Saturday March 23rd, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

MAXAMED RASHID SHEEKH XASAN: GEERIYAAY XEJIYAAY FOGEEYAAY.

0
Thursday March 07, 2019 - 08:22:04 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAMED RASHID SHEEKH XASAN: GEERIYAAY XEJIYAAY FOGEEYAAY.

    MAXAMED RASHID SHEEKH XASAN: GEERIYAAY XEJIYAAY FOGEEYAAY.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAXAMED RASHID SHEEKH XASAN: GEERIYAAY XEJIYAAY FOGEEYAAY.
Waxaan alle ka baryayaa in uu u naxariisto oo jannadii fardawsa ka waraabiyo Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo jimcihii lagu aasay magalada hargeisa. iyadoo bulsho waynta somaliland yar iyo wayn. madax iyo shicib ba ay sidaas ugu duceeyeen.

Maxamed Rashiid Sheekh Xasan waxa uu lahaa sifooyin badan oon inta badan dadka ku kulmin ama ay adagtahay inuu qof kaliya wada yeesho,hadaba waxaan maqaalkan ku so qaadan doonaa qaar ka mida sifooyinkii ama tilmaamihii Maxamed lahaa.


Waxaan ka mid ahaa dadkii ku noolaa magaala madaxda soomaliya ee muqdisho 1989 bisii July oo uu ka dhacay xasuuq ba`an oo loo gaystay dad aan waxba galabsan oo loo aaneeyay inay ahaayeen dadku abtirsada SNM oo xilligaa halgan hubaysan kula jrtay taliskii Maxamed Siyaad Barre. halgan kaas oo akhirkii lagu guryo keenay madax banaanida somaliland 1991kii ilaa maantana ay ku naaloonayaan dadka reer Somaliland, inkastoo aan wali aqoonsi caalami ah lahayn hadana waa loo dhabar adygayaa ilaa inta laga gaadhayo.

Maxamed Rashiid Sheekh Xasan kolkii xasuuqaasi dhacay waxa uu ku sugnaa muqdisho isagoo ka tirsana BBC-da laanteeda afka soomaliga waanu ka warqabay wixii meesha ka dhacay kadib waxa uu ku laabtay London isagoo qaybta afka
ingiriisiga kaga waramay wixii dhacay iyo xasuuqii loo gaystay 40 ka qof een wax ay galabsadeen jirin. Aniguna waxaan kamid ahaa dadkii alle ka badbaadiyay xasuuqaa waxaanan ku noolaa xaafada madiina oo ahayd goobtii laga ururiyaya  dadka.

Arinkan maxamed siciid si aan gabasho lahayn ayuu uga war bixiyay. waxay ku qaadtay maalin dhan soo bandhigidii dhacdooyinkii Muqdisho ka dhacay isagoo kolba waraysi siinaya qaybaha kala duwan ee BBC da, isagoo marka uu studio ka
baxaba mid kale galayay. Maxamed warbixinta qoraal kuma sii diyaarsan intii uu joogay xamar ee maskaxdiisa ayuu ku sii kaydiyay wixii xog ahaa isagoo ka baqay in ay sirdoonkii Siyaad Barre baadhis ku sameeyaan intaanu ka duulin madaarka muqdisho.

Markii uu London gaadhayna si aan waabasho ku jirin ayuu u faafiyay aan idhaahdo waxa uu u hiiliyay islaamnimada iyo dadnimada ba, isagoon eegayn
aragti siyaasadeed iyo mid hayb ama qabiil toona taasi waxay ku tusinaysa aragti fogaanta Maxamed lahaa oo laga hei karo uun inyar oo dadka ka mida.

Sifaha labaad ee aan ku jeclaa waxa ay ahayd inuu si dhab ah oo aan isyeelyeel ku jirin u aaminsanaa Somaliland goor kasta iyo goor kastaba, si buuxda oo aan dhuuni ku raadsi ahayn isagoo aaminsanaa inay tani tahay ciidiisii hooyo. Waxaan afar wiig dhamayn ka hor ayuu tafatiraha wargayska Geeska Afrika Mr Ranbo ugu tagay xafiiska wargayska oo uu u sheegay inuu ka qoro hambalyo uu u dirayo ciidanka qaranka Somaliland isagoo xitaa ay ka muuqatay tawsta xanuunkii uu u dhintay. Waa kuma qofka taa fali karaa? waxaan odhan karna ilaa maalmihii ugu danbaysay ee noloshiisa ayuu dal jacaylku gilgilayay waana sifo dhif iyo naadir ku
ah dadka.

Sifada saddexaad ee uu lahaa waxay tahay muu ahayn qof xaqiiri ah ama xaasida oo dadku isku mid ayay u ahaayeen tusaale ahaan waxa jirta hawl aanu
baryahanba ku hawlanayn oo ahayd in la ururiyo oo buug laga qoro tariikhdii suxufigii caanka ahaa ee Mustafe Xaaji Nuur oo ay soo wada shaqeeyeen
maxamed, wax ka yar sadex wiig ka hor ayuu na siiyay waraysi ku sahaban Mustafe iyo inta uu ka yaqaanay. isagoo xanuunsanaya ayuu hadana maansoor nagula balamay oo noola shaqeeyay si hagar la`an ah. Ma filayo in laga soo dhex helayo bulshada nin sidii soo kale labadaa hawlood iska xil saari lahaa isagoo buka

oo ayna waliba wax aduun ahi kasoo galayn sabata kaliya ee u sameeyay waxay ahayd dal iyo dad jacayl.

waxa kale oon qirayaa inu ahaa nin aaragti fog oo ka madax banaan qabiil jeclaysi, qof jeclaysi iyo koox jeclaysi ba. godka lagu jane waxa kale oo uu aad ugu adkaa oofinta balamaha uu galo. runta ayuu u sheegi jiray si biyo ka dhibcaan ah goorta iyo goobta uu kugu la balamayna uu taagnaan jiray.
waxaan ku soo afmeerayaa maqaalkan kooban maansadii uu gaariye tiriyey ka dib geeridii Timacadde ee ahyd geeriyeey xijiyaay fogeeyaay, anigoo saddexdooba alle u ga baryaya danbi dhaaf iyo inuu ku casuumo janooyinkiisa sare.

ALLAA MAHAD LEH.

Qore: Cabdi Muxumed
cabdimuhumed60@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
WAREYSIYO