Saturday March 23rd, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

MUSUQMAASUQUMA DHAQANKEENI AYUU KA MID NOQDAY ?

0
Monday March 11, 2019 - 16:59:22 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUSUQMAASUQUMA DHAQANKEENI AYUU KA MID NOQDAY ?

    MUSUQMAASUQUMA DHAQANKEENI AYUU KA MID NOQDAY ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUSUQMAASUQUMA DHAQANKEENI AYUU KA MID NOQDAY ? MUSUQMAASUQU MA DHAQANKEENII AYUU KA MID NOQDAY ?
Ururka la gaalanka musuqmaasuqa aduunka ayaa soo saaray warbixin tiisii sanadkii ina soo dhaafey 2012 kii , waxa kaalinta koobaad qaatey dalka SOMALIyADA koonfureed oo noqday dalka aduunka ugu musuqmaasuqa badan , 193 dawladood oo UN ku jira ayuu number wanka qaatay . Kaalinta labaad waxa galey dalka RUSSIA oo noqday dalka ugu laaluushka badan .
Dalalka ugu musuqmaasuqa yarna , waxaa ka mid ahaa SHIINAHA , S.KOREA iyo dalalka finaland- sweden -norway .
Dalka SOMALILAND waa ka waayay liiska , oo waxan u malaynayaa inay laaluusheen ururkii qoraalkan soo saaray oo ay ku yidhaahdeen anagu ICTIRAAF dawliya ma haysannee ha nagu darin .
Waxa cad in dalalka aanu musuqmaasuqu iyo laaluushku ay ku yar yihiin dalalka horumarka dhaqaale ka jiro . halka ku laaluushku iyo musuqmaasuqu ku badan yahay uu horumarku iyo dhaqaale xumadu ay ku habsatay .
Hadaba musuqmaasuqu iyo laaluushku ma iyagaa dibudhaca iyo faqriga keena ? mise dibudhaca iyo fakhrigaa musuqmaasuqa keena ?
Jawaabtu way noo wada caddahay : oo haddaynu dib u jaleecno somaliyada koonfureed , waxa ka jiray weligeedba musuqmaasuq - laaluush - akhlaaq xumo fara badan oo ay weliba ku soo barbaareen ,oo gumaystihii talyaaniga ay ka dhaxleen .
Sidaa awgeed musuqmaasuqu - laaluushku- dhacu - boobku iyo tuugadu ba , waxay u noqotay dhaqan , waanay sharciyaysteen .
Waxaanay noqdeen dhaqan lawada ogol yahay , oo raalli laga wada yahay , sida baayac mushtariga oo kale - ganacsiga - beeraha .
Bal waxaad iswaydiisaa imisaa qof mas uul ah oo aad garanayso lagu helay denbi uu galay , (musuqmaasuq ama tuugo hanti qaran ama laaluush lagu qabtay ) oo shaqadiisii lagaga eryay , oo weliba la xukumay , kabacdina laxidhay , Halkii ay ahayd in lagooyo oo lakarantiimeeyo ayaa waxa dhici jirtay , in la arki jiray dad badan oo u xaglinaaya in lasoo daayo , oo weliba meeshii uu denbiga ka galay lagu celiyo amaba la dalacsiiyoba .
Imisaynu aragnay arimahaas oo kale oo dhacay , bulsho badanina arintaa ceeb ba umay arki jirin , la manay yaabi jirin
IMINKANA ARIMAHAAS IYO QAAR KALE OO KA DARAN AYAA SOMALILAND KA DHACA . DHAQAN XUMADAAS OO AYNU SOO XANBAARANAY .
Waxaad arkaysaa wiil gabadh soo doonay oo la odhanaayo mushahaaradiisu waa 200 oo dollar , laakiin waxa soo gala 2000 oo dollar , oo waa wiil xariifa .
Waxaynu si toos ah u qiranaynaa oo u aqbalnay oo u sharciyaysanay ,in uu musuqmaasuqu iyo laaluushku dhaqankeena ka mid noqday .
Waxaynu iminka caadaysanay oo aan lala yaabin qofka ku kaca musuqmaasuqa iyo laaluushka , waana arin nasiib darro ah inaynu xaaraantii xalaalay sano .
Waa ayaan darro , ee aynu dib isu xisaabinno intaan layna xisaabin , oo aynu xaaraanta layaabno iyo ciddii ku kacdaba oo aynu karantiimayno ciddii lagu helo ama lagu maqloba akhlaad xumadaa , oo aynu iska dhexsaarno ciddii dhaqankaa lagu arko ama lagu qabto .
Oo aynu meel uga soo wada jeesanno ciddii dhan xumadaa la timaada .
CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
WAREYSIYO