Friday March 22nd, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Ha la qaabiilo Qabiilkayaga

0
Thursday January 10, 2019 - 15:49:07 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha la qaabiilo Qabiilkayaga

    Ha la qaabiilo Qabiilkayaga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ha la qaabiilo Qabiilkayaga
Waxaynu wada daawannay madaxwaynihii qaranka oo odayaal qabiil ku qaabilay madaxtooyada. Halkaana ka jeediyey qudbad aad u qabyaaladaysan. Qarankii Somaliland iyo waddanimadii lagu beddelay inaadeer iyo abti. Arrintani kuma habboona madaxwaynaha inuu fagaaraha soo dhigo qabyaaladda, umaddana u kala qaybiiyo reer reer, tol iyo abtiyaal iyo wixii lagu yaqaanay reer guuraaga. Hadday madaxwaynaha qasab ku noqotay (siyaasad ahaan) inuu oday dhaqameed hal qabiil ka soo jeeda qaabilo waxay ku habboonayd inuu si sir ah oo aan telefashannada iyo umadda loo soo bandhigin loo qaabilo, dabadeena uu afhayeenkiisu woxoogaa shir jaraaid ah ku sheego kulanka madaxwaynaha, sawirro la'aan.. Arrintani u madaxwaynuhu ku dhaqmay albaab xun ayay Somaliland ku furaysaa oo ah in umaddii laga dhigo reer-reer oo qabiil-qabiil loo kala fadhiisiyo. In madaxwaynaha reer walba ula tago liis tabasho ah iyo codsiyo meel ka dhac ku ah qaranimada Somaliland. Bal u fiirso: Markuu odayada qaabilay wuxuu cafis ku sii daayay nin ay maxkamadi xukuntay oo dambi qaran galay. isagoo darajadii, dirayskii iyo hubkii dalka sita qabyaalad ahaan u weeraray dad shiciba oo muwaadiniin ah; ninkan sarkaalka ahaa oo lagu soo caddeeyey dambiyadii uu galay iyo qabiil abaabul ayuu madaxwaynuhu siidaayay. Arrintani waxa la mid tahay markii kolaneel Caarre isagoo qayb ciidanka qaranka ah ee bariga Somaliland ka tirsan u sida ninkan oo kale qabyaalad ahaan ku weeraray reero Somaliland ah, ka dibna ciidanku soo qabteen la keenay Hargaysa, isagoo xidhan ay odayaal tageen madaxtooyada waqtigii Siilaanyo, ka dibna inta darajo la dallacsiiyey eedaysanihii, la soo daayay shaqadiina dib loogu celiyey. Wixii ninkaasi ku dambeeyayna waa la wada ogyahay maanta.
Madaxwayne Muuse dariiq xun ayuu isku furay; reer walba in qado sharaf loo sameeyo ayay dooni, cid aan wax ka cabanayna ma jirto xataa reerkiisa, lafta uu ka tirsan yahayna dhahoo. Imika durtaba codsigii u horreeyey wuxuu ka yimid boqor Buur Madow. Imika bal aan is waydiinee: dadkii muu qayqaybiyey mise wuu mideeyey? Heer madaxwayne miyuuna ka degin oo uuna noqon oday qabiileed? Xisbiyadii iyo siyaasaddii qaran miyuuna u beddelin reero is haysta oo doorasho beenaad iskugu cadhoonaya? Arrintani waa simbiriraxadii ugu waynayd ee madaxwaynuhu galo, mucaaridkuna haddayna isaga la mid ahayn, ul ay ku garacaan madaxwaynaha ayaa maanta gacantooda soo gashay.


Wa Billahi tawfiiq,
Ayanle Amir Bidde


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
WAREYSIYO