Saturday February 16th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Hadraawi uma haboonayn booqashada Madaxweyne Muuse Biixi, mar hadii ay ka muuqato calaamadihii mabaadii'dii uu ka soo horjeedijiray wakhtiga dheer.

0
Saturday February 09, 2019 - 16:28:37 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadraawi uma haboonayn booqashada Madaxweyne Muuse Biixi, mar hadii ay ka muuqato calaamadihii mabaadii'dii uu ka soo horjeedijiray wakhtiga dheer.

    Hadraawi uma haboonayn booqashada Madaxweyne Muuse Biixi, mar hadii ay ka muuqato calaamadihii mabaadii'dii uu ka soo horjeedijiray wakhtiga dheer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadraawi uma haboonayn booqashada Madaxweyne Muuse Biixi, mar hadii ay ka muuqato calaamadihii mabaadii'dii uu ka soo horjeedijiray wakhtiga dheer.
Abwaan Hadraawi waa hal abuur iyo halgamaa geyiga Soomaalida meel aad u saraysa kaga jira, waa dhaqan yaqaa ilaahay hibo u siiyay xikmada hadalka iyo hawraarta oo hodon ku ah Af Soonaaliga. Hadraawi waa aqoonyahan fiilasuuf ah oo ay dadka Soomaalidu aad u dhegaystaan ugana haybadaystaan, kaas oo caan ku ahaa illaalinta edeebta iyo qiyamka bulshada, caadana ay tahay is dhuldhigu.

Wuxuu hadal iyo hawraarba ku muujiyay halgankankiisii dheeraa ee xoriyada hadalka iyo hal abuurkii uu qaybta weyn ka ahaa ee jahaynta himilada umada Soomaalida iyo sixitaanka hanaanka dawladnimada, isagoo mudo dheer ka soo horjeeday nidaamka keligii talisnimada oo ay madaxdii soo martay Soomaalida maryo dhiig leh ku soo kala furteen isagoo mudo 5 sanadood ka badana jeelka ugu jiray rayigiisa in lagu ciqaabo oo uu kala kulmay dhibaatooyin badan Madaxweynihii keli-taliska ahaa ee Janaral Maxamed Siyaad Barre.


Hadaba aniga oo xurmaynaya hadalka Maxamed Baashe X Xasan iyo inta la qabta in ay haboonayd in Madaxweyne Muuse Maamuus ahaan usoo booqdo, waxaan leeyahay : malaha Ilaah baa kala qariyay oo uma haboonayn Hadraawi booqashada Muuse Biixi isaga oo ay jeelasha ugu jiraan hal-abuur iyo abwaano aan waxba galabsan oo u ciqaaban ra’yigooda ama hogaamiye kasta oo kasoo horjeeda wixii uu aaminsanaa Hadraawi ee uu la gaboobay ee la gabaxyidhi.

Maxamed Baashe oo Hadraawi aniga iga badsaday, lasoo rafiiqay, dhaxalkii murtidiisana tacab badan geliyay wuu ogyahay damiirka wanaagsan ee Hadraawiye wuxuu uga jeedaa niyad samaan iyo in uu muujiyo in Muuse gabay haldoorkii umadan halbeega la maamuuso u ahaa. Dadka qaar aan ka mid ahayna waxay qabaan in booqasha Muuse Hadraawi hoos u dhigi lahayd

Ibraahin Cabdi Maxamed


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
WAREYSIYO