyaduna kalifi karto in dagaal hubeysan yimaado halkaasna ay ka dhacaan qasaarooyin ka waaweyn kuwii hore. Dagaalka biyaha waa mid aanan marka hore ka dhici doonin waddamaha horay- umaray ee warshadleyda ah waayo webiyada ku yaala waddamadaasi wax buuq ah kama taaagna. Dagaalkaasi buluuga ah wuxuu ka bilaaban doono waddamada danyarta ah ee uu dhaqaalahoodu hooseeyo amaba soo koraya, sidaas daraadeed waxaa lama huraan in waddamadaasi ay yeeshaan wada shaqeyn ku saleysan habka kala faa’ideysiga ah (mutual interest), yeeshaana guddiyo ka dhexeeya (Joint commission) oo maamula isla markaana kontorool (hubin) horumarinta kheyraadka biyaha ay wadaagaan.

Meelaha xalka degdegga ah u baahan, si loo helo nabad waarta oo lagu kalsoonaan karo, waxaa ka mid ah waddamada Israa’iil-Jordan-Lubnaan-Siiriya, Turki-Ciraaq- Siiriya, dhanka kale Itoobiya-Masar-Suudaan, dhinaca kalena Bakistaan-Hindiya- Bangaladeesh, Baraasiil-Arjentiin, iyo waddamada ku yaaala dhinaca koonfureed ee Afrika sida Namiibiya-Botuswana-Zimbabwe-KoonfurAfrika-Musambiig. Heshiisyo caalami ah in laga gaaro biyaha ay waddamadani wadaagaan waa mid ka mid ah qodobada ugu mudnaanta sarreeya Agendaha caalamka maanta, muhiimna u ah xasiloonida gobolahaas oo ay tirada dadkoodu sii kordheyso.

Waxaa la aqoonsan yahay in arrimaha la xiriira biyaha Webiga Jordan ay sabab u yihiin ka kacid la’aanta dhulka ay israa’iiliyiintu qabsadeen sanadkii 1967 dii ayadoo ay ugu wacan tahay in Israa’iil ay aad ugu xiran tahay biyaha ay dhulkaasi ka hesho. Xal-u- helid la’aanta arrintani waxay kalifeysaa in aanan nabad waarta loo helin mashaakilka gobolka Bariga Dhexe. Sidaasi darteed, biyuhu waa qeyb ka mid mashaakilaadka hortaagan gobolkan. Dalalka ku muransan Webiga Niil sida Masar iyo Itoobiya ma aha waddamo leh xuduud
xagga dhulka ah, oo waxaa labadooda u dhexeeya dalka Suudaan, balse waxa ay leeyihiin xuduud biyo oo ah Webiga Dheer ee Niil oo ah dhuun/tubo biyo oo labadaas waddan isku xirta. Gobolkaasi Webiga Niil waxaa isugu darsoontay saddex qodob oo aad u daran sida: (1) tirada dadka oo sii kordheysa, (2) biyaha oo sii yaraanaya iyo (3) is-afgarawaa siyaasadeed oo dhexyaala waddamada gobolkaas. Walaaca iyo welwelka laga qabo dagaalka qabow ee biyaha webiga Niil ayaa waxaa muuqata in uu isku bedeli doono mid kulul oo hubeysan, ayada oo ay Itoobiyaanku ka soo kaceen hurdadii dheereyd oo ay ku jireen, ayna hadda dalbadeen in ay helaan qeybta kaga aaddan biyaha webigaas. Khilaafyada dhexyaala dalka Masar, Suudaan iyo Itoobiya waa kuwo u muuqda in uu xalkoodu adag yahay. Biyo-yarida dalka Masar iyo damacooda weyn ee dhinaca horumarinta beeraha waa laba arrimood oo lid isku ah oo hor yaala siyaasiyiinta dalkaas.

