Saturday February 16th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Cali Xoor-xor, waxqabad Iyo waxyeelo Midkee lagu Xasuusta?. Qore. Cumar Axmed Faarax.

0
Sunday February 10, 2019 - 08:18:48 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 96
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Xoor-xor, waxqabad Iyo waxyeelo Midkee lagu Xasuusta?. Qore. Cumar Axmed Faarax.

    Cali Xoor-xor, waxqabad Iyo waxyeelo Midkee lagu Xasuusta?. Qore. Cumar Axmed Faarax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Xoor-xor, waxqabad Iyo waxyeelo Midkee lagu Xasuusta?. Qore. Cumar Axmed Faarax. Ex. Maareeye Cali Cumar Xoorxoor, waxa uu muddo ku siman 20 sanadood ahaa, Maareeyaha Dekeda Berbera, weligiina muu qaban, ama'se muu doonan Mansab aan ahayn ka Dekedda Berbera.
Cali Xoor-xoor, Waa Siyaasi xasarad-badan marka uu xilka hayo, sidoo kale Cali waa shaqsi aan jeclayn Muwaadin hana-qaada iyo masuul magaca ama horumar kusoo kordhiya qaranka Jamhuuriyada Somaliland, isagoo taas bedelkeedana caanku ah xaasidnimo waxa loo yaqaano fajida ama munaafaqada.
Cali Xoorxoor ha yaraato ama ha badnatee, Dekedda qaran ee u mudada 20-ka sanadood ah umadda uu masuulka uga ahaa kumuu soo kordhin waxba, xataa qalab muhiima Dekedda Malaayinka dollar uu ka maali-jiray dib waxba umuu gelin. Sidoo kale Cali waa shaqsi musuq-maasuq yahan ah, kaasoo Lacagta qaranka ku bixin jiray waxyaabo lidku ah diinteena Islaamka, oo ay Kamid tahay Basaasnimo uu diran jiray goobaha lagu kulmo iyo dhaqano kale.

Hadaba sideebuu u arkaa Cali Xoorxoor maalgelinta Dp World ku samaynayso Dekedda Berbera. Cali xoor-xoor waxa uu dagaal cad kula jiraa sidii u fashilin lahaa maalgelin lagu sameeyo Dekedda, waxanu ahaa Maareeyaha Dekedda markii Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo bilowday heshiiska Lagu maalgelinaayo Dekedda Berbera ee Dp World, waqtigaas waxa uu geed-dheer iyo mid gaabanbaa u fuulay inuu hor istaago, hase-yeeshee Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ahayd mid ay ka go'an tahay waxqabad iyo maalgelinta Dekedda ayuu ka liqi waayey, turun-turooyin badan iyo xiisado tiro beeley ayuu ka abuuray Magaalada Berbera, dhaqdhaqaaqyadaas oo aakhirkii abuuray in Madaxweyne Siilaanyo ka tuuro tareenka Xukuumadiisi.
Fule xantii ma mooggee markii oggaaday in lagu soo maqan yahay, ayuu qasnidii Dekedda Berbera wixii ku jirayba xaabsaday, isagoo horebana dhaqaalihii umadda ku tagri falay meelo kala duwanna dhigtay.
Waxa uu xilligaa Cali abaabuley qprshe uu damacsanaa inuu gobolka Saaxil inuu kaga riddo Dagaal si Dp World uga caraarto Dekedda, isla markaana sumcada amni ee Somaliland u noqoto mid faraha ka baxda.
Waxa isku dayey inuu qabto shir horumarka Dekedda lagu diidan yahay oo lagu shaambadeeyo Beesha Ciise Muse, kaasoo lagu magacaabi jiray Baxarasaaf, shirkaas waa lagu fahmay Cali Iyo colkiisi manuu qabsoomin, ee waa uu fashilmay.
Soomalidu waxay ku maahmaahdaa Bartii yaqaan Bari uma korodho, Cali waxa uu weli ku mashquulsan yahay dagaal uu kula jiro maalgelin Dekedda Berbera Lagu sameeyo, waxana shaqo u noqotay Ninkaa Odayga ah, inuu maalinta oday ama innama yaryar usoo waarido warar been abuur ah iyo dacaayado raqiis ah, sidoo kalena Cali Xoorxoor waxa uu xidhiidho la sameeyey cadowga Somaliland, ee kasoo horjeeda horumarka Dekedda Berbera.
La soco qaybaha dambe.
Qore.
Cumar Axmed Faarax.
omarahmedfarah287@gmail.com
Burco/Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
WAREYSIYO