Sunday June 16th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Goormuu Hotel Maansoor noqday Golihii Baarlamanka? By Amir Bidde

0
Sunday February 10, 2019 - 08:28:00 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goormuu Hotel Maansoor noqday Golihii Baarlamanka? By Amir Bidde

    Goormuu Hotel Maansoor noqday Golihii Baarlamanka? By Amir Bidde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goormuu Hotel Maansoor noqday Golihii Baarlamanka? By Amir Bidde
Wasiirka ugu tayada liita golaha xukuumadda Wasiir Sacad wuxuu dilay sumcaddii Qaranka. Miisinayadda dalka waxa lagaga doodaa golayaasha sharci dejinta ama baarlamaanka. Kuwaas oo dadku soo doorteen, run ahaana metelaya shicibka Somaliland oo dhan, mucaarid iyo muxaafidba. Iyagaa loo igmaday, loona dhaariyey arrimaha qaranka oo ay miisaaniyaddu ka mid tahay. Iyagaa ilaalinaya "sida caadiga ah" danaha iyo siraha qaranka.
Waxaa la yaab leh in wasiirka ku caan baxay kala hadalka iyo dood-raqiiska inuu miisinayaddii qaranka ee 2019 keenay Hotel Maansoor Hargaysa. Si halkaa uga doodaan dad aan loo igman ha noqdaan kuwaasi kuwo ka socda Xisbiyada qaar (sida xoghaya Waddani) ama kuwo aan xataa xisbi ka socon ee ku caan baxay social media (sida Ina Mooge). Xisbiyadu waxay leeyihiin xildhabaano loo doortay baarlamaanka, halkaasayna dooddooda ka dhiibtaan, fikradahooda iyo toosinta xukuumaddana ka soo jeediyaan, iyagoo xasaanada ay leeyihiin iyo xilka loo igmaday xeerinaya.
Waxa la yaableh in sacad doodda miisaaniyadda ee uu keenay Hotel Maansoor xataa u difaaci kari waayay. Goormuu Hoteelkani noqday gole Baarlamaan! Maxaa ku kallifay inuu sidan wasaaradda iyo Qaranka u bahdilo. Meeshan xataa maamulkeeda (sida doodu u socoto, inta waqti qofka la siinayo iwm) wasaaraadda ama wasiir Sacad waa laga faramaroojistay. Waxayna isku beddeshay gole cambaarayn iyo ceebaynta Somaliland. Ninkii wax toosi is yidhaa, oo si xaqiiqda ah uga hadal is yidhaa (sida Ninka isku magacaabay Obama!!) lama siinayn waqti. Sacadna sawirka noocaas ah qayb wayn ayuu ku lahaa, isagoo aad mooddo, siduu meesha u soo fadhiyo, tuug la soo qabtay. Tuhun kasta oo musuq isaga ayaa abuuray. Bal sideetankii milyan eeg! uu marna qiray, maalmo dabadeedna beeniyey. Dooddan oo la waydiiyey inta qaranka dayn lagu leeyahayna, wuxuu sheegay inuuna warba u hayn! oo ay ku qaadanayso dhowr bilood inuu soo ogaado. Waa wasiirkii Maaliyadda!!
Wuxuu beeniyey heshiisyadii dekedda iyo madaarka Berbera ee dawladdii hore soo bandhigtay ee wasiirkii hore marwo Samsam baarlamaanka Ka faahfaahisay berigii waxa dhaqaale sannad walba innaga soo geliya. Midda kale waddada Berbera - Wajaale sidii dawladdii hore sheegtay waxay ku jirtay heshiiskii dekedda, saldhigga hortiiba. Sacad wuxuu u muuqdaa nin aan mudnayn Wasiir Maaliyadeed. Mise wuu is nasakhayaa illeen waaba aqoon yahane? Muxuuse madaxwaynuhu halkan u dhigtay? ma jileeca awgeed baa? Oo hantida Ummaddaa laga fara-maroojisan karayaa? Bal adba!


Wa Billahi tawfiiq,

A. Amir Bidde


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Wershada Maaxda Oo Loo Aqoonsaday Wershada Ugu Waxsoosarka Wanaagsan Ee Dalka
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
WAREYSIYO