Wednesday June 26th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Soddon Muwaaddin Oo Cabasho Ka Muujiyey Dhul Ay Leeyihiin Oo Xukuumadda Xoog Ku Dhisanayso Iyo Farriin Ay U Direen Madaxweynaha Jsl.

0
Tuesday January 08, 2019 - 20:07:33 in Wararka by Wariye Mohamed BK
  • Visits: 1016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soddon Muwaaddin Oo Cabasho Ka Muujiyey Dhul Ay Leeyihiin Oo Xukuumadda Xoog Ku Dhisanayso Iyo Farriin Ay U Direen Madaxweynaha Jsl.

    "Madaxweyne Arrintani Waxay na Xasuusinaysaa ficilladii ay Ku Kici Jirtay Dawladdii Hore Ee Soomaaliya Ee Laga Xoreeyay Dalka, Waxaanan u Aragnaa Caddaalad-darro Tii Ugu Waynayd Ee Ku Dhacda Muwaaddiniin Reer Somaliland ah" Cabashada M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweyne Arrintani Waxay na Xasuusinaysaa ficilladii ay Ku Kici Jirtay Dawladdii Hore Ee Soomaaliya Ee Laga Xoreeyay Dalka, Waxaanan u Aragnaa Caddaalad-darro Tii Ugu Waynayd Ee Ku Dhacda Muwaaddiniin Reer Somaliland ah" Cabashada Muwaadiniintan,
Soddon Muwaaddin oo reer Somaliland ah, ayaa
cabasho ka muujiyey Dhul ay lahaayeen oo ay sheegeen inay
dawladdu si badheedh ah uga qaadday. Dhulkaas ayey sheegeen
Xubnahani inay maalgeliyaan oo ay Dugsiyo waxbarasho,
Cusbitaallo caafimaad iyo Wershado, balse loo sheegay in
Madaxtooyo laga dhisayo.
Qoraal ay ku saxeexan yihiin Xubnaha Guddiga Mulkiilayaashaas oo
dalka gudisiisa iyo waddamada dibeddaba kala jooga, ayey ku
muujiyeen cabashadooda iyo siday uga xun yihiin waxa ku dhacay,
isla markaana waxay Madaxweynaha Somaliland ka codsadeen inuu
dhulkooda u soo celiyo, kana joojiyo dayrka iyo dhismaha laga
bilaabay Baloodhadoodaas.
Shaxda Qaraalka ay ku saxeexan yihiin xubnahan, isla markaana ku
qoran yihiin muwaaddin kasta oo dhul ku leh magiciisa oo saddexan,
tirada baloodhada uu ku leeyahay iyo dalka uu deggan yahay oo
Warbaahinta ay Guddigu soo gaadhsiiyeen caawa, kuna
taariikhaysnaa taariikhda toddoba bisha 1-aad 2019-ka, ayaa u
dhignaa sidatan:-


"KU: Madaxweynaha Jamahuuriyadda Somaliland -
Mudane: Muuse Biixi Cabdi
Ujeeddo: Cabasho: Dhul dawladdu ka qaadday Muwaadiniin -
Mudane Madaxweyne;
‘Annagoo ah muwaaddiniin u badan qurba-joog oo reer Somaliland
ah, waxaan ka cabanaynaa dhul aan ku leenahay Degmada Ibraahin
Kood-buur/guul Allaah. Waxaan ku war helnay dawladda oo ku
wareejisay Ciidan iyo dhisme dayr, taas oo haba-yaraatee wax
ogeysiin ah oo lanaga talo-geliyay dhulkagayagaa dhismihu ka
socdo aanay jirin illaa manta oo laga joogo sagaal bilood ugu
yaraan.
Haddaba, Madaxweyne, waxaan kuu sheegaynaa dhulkani inaanu
ahayn mid laysku haytso oo wax khilaaf ahi ka taaganyahay ama
aanu ahayn dhul dan guud oo dawladdu leedahay, laakiin uu yahay
dhul sharciyaddiisu dhammaystiran tahay.
Annaga oo xeerinayna sharafta dawladnimo, amniga iyo kala
dambaynta Qaranka, ayaan kulan la yeelannay Wasiirka arrimaha
gudaha, si aan u ogaanno asbaabaha keenay in dhulkayagii
dawladdu la wareegto iyo xaaladdan ka taatan Dhulkayaga aannu
sharciga u lahayn.
Mudane Madaxweyne jawaabta aannu ka helnay Wasiirka, ayaa
waxay noqotay dhulkaa waa laydinkala wareegay oo Madaxtooyaa
laga dhisayaa, balse Wasiirku noomuu sheegin meel aannu u raacno
hantidayadii haba-yaraatee iyo cid aannu kala xidhiidhno toona.
Annaga oo Madaxweyne ka xun sida wax noogu dhaceen iyo niyad-
samida aannu u haynay horumarinta waddankayaga oo kala fog
awgeed, ayaa waxaan ku xasuusinaynaa madaxweyne in qorshaha
dhulkani ahaa inaannu ka dhisno mashaariic horumarineed sida;
Cusbitaallo, Iskuullo, Wershado iyo wixii la mid ah.
Hase-yeeshee, Madaxweyne arrintani waxay na xasuusinaysaa
ficilladii ay ku kici jirtay dawladdii hore ee Soomaaliya ee laga

