Friday March 22nd, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

GOORMAY KULA QUMANAADEEN MADAXWEYNE WAXII SHALAY KULA QALOOCAY !!!

0
Friday January 11, 2019 - 09:00:36 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 157
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOORMAY KULA QUMANAADEEN MADAXWEYNE WAXII SHALAY KULA QALOOCAY !!!

    GOORMAY KULA QUMANAADEEN MADAXWEYNE WAXII SHALAY KULA QALOOCAY !!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GOORMAY KULA QUMANAADEEN MADAXWEYNE WAXII SHALAY KULA QALOOCAY !!!
Waxa soo baxday in la kordhinayo oo doorashooyinkii dalku dib u dhacayaan mudo aan la sii garanayn, golaha guurtida Somaliland na kalfadhi aan caadi aheyn la isugu yeedhay maalinta sabtida.

Haddaba marka aynu Somaliland eegno intii ay qaadatay nidaamka dimuqaradiga ah doorashooyinkii dalku xiligii loo cayimay kuma dhacaan iyada oo aanay jirin sabab macquul ah marka laga reebo mudokordhintii ugu dambaysay ee doorashadii madaxtooyada Somaliland oo ay Somaliland ka dhacday abaar baahsani.


Waliba waxa xusid mudan iyada oo dad iyo xoolaha la madhanayo oo ay ahayd ta kaliya ee duruufihii sharcigu tilmaamayay ku xusan , Madaxwayne Biixi waxa uu ahaa ninkii yidhi aynu doorasho galno isaga oo kursigu u muuqdo, laakiin aan u fahmay in aanu dan ka lahayn dadka iyo xoolaha madhanaya ee reer Somaliland.

Waxa uu tusaale inoogu soo qaatey wakhti dawladii Somalia ay dagaal ku jirtay oo doorashona ku soo beegantay in ay ahayd baan filayaa 1964kiiye.

Haddaba shalay markii uu mucaaridka ahaa wuu diidanaa mudo kordhinta ee isweydiintu waxa ay tahay waxii shalay kula sharci darada ahaa maanta ma sharci ayey kula noqdeen?

Waxii aad shalay diidanayd ee ahaa in komishan aanad kalsooni ku qabini uu doorasho kuu qabto ayaad maanta jeceshahay in komishan aan kalsooni loo haynini uu dadka wali soo hor fadhiyo.

Waxa xisbigaaga iyo inta taabacsani ku doodaan xisbiga WADDANI baa diiday doorashada oo muranka iyo dooda uu ka qabo komishanka ayey doorashadu dib you dhacaysaa , isweydiintu waxa ay tahay dooda miyaanay aheyn mid ay xaq u leeyihiin hadii aanay ku kalsoonayn garsoorkana la badelo oo aad tanaasushaan sidii shalay la idiinku tanaasulay iyada oo ahmiyadu tahay in doorasho dalka ka dhacdo.

Somaliland waxa ay wax ku tahay oo ku iibsamaysaa in ay nidaamka ay qaadatay ka run sheegto oo doorashooyinka dalka wakhtigooda lagu qabto, doorashada dib u dhacday dalkana waa ku sumcad daro, xukuumada joogtana waa ku ceeb iyo foolxumo.

Waxa aynu wax ku nahay isku tanaasulka wadatashiga iyo isqancinta oo caalamkuna inoogu joogsadaa hadii intii meesha ka baxdo oo ay noqoto taydaan wadanayaa , ma garanayo meel Somaliland loo wado , ee bal waa lagu eegi halkaad u socoto !!!


Muhamed Dhimbiil



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
WAREYSIYO