Wednesday June 26th, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

WAXII AAD DALKAAGA U QABAN KARTO CIDNA HA LA SUGIN AMA HA KU EEGIN EE ADIGU QABO.

0
Thursday January 10, 2019 - 15:46:30 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 188
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAXII AAD DALKAAGA U QABAN KARTO CIDNA HA LA SUGIN AMA HA KU EEGIN EE ADIGU QABO.

    WAXII AAD DALKAAGA U QABAN KARTO CIDNA HA LA SUGIN AMA HA KU EEGIN EE ADIGU QABO.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAXII AAD DALKAAGA U QABAN KARTO CIDNA HA LA SUGIN AMA HA KU EEGIN EE ADIGU QABO.
Madax iyo Shicib qofwalowba waxii aad u qaban karto dalkaaga qof kale ha ku halaynin )


Wax weyn baynu qabsan karnaa hadii uu qofwaliba isku xilqaamo inta uu qaban karo , waxa ugu yar ee aad qaban kartaa waa in aad dariiqa ka weeciso waxii aan ku habooneyn ama dadka waxyeelaya ama aanad adiguba ku tuurin wax ee aad raadiso meel ku haboon qashinka.


Waa hubaal in hadii aynu isku wacyi galino in qofkastaaba toosiyo halka nolosha kaga beegan inta uu awoodo in aynu wax weyn qabsan karno oo qiimaheena dadnimo iyo nolosheenaba qurxiya.



Bal kawaran hadii aynu bishiiba hal maalin isku xilqaano in qofwaliba soo kordhiyo wax dalka iyo deegaankaba anfacaya, tusaale in uu beero dhir ama in uu iska nadiifiyo deegaanka uu dagan yahay ama ku ganacsado ama ka shaqeeyo saw wax weyn nolosheena iska badeli maayaan hal sano gudihii.


Waxa aan kula talin lahaa in aynu dadkeena barno oo ku barbaarino in qofwaliba wax u qaban karo dalkiisa oo aynu ubadka guryaha iyo goobaha waxbarashadaba loogu sheego in ay masuuliyadi ka saaran tahay naftiisa, deegaanka ku xeeran iyo dalkiisaba oo aynu noqono dad seeska ka soo dhisma.


Marka aan leeyahay dalkaaga wax u qabo , u fahan in aad adigu wax wanaagsan qabsaneyso oo dalka u qabaneynso oo aanad u arag wax ay cid kale leedahay ama aad tarayso ee ay tahay waajibaad adigu aad iska guday oo if iyo aakhiroba ku anfici doona.


Sidaas oo kale in aynu inagu waxii aynu qaban karo aynu qabano oo aynaan cid kale ku eegini, wax ay kugu beeraysaa lexojeclo iyo masuuliyad , markaasi ayeynu ka adkaan karnaa inta aynu masuuliyadaha waweyna iyo u adeegida umada u dhiibanay, waxii aynu uga baahanahayna aynu ku daba taagnaan in ay inoo qabtaan.


Waxa aan u soo jeedinayaa madaxda qaranka dhamaantood in ay dadka ku baraarujiyaan wax wadaqabsiga iyo iskaa wax u qabsoba in loo shaqeeyo oo ay iyagu horseed ka noqdaan si dadku wanaaga uga daydo oo ay inoogu noqoto wado mustaqbalka dadkeena dhista.


Soo jeedintii iyo taladii


Muhamed Dhimbiil


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Wershada Maaxda Oo Loo Aqoonsaday Wershada Ugu Waxsoosarka Wanaagsan Ee Dalka
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
WAREYSIYO