Saturday February 16th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

POLICE FILES INANTII LA KUFDASAY EE SHARCIGA KU AARGOOSATAY

0
Wednesday February 06, 2019 - 18:02:17 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    POLICE FILES INANTII LA KUFDASAY EE SHARCIGA KU AARGOOSATAY

    POLICE FILES INANTII LA KUFDASAY EE SHARCIGA KU AARGOOSATAY

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

POLICE FILES INANTII LA KUFDASAY EE SHARCIGA KU AARGOOSATAY
Sahra waxay shaqo ka bilawday Guri ay gabadh taajirad ahi leedahay , oo maal badan, oo ka dhaxashay ka dhaxashay Ninkeedii (iyada iyo inankeeda yar ee Najiib) .Zahri iyada oo cuntada sameynteeeda , aad u taqaanna .
Najiib waxa uu la koray Hablaha Jaariyadaha iyo shaqaalaha Guriga ka ah . Hooyadii inta badan shaqo ayey ku maqan tahay .
Najiib markii uu Baaluqay , Hablihii guriga ka shaqaynaayey , ayuu kolba mid baacsadaa , tii diidana shaqada waa laga eryaa , inta uu Hooyadii ku diro , oo ka been abuuro .
Zahri waxay ahayd Gabadh qurux badan , oo akhlaaq badan ,oo dantu ku keliftay in ay Jaariyad ku shaqayso . Maalintii ay shaqada bilawdayba
waxa uu Najiib bilaabayba in uu isku dayo , in uu la fara ka ciyaaro , laakiin si adag ayay xadkiisa ugu joojisay . Najiib wax is hortaaga hore umuu arkin . markaa way ka qabsatay in uu fara xumeeyo . Ka dibna waxa uu la tashaday Dareewelkiisii oo uu arintii u sheegay , iyo in uu talo siiyo.
Waxa uu Dareewelkiisii u sheegay qorshe ah , in uu Dawo u keeni doono , seexisa Zahra , kadibna uu ka shaqaysan doono .
Dawadii ayuu u keenay , isaguna ( Najiib waxa uu ugu riday Dawadii ) Caagad yar oo ay biyo ku shubatay oo ay ka cabbi jirtay .
Zahri way lulootay , kadibna waxay gashay hurdo dheer . Subaxnimadii markii ay indhaha kala qaaday , ayaa waxay aragtay Najiib oo dhinac hurda . waxna way isku aragtay . kabacdi way qaylisay oo wixii Guriga joogay oo dhammi , qayladeedii ayay ku soo wada kaceen .
Najiib Hooyadii markii ay soo kacday ee Zahri uga warantay , waxa Wiilkeedii ku sameeyey , waxay ugu jawaabtay : naa qaylada iyo istusnimada looma baahna , ee adigaa shukaansaday oo baddaa inanka geliyey oo ka raali ahaa , ee bal iminkana , ama Albaabka ka bax ama orod oo shaqadaadii qabso .
Talo ayaa ku cadaatay , garawshiinyo la'aanta . Shaqadeedii ayey iskaga noqotay oo halkii ka sii wadatay . Zahra uur ayaa ku soo baxay , kabacdina waxay u sheegtay islaantii dhashay Najiib , in uu inankeedu saxo qaladkii uu sameeyey oo uu guursado .
islaantii waxay ugu jawaabtay : malaa waad riyoonaysaa ama waad waalantay , ee lacagtaa qaado , oo ilmahan iska soo rid , Gurigana ha ku soo noqoin .
Zahri Gurigii way iskaga tagtay , xaggaa iyo Hooyadeed ayey qabatay , si ay ula tashato . Hooyadeed waxay kula talisay in ay ilmaha iska haysato , oo aanay iska soo ridin , laakiin ay Habaryarteed iyo magaalo kale qabato , inta ay ka umulayso . taladii Hooyadeed ayey qaadatay .
Maalintii ay soo umushay , ayey (Taxi) soo raacday inta ay ilmihii yaraa Selled ( Sinbiil) ku soo ridday , Albaabkii Villadii ayey hor dhigtay , goor ay salaad hore tahay . kabacdina (Taxi-gii ayey dib u raacaday).
Hablihii Guriga ka shaqeynaayey markii ay maqleen , ilmaha yar ee dibbedda ka ooyaaya , waxay u yaadheen islaantii Guriga lahayd . inta ay tidhi gudaha soo geliya , ayey waxay la hadashay , Sarkaal sare oo Police-ka ah oo ay Habaryar u tahay , si ay ugala tashato ( arinkan ) iyo sidii wax looga qaban lahaa .
Sarkaalkii Habaryartii iskumay fiicnayn oo markii uu Ardayga ahaa u may rooneyn , waxna may siin jirin , markaa wuu u calool xumaa .
Kadibna waxa uu kula taliyey in ay Police-ka u yeedho oo u sheegto , arintan iyo ilmahan Albaabkeeda la dhigay iyo sidii loo baadi dooni lahaa ( ciddii arinkan samaysay ee kula kacday cadaawaddan ) .
Police-kii markii uu dhegeystay , waxa uu u sheegay : in ay hayn doonto ilmahan yar , ilaa iyo inta laga helaayo , ciddii dhashay .

