Wednesday June 26th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

HORTA MAXAAD BUUG U QORI WEYDAY? W.Q: Max'ed Colaad Ciise

0
Monday January 07, 2019 - 17:38:52 in Maqaallo by Wariye Mohamed BK
  • Visits: 356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HORTA MAXAAD BUUG U QORI WEYDAY? W.Q: Max'ed Colaad Ciise

    HORTA MAXAAD BUUG U QORI WEYDAY? W.Q: Max'ed Colaad Ciise

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HORTA MAXAAD BUUG U QORI WEYDAY? W.Q: Max'ed Colaad Ciise Sheekadii na dhexmartay aniga iyo akhriste Xilli ay hadda ka soo wareegtay dhawr billood, ayaan mid ka mid ah akhristayaasha degelka Karinnews ka helay farriin Email ah oo uu igaga codsanayay in aan u soo diro qoraal muddo hore ku soo baxay karinnews oo aan anigu lahaa. Waxa uu ahaa qoraal xusuustayda ka baxay oo jacayl ah Waxaan ka raadiyay kaydka qoraalada karinnews, hase yeeshee waan ka quustay inaan helo, manay jirin meel kale oo uu iigu kaydsanaa. Waxaan filayaa inuu ka mid yahay qoraallo badan oo ku lumay isbedelkii nashqadeed ee lagu sameeyay karinnews dabayaaqadii sannadkii 2016kii. Nasiib darro in aanu qoraalkaasi farahayga ku jirin, ayaan ugu warceliyay akhristihii isoo warsaday maqaalkaas. Isagoo aad uga xun arrintaas, ayuu iisoo qoray farriin dheer oo uu ku soo gabagabeeyay "horta maxaad buug u qori weyday?” Waxay igu noqotay weydiin yaab leh waayo weli kama fikirin in aan buug qoro, wax aan ka ahayn maqaallo iyo sheekooyin gaagaaban oo markii aan wakhti u helo karinnews ku soo qoro mooyaane. Waxaan isku dayay in aan akhristaha qanciyo, waxaanan u sheegay in buug qoristu aanay ahayn wax dhib yar oo ay hawl iyo wakhti badan u baahantahay. Aad buu uga yaabay jawaabta aan siiyay, waxaanu malaha ii arkay dhoohane aan wax badan la socon. Waxa uu ii sheegay in aanay hawl badan iiga baahnayn in aan buug qoro, waxa keliya ee la iiga baahanyahayna tahay in aan qoraalladii iyo sheekooyinkii aan hore u qoray uun hal buug isugu soo urruriyo! Malaha arrintani waxa uu u arkayay akhristahaasi xal lagaga badbaadi karo in qoraal dambe uu lumo! Ma filayo In maqaallo ka hadlayay dhacdooyin iyo mawduucyo kala geddisan oo la socday xilliyo kala duwan oo la soo dhaafay, horeyna akhristayaal badani uga daalacdeen internetka oo buug la isugu soo urruriyay in ay noqon karaan wax akhristuhu xiiseeyo haseyeeshee sheekooyin gaagaaban oo hal buug la isugu keenay, iyadoo kuwo cusubna lagu badhxay waa arrin malaha meesha ku jirta. Buug qorista xilligan Sida ay u bateen xilligan qorayaasha Soomaaliyeed si la mid ah ayay iyana u bateen buuggaagta sannad walba la soo saaraa. Waa wax lagu farxo in Soomaalida oo lagu tilmaami jiray ummad aan wax qorin waxna akhrin in maanta ay u wada tafaxayteen dhanka qoraalka. Shaki ma leh in qof waliba buug qori karo, qoraana noqon karo haseyeeshee buug walba ma noqon karo buug fiican oo akhristayaasha soo jiita. Buugga fiican iyo midka la iska malmaluuqana farqiga u dhexeeyaa waa aqoonta qoraha, hibada, dadaalka iyo wakhtiga la geliyay. Qoraaga fiican, had iyo jeer aad bay ugu adagtahay in uu hal bog buuxiyo, halka Qoraaga xun isaga ay aad ugu dhib yartahay. Aubrey Kalitera, (Why Father Why, 1983). Weedha kore waa mid ina xasuusinaysa muhimadda ay leedahay ka fiirsashada iyo ka fikirka waxa aad qorayso ee aad rabto in aad bulshada u soo bandhigto. Haddaba marka aad booqatid barnaamijyada iyo goobaha lagu soo bandhigo buuggaagta Soomaalida waxaad arkaysaa miisas ay dul wadhanyihiin boqollaal buug oo kala geddisan oo badankoodu Af Soomaali ku qoran. Nasiib darro buuggaagtaas tirada badan marka aad u kuurgasho aad bay u yaryihiin inta ay naftaadu u hollan karto in aad iibsato si aad u akhridid, macluumaadka ay xambaarsanyihiina uga faa’idaysatid. Waxaa jira dad qorayaal sheeganaya oo sannadkii dhawr buug oo mawduucyo kala geddisan ka hadlaya soosaaraya. Waad iska fahmi kartaa qoraaga noocaas ah waxsoosaarkiisu sida uu noqon karo. Waxaad arkaysaa kuwo taariikh ka hadlaya oo aan haba yaraatee wax tixraac ah iyo meel ay ka soo xigteen dhacdooyinka ay ka hadlayaan aan midna lahayn. Waxay u eegtahay in qof waliba wixii maskaxdiisa ku soo dhaca ama uu maqli jiaray uun uu iska qoray, halka kuwo kale isu soo urruriyaan dukumantiyo tiro badan oo ay buug ka sameeyaan ka dibna halkii ay dusha kaga qori lahaayeen waxaa soo urruriyay, ayaa waxa ay ku qoraan waxa qoray! Waa yaabe urrurin iyo qorid goormay isku mid noqdeen. Waxaa iyana jira kuwo isku soo urruriya maqaallo kala geddisan oo ay tayadoodu aad u hoosayso nuxur ahaan iyo qoraal ahaanba oo ay hore ugu daabaceen degellada Soomaalida, waana qaybta uu igula taliyay akhristahaasi in aan ka mid noqdo. Waxaa intaas dheer buuggaagta sheeko fanneedka oo laga yaabo in sheekadu ducul ahaan fiicanatahay haseyeeshee qaabka loo soo gudbiyay ka dilay xiisihii loo qabi lahaa akhriskeeda. Waaxaa iyana aad u badan dadka soo minguuriya qoraallo dad kale leeyihiin ee iskadhiga in ay iyagu qoreen (Plagiarism ). Nasiib darro buuggaagtaas tirada badan ee Afkeenna Hooyo ku qoran halkii ay ka noqon lahaayeen kuwo kobciya hab qoraalka suubban ee Af Soomaaliaga waxay jideeyaan qaladaadka tirada badan ee aan loo aabbo yeelin ee aad kula kulmi kartid inta badan qoraallada Af Soomaaliga ku soo baxa. Waxaa ka muuqata buuggaagtaas badankooda in aanay qorayaashu wax xil ah iska saarin dhinaca tifatirka qoraalka. Haddii aad rabtid in aad wax fiican qortid waa in aad layli badan samaysaa


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Wershada Maaxda Oo Loo Aqoonsaday Wershada Ugu Waxsoosarka Wanaagsan Ee Dalka
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
WAREYSIYO