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka John F. Kennedy, oo kol hore gartay qiimaha ay biyaha ku leeyihiinna xasiloonida nabadda adduunka, ayaa sheegay in qofkii xal u hela dhibaatada biyaha uusan laheyn hal Nobel Prize (Hadiyadda Nobel) oo kaliya, balse uu leeyahay laba, mid cilmiga ah iyo mid nabadda ah. Muddo dhowr iyo soddon sano ah ayaa laga joogaa markii uu madaxweynahaasi sidaasi yiri, basle maanta ayaa si fiican loo xaqiiqsaday arrintaas. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon ee dalka Jabuuti oo ah dalka ugu biyaha yar dunida, ayaa wareysi lala yeeshay lagu weydiiyey waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu ku dadaalay in uu wax ka qabto intii uu madaxweynaha ahaa, ku muujiyey in helitaan iyo horumarinta biyuhu ay yihiin arrinta kaliya ee uu weligii ku fikiri jiray, waayo noloshu waa biyo, ayuu yidhi Maaddaama ay sii badaneyso baahida biyaha macaan loo qabo, waxaa markaas habboon lagama maarmaana ah in dib-loo-qaabeeyo siyaasadda biyaha oo idil (comprehensive water policy reform) iyo qaannuuno qeexaya sidii loo qeybsan lahaa biyahaas qaliilka ah. Afrika waa qaaradda kaliya ee baahi weyn u qabta arrintan kontonkii sano ee dunidu ku jirtay dagaalka qabow (cold war 1945-1991) iyo kontonkii kale ee ka horreeyey, xasiloonida bulshada waxay aheyd mid ku xidhan quwadda militari ee uu qaran leeyahay (military security), balse wixii ka dambeeyey burburkii mabaadi’idii bariga ee Ruushku hogaaminayey xasiloonida bulshada adduunku waxay noqotay mid ku saleysan helitaanka kheyraadkii lagu noolaan lahaa (resource security) gaar ahaan kheyraadka daciiciga ah ee degaanka (environmental resources). runtii, kheyraadka dabiiciga ah ee uu Illaahay ku abbuuray dunidan korkeeda waa kuwo kaafin kara oo ku filan in ay daboolaan baahida bani’aadanka oo

dhan, balse ma dabooli karaan haddii ay jirto dhuuninimo ama hunguri dheeraad ah oo ku saleysan sad-bursi dadka dhexdiisa.
Hey’addaha waxsoosaarka ee iyagu qeyb weyn ka qaata kobcinta dhaqaalaha qaranka adduunyada kale gaar ahaan dalalka horumaray waxa la siiyaa mudnaanta ugu sareysa, marka kheyraadka biyaha la qoondeynayo, ayada oo la eegaayo ahmiyadda ay u kala leeyihiin kor u qaadidda heerka dhaqaalaha iyo dhimista shaqa-la’aanta. Akhriste makula tahay in dalkeena Somaliland u baahan yahay in mudnaanta koobaad ta labaad iyo ta sedaxaadba la siiyo sidii kheyraadka biyaha loogu wajihi lahaa si ka baaxad balaadhan sida maanta xaalku yahay. Jawaabtu adiga iyo aniga iyo inta aamin san mudnaanta kheyraadka biyaha ayay hortaalaa! Qarashka maalgelinta mashaariicda horumarinta biyaha waa kuwa ugu qaalisan dunida, waxayna arrintani carqalad ku tahay kordhinta waxsoosaarka beeraha oo biyo badan u baahan si loo gaaro isku-filaasho dhinaca cuntada (food self-sufficiency) iyo weliba ka haqabtiridda dadka biyaha la cabbo (water supply) iyo kuwa ay warshaduhu u baahan yihiin. Waddamada qaniga ah oo aan si weyn u daneyneyn in ay wax ka qabtaaan arrintan (maalgelinta mashruucyada horumarinta biyaha) ayaa waxaa marka hore looga baahnaan lahaa in ay cafiyaan daymanka ay ku leeyihiin waddamada soo koraya, si ay ilo dhaqaale ugu helaan maalgelinta mashruucyadaas.

Higsashada himillooyinka dhinaca haqabtirka cuntada ee dalalka soo korayo ayaa u muuqda kuwa aan la gaadhi karin sababo badan owgood. Sababahaasi waxaa ka mid ah biyo-yarida heysata dalalkaas ee dhinaca cimilada, mashaariicda biyaha oo aanan maalgelin loo heynin, wasqeynta kheyraadka biyaha oo sii kordheysa, biyaha oo inta badan ah kuwa ay wadaagaan waddamo dhowr ah iyo cadaadiska dhinaca dibedda. Bangiga Adduunka (World Bank) oo ah hay’adda sida aadka ah u maalgeliso kheyraadka biyaha ayaa bedeshay siyaasadaheedii hore ee ahaa in aanan la maalgelin mashruucyada horumarinta biyaha ay dhowr waddan wadaagaan. Maalgelinta ku baxda cilmi-baarista iyo daraasaadka lagu sameeyo kheyraadka biyaha ayaa ah kuwa ugu badan, ayadoo la ogsoon yahay in teknoolajigu uu san xal u noqon karin dhibaato kasta oo soo foodsaaarta aadanaha. Gunaanad ahaan, kheyraadka biyaha waa in loo arkaa loonana macaamiltamaa sida badeecad dhaqaale (economic good), ee aanan loo arkin dhibaato farsamo (technical problem). Waayo biyuhu waa kheyraad tiro xaddidan leh ayna weliba fududahay sidii loo waxyeeleyn lahaa (finite and vulnerable resources).

governance002@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Wershada Maaxda Oo Loo Aqoonsaday Wershada Ugu Waxsoosarka Wanaagsan Ee Dalka
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
WAREYSIYO