xoreeyay dalka, waxaanan u aragnaa caddaalad-darro tii ugu
waynayd ee ku dhacda muwaaddiniin Somaliland ah tan iyo intii ay
jirtay jamhuuriyada Somaliland
Sidaa daraadeed, Madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa,
1.Inaad noo soo celiso hantidayadaa aan xaqa u leenahay.
2.Inaad ka joojiso dhismaha ka socda dhulka, taas oo aan u aragno
sharci-darro, kana soo horjeeda xaqa muwaaddinka,
bani’aadaminnimada iyo ta Diinta Islaamka.
3.Madaxweyne waxaan kaa rejaynaynaa inaad xal ka gaadhid
dhulkayaga, tixgelin gaar ahna siiso cabashadayada.
NP-
1.Arrintan waxa nagu kalifay inaan Warbaahinta u marinno
cabashadayada, waxaannu waynay cid noo geysa Madaxweynaha si
aan ugala hadalno arrinta dhulka.
2.Waxanu u sheegaynaa ummadda Somaliland iyo Dawladda
Somalilandba in aanu dhulkani ahayn dhul laysku haysto ama khilaaf
ka taaganyahyahay, laakin u yahay dhul sharcigiisii dawlada-hoose
dhammaystiranyahay.”
Magacyada Mulkiilayaasha Dhulka leh, siday u kala leeyihiin iyo
dalalka ay ku kala Nool yihiin;-

Khadra Ismail Hassan 2 bloodh Canada
Abdiqadir Sh. Ismail Hassan 2 bloodh Canada
Dr Said Ismail 4 bloodh Canada
Jama Abdi Aw
Muhumed

4 bloodh Canada
Osman Xashi Awad 5loodh Canada
Mohamed Cumar Ahmed 1balood USA
Gulied Cumar Ahmed 1balood USA
Ali Cumar Ahmed 1.5balood Canada

Hasan Mohamed Ali 2balood UK
Ibrahim Mohamed Abdi 1bloodh UK
Mohamed Ahmed Warsam 1.5balood USA
Hasaan Mohamed Gulaid 2 bloodh Canada
Khaddar Haji yusuf Nur 7bloodh Norway
Ahmednasir Maxamed Ahmed 5blood Canada
Saciida Rashiid Abdillahi 5bloodh Canada
Maxamed Ahmed Hudle 5bloodh Canada
Hodan Rashiid Abdillahi 5bloodh Canada
Kaize Sahrdiid Osman 1bloodh Somaliland
Kaize libax Buraid 1bloodh Somaliland
Shamis Mahamed Odaaw 10 bloodh Somaliland
Hassan Maxamed Salah 4bloodh USA
Anab Maxamed Odawa 5bloodh Canada
Asha Maxamed Odawa 3bloodh Somaliland
Maryan xasan Awale 1bloodh Somaliland
Zaynab Jama Iidan 2bloodh UK
Khaddar Yasiin 1bloodh Somaliland
Khaddar Abdi 2bloodh Somaliland
Mohamed abdullahi Suugaal 4bloodh Canada
Abdullahi Ali Ibrahim 10bloodh Canada
Said Hassan Ali Maal 1 bloodh Somaliland

Magacyada Guddiga
1. Canab Maxamed Odowaa
2. Maxamed Axmed Hudle
3. Aadan C/raxman Sh.Mohu’ed
4. Maxamed Cumar
5. Maxamed Adan Cumar
Allaa Mahad leh.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Wershada Maaxda Oo Loo Aqoonsaday Wershada Ugu Waxsoosarka Wanaagsan Ee Dalka
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
WAREYSIYO