Zahri way ka adkaysan kari waydey ilmaheedii yaraa ee ay tuurtay . kabacdi waxay tagtay Station Police-ka , si ay ugu sheegto qisadeeda iyo im uu kufsaday inankaasu oo ay Hooyadiina waxaa kala kulantay . iayaduna falkii ay ku dhaqaaqday uu noqday , in ay Albabkooda ( gurigooda) u hor dhigatay.
Wiilkii Najiib ayaa Station Police-ka looga yeedhay , oo su'aalo la waydiiyey , wax kasta wuu inkiray . waxaa Askarigii ku yidhi : Dhiig ayaanu kaa qadayna . ilamaha yarna Dhiig ayaa laga qadayaa . kabacdi-na waxaa la ogaaday in uu isagu ilmahan dhalay . waa la xidhay Najiib , waxaana lagu soo oogay denbi ah kufsasho .
islaantii Hooyadii kolba meel ayey isku qaadday , waxa loo sheegay , wadada qudha ee inankaagii lagu soo deyn karayaa , inay tahay isaga oo guursda Zahra , oo ay kabacdina ka tanaaasusho Qadyadda ( dacwadda) .
Arinkii bay ogolaatay in uu wiilkeedii guursado Zahra ( jaariyadeedii) . muddo kadibna uu furo . islaantii sidaas ayey ku tashatay .
Zahri-na waxay ku xidhay sharad ah in Xaflad weyn loo sameeyo , oo Huteel caan ahna loogu qabto Xafladda .
Arooskii baa dhacay , Najiib-na sidiisii ayuu isaga meeraystey oo Guriga marna wuu u soo hoydaa , marna sooma hoydo .
Maalintii danbe ayaa uu shil Gaadhi galay , wuu ku dhintay .
Hooyadii markii loo soo sheegay , naxdintii dhulka ayey ku dhacday , kadibna way indha beeshay . Dakhtaradii oo dhammi waxba way ka qaban kari waayeen ( kuwii Gudaha iyo kuwii dIbedda-ba) .
Zahri waxay umushay Wiil , loo bixiyey magacii awoowgii .( Caydiid)
Asxaabtii iyo shaqaalihii ku xeernaa islaanta oo dhammi , way iska kala yaaceen , waxaa isku soo hadhay Zahra iyo Wiilkeedii yaraa iyo islaantii oo indho la' .
Ninkii ay Habaryarta ay u ahayd ee sarkaal ahaa , isaguna wuu ka war hayaa oo wuu u yimaadda , kadib isaguna markii uu Xaaskiisii kala tageen ee uu furay . ilmihii yaraa ee Zahri dhashay ( Caydiid) , ayaa waxa uu jeclaaday Sarkaalkii islaantu Habaryarta u ahayd .
Maalintii danbe ayey islaantii , waxay ku tidhi inankii ay Habaryarta ay u ahayd : Habaryar waxaan kugula talinayaa , inaad Zahra guursato , waayo ? ilmaheeda yari aad buu kuu jecel yahay , aniguna cid kale oo aan Zahra ku aamini karaayo , ma hayo mana garanaayo .
Wuu ka aqbalay . islaantii maalintii danbe ayey waxay ugu yeedhay Zahra Hooyo , oo aanay weligeed ku odhan .
waxay ku tidhi : Hooyo isaamax , Zahri-na way ku oyday , inta ay isla wada ooyeen ayey isqabsadeen oo wada ooyeen .
Maalmo kadibna waxay u soo jeedisay in ay doonayso in ay Ninkan sarkaalka ah ee Habaryarta ay u tahay , ay rabto in uu guursado . Zahri way ogolaatay arintii islaantu u soo jeedisay , kabacdina nolol iyo farxad ayaa gurigii ku soo biirtay , shaqadii wuu iskaga tegey oo wuxuu u gacan banaanaaday in uu xoolihii islaanta ku shaqeeyo .
inantii Zahra ee la kufsaday , ee sharciga ku aargoosatay .waxaa ka danbeeyey Aargoosigii , in kuwii dhibaatada u geystey cagaheeda hoos yimaaddaan .
Markaa dulmigu waa wax aad iyo aad u xun .

CALI MAXAMED BIIXI ( CALIBIIXI)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
WAREYSIYO