Saturday March 23rd, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

SIYAASADDA IYO AKHLAAQDA

0
Monday March 11, 2019 - 16:57:26 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    SIYAASADDA IYO AKHLAAQDA

    SIYAASADDA IYO AKHLAAQDA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SIYAASADDA IYO AKHLAAQDA Siyaasadda iyo akhlaaqda siyaasiga maanta joogaa laba isleh maaha .
Hadaba siyaasaddu akhlaaq ma leedahey ? tanu waa su ' aal da ' wayn oo taariikhiya oo culimadu iyo aqoon yahaniinta siyaasaddu wax badan iswaydiiyeen , wax badana baadheen wax badana ka yidhaahdeen (kana qoreen) , bal hadaba inyar oo kooban aynu ka soo qaadano .
1- Siyaasaddu waa shaqo uu hogaaminayo xaakim (madaxweyne) oo uu shacabkiisa ku maamulaayo , waa nidaam siyaasiya oo uu ku siyaasadeynaayo (ugu shaqaynaayo) bulshoweynta .
waxaanay u baahan tahay XIKMAD +(garaad badan )+(indheer garadnimo)+(aqoon)+(faham aad bulshadaada fahanto)+(debecsanaan)+( hanjabaad)+(soo jiidasho) ,
arimahanu waa qaar ku keeni kara siyaasiga in uu ka durko (fogaado) aasaaska akhlaaqda iyo toosnaantii qofnimo , WAAYO ? wax badan oo iska soo horjeeda ayay tahay in uu isku wado . laak iin(haddii caddaaladi jirto oo sharciga loo siman yahay waxanu ma dhacaan ) .
2- Aqoonyahankii (ARISTO) waxa laga soo wariyey , markuu siyaasadda qayaxaayey : SIYAASADDU WAA CILMIGA MADAXDA (madaxweynaha ) ama (hogaamiyaha ) , shaqadaasuna waxay u baahan tahay AWOODO badan oo kala duwan , oo ay ku lammaan tahay XEELADO iyo TABO fara badan , oo isugu jira qaar ka hor imanaya (khilaafaaya) AKHLAAQDA GUUD . (hadda maaha xaakimka islaamiga ah ee akhraaq diisu iyo dhaqankiisuba diinta ka soo jeedaan ) .
3- Waxa jira xidhiidho iyo heshiisyo la yaqaano oo cad oo u dhexeeya XAAKIMKA (madaxweynaha) ama (hogaamiyaha) iyo LA XUKUMAHA (bulshada ama shacabka) .
kuwaas oo DISTOORKA ku qoran , qodobadiisuna qaanuun la yaqaano yihiin .(adigu muwaadinaw ma kala taqaanaa waxa aad xaq u leedahay ? ) iyo (waxa xaq la guugu leeyahay ?) .siyaasiyiintuna way kala yaqaanaan (qaarkood) , laakiin muwaadiniintu (bulshadu) ma kala taqaano , sidaa awgeed ayuu xaakimku ka faa iidaystaa (jahliga bulshada) .
Hadaba xaakimku(madaxweynuha ama hogaamiyaha) xariifka ahi , waxa uu yahay ka AQOON iyo GARAAD DHEER bulshada inteeda kale , oo qaanuun (qodob) cad oo qoran oo lagaranayo khilaaf ka horkeena ama qodob kale , isaga oo qaanuun ama qodob kale u adeegsanaya .
Waxa weeye xaakim (madaxweyne ama hogaamiye) kastaa , wuxuu geysan karaa sababina karaa , inay dhibaato siyaasadeed (musiibo siyaasadeed ) dhacdo , isaga oo deba martaynta qaanuunka adeeg sanaaya iyo distuurka aan dhamays tirnayn , ee leh dal daloolada aan caddayn ee kala dhiman , oo aan si buuxda loo lafa gurin .(ee meelo badan ka qabyada ah ) , qodobadiisuna (qaar ka mid ahi) ay aad iyo aad isaga hor imanayaan .
Matalan :qodob kastaaba qodob kale ayuu ku lamaan yahay , isaga oo ujeedadiisu aanay qayaxnayn .
Waxa taariikhda bulshada aduunka lagu hayaa , dad badan oo diiday inay siyaasadda ku biiraan (ka qayb qaataan) , iyaga oo u ilaashanaaya magacooda +sumcadooda +sharaftooda , inuu kaga dhex wisikhoobo siyaasadda , mana rabaan in naftoodu ku dhex milanto siyaasadda , aan nadiifta ahayn (waa ta iminka taagan) .
Qaar kale oo badanina way ka qayb qaateen siyaasadda iyo xukun kaba , dhibaatooyin badan oo ay ka shanleeyeena (ciil kaanbiyeen) way ka soo gaadhay .
Laakiin yar baa noqota siyaasi AKHLAAQ leh , in kasta oo ay adag tahay iminka , waayo? siyaasadddiibaa noqotay kayn ay bahalo dad cuni (mutawaxishiin ahi) ka buuxaan , oo u diyaara inay ku legdaan kuna cunaan .
sidaa awgeed , waa inaad diyaar u tahay , inaan lagu legdin , laguna cunin , adiga oo aan insaaniyadaadii (dad nimadaadii) ka tegin weliba , oo aan sidooda oo kale noqon (wuxuush) dad cuna ama dhiigyo cab ah .
Waxa taariikhda siyaasadda soo maray , siyaasiyiin lagu sheego inay ahaayeen , siyaasiyiin waawayn , laakiin ficillo sheydaan lahaa sida ( roosvelt -churchill ) waxaanay odhan jireen :siyaasaddu waxa weeye ,inaad sheydaan ka la xulufawdo (midawdo) ama laabta gashato (ama u gasho) , mar haddii aad faa iido dalkaaga uga keenayso ama adigaba kuu keenayso .
Waxa kale oo churchill laga soo weriyey , inuu ka tuman jirey kuna qosli jirey , dadka akhlaaq wanaaga siyaasadeed ka hadla ee isku xidha , siyaasadda wanaagsan ee akhlaaqda wanaagsan xanbaarsan (huwan) , waxa jirtey inuu churchill INDIA booqasho ku tegey , markaasuu soo booqday xabaalihii uu Gandi ku aasnaa ,waxaana qabriga dushiisa ku qornaa ereyadan :halkan waxa ku aasan nin shariif ahaa (nabiil -nadiif) ahaa , oo siyaasi weyn ahaa .
markaasuu churchill isaga oo kaftamaaya ,ayaa waxa uu yidhi :( waa layaab (waa cajiib) sidee laba nin loogu wada aasay xabaal (qabri) qudha .
Ujeedadiisuna waxay ahayd ( nin shariif (nabiil-nadiif) ahi iyo nin siyaasiyi ahi qof qudha qalbigiisa kuma wada kulmaan (ama ma wada qaado) ,macnuhu waxa weeye ( ma jiro siyaasi nadiif ahi ) , waa aragtidiisa .
Laakiin waxa weeye siyaasiga wanaagsani (fiicani) waa kii ummadiisa u adeega ee u noqda daacad , una noqda ummadiisa adoon u shaqeeya , horumar iyo caddalad iyo wanaagna gaadh siiya .
Ifkana ceeb ka carar (ka fogow) , aakhirona cadaab .
Illahay hogaamiya yaasha iyo siyaasiyiinta ha inoo hagaajiyo . AAAAAAMMMIIINNN
ma kuwa iminka jooga , mise kuwa danbe ?
kuwa iminka joogaa , waa laga quustaye , bal kuwa danbe aynu eegno .
CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
WAREYSIYO