Thursday January 17th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Kulamo La Qaatay Masuuliyiin Sar-Sare Oo Ka Tirsan Beesha Caalamka Iyo Nuxurka Qodobada Kasoo Baxay

0
Thursday January 10, 2019 - 15:43:51 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Kulamo La Qaatay Masuuliyiin Sar-Sare Oo Ka Tirsan Beesha Caalamka Iyo Nuxurka Qodobada Kasoo Baxay

    Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Kulamo La Qaatay Masuuliyiin Sar-Sare Oo Ka Tirsan Beesha Caalamka Iyo Nuxurka Qodobada Kasoo Baxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Kulamo La Qaatay Masuuliyiin Sar-Sare Oo Ka Tirsan Beesha Caalamka Iyo Nuxurka Qodobada Kasoo Baxay
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane, Abdirahman Mohamed Abdullahi "Ciro", oo Hawlo Shaqo ku jooga Dalka Kenya, ayaa kulamo is-dabajoog ah la leh; Wakiilada Safaaradaha Caalamka Qaarkood, Madax-sare oo ka tirsan Xafiiska Midowga Yurub; Deeq-bixiyayaasha S/land ka Caawiya dhinacyada Horumarinta; Daneeyayaasha Dimoqraadiyada iyo Geedi-socodka S/land iyo Weliba hayadaha Samafalka ee ka hawl-gala S/land. Gudoomiyuhu wuxuu kaloo kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madax sare oo ka tirsan Xafiisyada Midowga Africa iyo Igad.

Gudoomiyaha iyo Madaxdan ayaa fhamaantood ka wada-hadlay Sidii loo Xoojin lahaa Xiriirka labada Geesood; Horumarinta iyo Kobaca Dhaqaale ee S/land; Kordhinta Tababarada iyo Xirfadaha Farsamooyinka Gacanta, Shaqo Abuurka Dhalinyada S/land iyo Tayaynta Dimoqraadiyada S/land.

Gudoomiyaha iyo Madaxdani waxay kaloo aad u lafa-gureen isbedelka Gobolka ka socda; Amniga Gobolka iyo Hanaanka Dimoqraadiyada ee Somaliland.
Madaxdan iyo Gudoomiyuhuba waxay aad uga doodeen werwer weyna ka Muujiyeen Dibu-dhaca Doorashooyinka Soomaaliland markasta ku yimaada iyo sidii looga gudbi lahaa.

Dhamaan madaxdan uu Gudoomiye Ciro la kulmay ayaa ku amaanay kaalintii iyo Go'aankii Quruxda badnaa ee uu ka Qaatay Xisbi ahaan iyo Musharax-ahaanba Doorashadii Madaxweynaha ee Dalka ka Qabsoontay November 2017.

Madaxdan ayaa Xukuumada iyo Xisbiyada Soomaaliland ugu baaqay inay Xaliyaan is-mari waaga Qaabka Doorashooyinka Goloyaasha ku saabsan; Waxayna Madaxdani ugu Baaqeen Xukuumada S/land in iyada Xil gooni ahi ka saaran yahay sidii doorashooyinku Xiligooda ugu dhici lahaayeen.

Gudoomiyaha oo Weli ku sugan Dalka Kenya ayaa la filayaa inuu Halkaas ku yeelan doono kulamo kale oo Muhiim ah mudada uu joogo.

Afhayeenka Yurub
Xisbiga Waddani
Qasim A Saleebaan


 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
WAREYSIYO