Thursday January 17th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Somaliland Oo La Filaayo Inay Fuliso Heshiiskii Ay La Gashay Maamulka KHAATUMO,

1
Friday January 11, 2019 - 08:48:42 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 2261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo La Filaayo Inay Fuliso Heshiiskii Ay La Gashay Maamulka KHAATUMO,

    Somaliland Oo La Filaayo Inay Fuliso Heshiiskii Ay La Gashay Maamulka KHAATUMO,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo La Filaayo Inay Fuliso Heshiiskii Ay La Gashay Maamulka KHAATUMO,

Somaliland ayaa lagu wadaa in ay fuliso qodobadii heshiiskii ay la gaadheen Madaxwaynaha Khaatumo Pro.Cali Khaliif Galaydh Kaasi oo ay labada dhinac kala saxiixdeen 21 0ct 2017 heshiiska ayaa ka koobnaa qodobo dhawr ah kuwaasi oo kala ahaa,

In la helo cadaalad, sinnaan iyo nabad ku wada noolaanshiyo

In la ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland

In Khilaaf walbo oo jira lagu dhameeyo wadahadal iyo jid nabadeed

In la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshiyaha

In dib loo furo Dastuurka si loo sugo awood qeybsi ku dhisan cadaalad iyo sinnaan

In la qarameeyo ciidamada Khaatumo

In Somaliland iyo hay’adaha deeqda bixiya ay si mid ah uga howlgalaan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle

Fulinta heshiiskan labada dhinac ayaa waxaa hakad galisay Somaliland oo gashay xili kala guur ah iyadoo heshiiska ay Khaatumo hore ula saxiixdeen Xukuumadii Madaxwayne Axmed Maxamud Siilaanyo hase ahaateen Doorashadii madaxtinimo ee Somaliland gashay isbedel ku yimid hanaankii maamul iyadoo taladii dalka uu ku guulaystay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxaana marar dhawr ah soo baxday in Xukuumada Muuse Biixi Cabdi kaga caga jiidayso fulinta heshiiska oo qodobka ugu adagi yahay furida Dastuurka si hanaan cadaalad ku dhisan wax loogu qaybsado.

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya Xukuumada madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ay ku dhiiranayso kana faa,iidaysanayso sii ay u ambaqaadi lahayd heshiiskii Somaliland Iyo Khaatumo wada gaadheen iyagoo ka duulayanatiijada ka soo baxday Doorashadii madaxtinimo ee Puntland gashay taasi oo ku guuldaraysteen Siyaasiyiin ka soo jeeda deeganada Khaatumo ama gobolka Sool kuwaasi oo ka mid yahay siyaasiga Dr Cali Ciise Cabdi waxaana arintan ka dhashay niyad jab siyaasadeed oo la soo gudboonaatay qaar ka mid ah shacabka goboladaasi ku dhaqan kuwaasi oo u hanqaltaagayey in ay mar uun arkaan siyaasiyiin deegaanadooda ka soo jeeda oo hogaamiya Puntland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
WAREYSIYO