Saturday February 16th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Muuse Biixi ma Ismaaciil-yare Ayuu Kaga Aargoosanayaa Xadhigga Abwaan Abees?

1
Thursday February 07, 2019 - 08:44:03 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi ma Ismaaciil-yare Ayuu Kaga Aargoosanayaa Xadhigga Abwaan Abees?

    Muuse Biixi ma Ismaaciil-yare Ayuu Kaga Aargoosanayaa Xadhigga Abwaan Abees?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi ma Ismaaciil-yare Ayuu Kaga Aargoosanayaa Xadhigga Abwaan Abees?

Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan (Cabdiraxmaan Abees) waxa adeer rumaad u ah Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-Yare) oo ay Muuse Biixi Cabdi si adag isu qabteen xilliyo badan. Waxa uu Muuse Biixi xadhigga abwaanka u adkaynayaa isaga oo raba in uu ka aargoosto Ismaaciil-Yare. Waana ciil-qabe xasuusan godobo badan oo hore.

 

Loollankii dhex maray Ismaaciil-yare iyo Muuse Biixi Cabdi waxa tusaale u ah:

1.Ismaaciil waxa uu wasiir ka noqday xukuumaddii Cigaal, kaddib markii Muuse Biixi bannaanka la dhigay

 

2.Wuxuu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumaddii Rayaale (2002-2006), waxyaabihii xilligan la isku qabtay waxa ka mid ahaa laba murashax oo KULMIYE iyo UDUB ah oo ay labadaas nin kala wateen.

 

3.Ismaaciil-yare waxa uu kala daadiyay koox rabtay in ay Madaxweyne Rayaale ku weeraraan qasriga, markii KULMIYE lagaga helay doorashada 80ka cod, sannadkii 2003da, waxaana Galbeedka Hargeysa ku ururiyay Muuse Biixi

 

4.Labada nin waxa ay ku loollameen doorashadii goleyaasha deegaanka ee 2012ka iyaga oo kala wata DALSAN iyo KULMIYE. Markii Ismaaciil-Yare ku biiray KULMIYE 2013ka, Muuse Biixi ayaa diiday in xilal iyo saami la siiyo xubnihii DALSAN. Waxaanu ahaa ninkii sababta u ahaa caydii Maxamed Kaahin ee ilma Cabdillaahi Fallaago, waxaana Maxamed Kaahin lala beegsan gaadhay dil.

 

Markii uu Maxamed Kaahin ka badbaaday dilka, waxa la xidhay Maxamed Cabdillaahi Fallaago (Maxamed-Buur) oo u geeriyooday xanuun uu xabsiga ka soo qaaday. Sidoo kalena waxa uu Muuse Biixi afxumo kula kufay Maxamed-buur oo uu ku sifeeyay ninkii basaasay Cabdillaahi Askar 1983kii. Cabdillaahi Askarna isaga oo nool ayuu sheegay in aan Maxamed-Buur basaasin.

 

Mar laba nin oo reer Samatar ah ay dileen ciidanka boolisku oo Ismaaciil-yare ahaa Wasiirka amniga (2004), waxa uu Muuse Biixi ugu hal-qabsaday Ismaaciil-Yare gabayga ah:

"Gudo baas nin laga keenay oo, garaca mooyaane

Ma gilgilo duqaytida ninkii, aw ka soo goaye”.

 

Wuxuu garac ku sheegay Ismaaciil, taasina nasabnimada ku jirto. Hadalkaas waxa ka xaqaanay Abees Aadan oo ahaa halgamaa ka tirsan SNM, waxa uu ku sigtay in uu rasaas la dhaco Muuse Biixi. Laakiin ergo ayaa dhex gashay.

 

Marka ay reer Samatar dhexdiisa noqoto, Ismaaciil-yare waxa uu ka soo jeedaa qoyska reer Haawadee oo ka tiro, faro iyo tayo badan qoyska Guuleed-Qadiye oo Muuse Biixi ka soo jeedo. Haddii aad la yaabban tihiin handaraabka uu Muuse dalka sudhay, waxa jufadooda la dhahaa reer Guuleed-Qadiye, taas oo muujinaysa in aan la martiyin, cidna aanay dabka u shidin. Maantana waa kaas Muuse dalkii oodda u rogay ee wada qufulay.

 

Halka Ismaaciil-yare awowgii laga odhan jiray Qaate, Muuse waa ina Biixi Cabdi-Dameer. Awowgii Cabdi ayaa caaqilnimo u doontay Ingiriiska, waxaana lagu yidhi "Gur dhagaxaantaas”. Ismuu odhan maxaa iskaga xidhan caaqilnimada iyo raridda dhagaxa. Lawdhyo badan ayuu guray. Kaddibna Ingiriiskii ayaa yidhi "He is donkey”. "Kani waa dameer”, waxa ay ku qiimeeyeen qof xammaal noqon kara, balse aan xil qaadi karin, naanaystaasina waa mid caan ah.

 

Waxa uu Muuse Biixi Cabdi illawsan yahay in uu Abwaan Cabdiraxmaan Abees ahaa raggii ka leexday adeerkood Ismaaciil-Yare ee soo saaray Muuse Biixi sannadkii 2017ka. Waxa kale oo aanu garan karin in uu abti u yahay Abwaan Cabdiraxmaan Abees, oo ay hooyadii ka soo jeeddo jufada Muuse Biixi Cabdi.



Si dhakhso ah ha loo sii daayo Abwaan Cabdiraxmaan Abees


Maxamed Jaamac

maxdjaamac@gmail.com


 

 
 
 
 

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
WAREYSIYO