Thursday January 17th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.

0
Saturday January 12, 2019 - 17:14:18 in Wararka by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 1666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.

    Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.

Somalilanad ayaa xaqiijiysay in UK ay dooneyso, ayadana ay diyaar utahay inay saldhig milatari ka siiso magaalada Berbera, waxayna sheegtay inay diyaar u tahay inay dalal kale casuumto.

Axmed Xasan Cigaal oo ah wakiilka Somaliland ee Itoobiya, ayaa wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay in wada-shaqeyn milatari iyo saldhig UK oo laga sameeyo Bebera, ay ahaayeen arrimihii looga hadlay kulankii wasiirka difaaca UK, Gavin Williamson uu Hargeysa kula yeeshay madaxda Somaliland, toddobaadkii tagey.

 

"Haddii dal aad nooga yar oo Jabuuti ah uu saldhigyo badan marti-geliyo, maxaa u diidaya Somaliland” ayuu yiri Cigaal.

Jabuuti waxaa saldhigyo milatari ku leh dalalka Mareykanka, Faransiiska, Talyaaniga, Shiinaha iyo Japan.

"Somaliland waxay muhiimad u tahay UK, dalal badan ayaa doonaya inay halkan saldhigyo badan ka sameystaan, UK aad ayay u xiiseeneysaa middaas” ayuu yiri Cigaal.

Danaha UK ee Somaliland waxaa sidoo kale ka mid ah xoojinta xiriirka dibadeed iyo kan dhaqaalaha, sida uu sheegay Cigaal.

Cigaal ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Ruushka iyagana laga yaabo inay Somaliland yimaadaan oo ay saldhig ka sameystaan.

"Waxaan dooneynaa inaan casuumno cid kasta oo dooneysa inay yimaadaan Somaliland” ayuu yiri Cigaal, isaga oo tilmaamaya in goor horeba Imaaraadka Carabta uu billaabay hanaan uu saldhig uga furanayo Somaliland.

Sida uu sheegay Cigaal, quwadaha adduunka oo saldhigyo ka samaysta Somaliland, waxay taas ka caawin kartaa inay hesho aqoonsi, waxayna maal-gelin u tahay gobolka oo idil.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
WAREYSIYO