Saturday March 23rd, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Daaruurha Is-fahan Siyaasadeed Ee Geeska Afrika

0
Tuesday March 12, 2019 - 20:45:58 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daaruurha Is-fahan Siyaasadeed Ee Geeska Afrika

    Daaruurha Is-fahan Siyaasadeed Ee Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daaruurha Is-fahan Siyaasadeed Ee Geeska Afrika
Waa hubaniti la’aan in aynu il-gaara ku eegayno daruuraha is-fahan siyaasadeed
ee waddamada Geeska Afrika, oo isbedel iyo is-fahan kasta oo dhacaa raad
innagu yeelanayo ka bulsho ahaan. Si kooban haddaan u iftiimiyo ujeedada
qormada cinwaankeedu kor ku xusan yahay; waa mid aan doonayo inaan ogaalka
bulshada kor ugu qaado. Maqaalkan waxa aan idinku la wadaagi doonaa aragti
caam ahaan loo fahansanaan karo oo aan ka soo dheeganayno isbedelada
siyaasadeed ee geeska afrika ka cartamaya xilligan, mareegaha falanqeeya
arrimaha mandaqada khaas ahaan iyo falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda.
Waxa aan akhristaha ugu afeef dhiganayaa inaan qormadan ku hadlayo aragti iyo
dareen ku salaysan afkaarta bulshada ee guud, aanse abla-ablaynyo inta aad
taqaanaan iyo in ka badanba.
Maqaalka waxa aynu u kala qaadi doonaa afar laamood, laanta koowaad guud
mar halka uu isbedelka GA ka soo hayaan bilaabay wakhti xaadirkan,
Faa’idooyinka Laga Heli Karo Isdhexgalka waddamada GA, Bilowga Gurashada
Midhaha Isbedelka Geeska Afrika, iyo Dhibaatooyinka ka dhalan kara isdhexgalka
waddamada geeska.


Hordhac
Qoraalkan gorfeynta geediga isbdel iyo isfahan siyaasadeed ee mandaqada
geeska, waxa aan ku falanqeyn doonaa isbdelka cusub ee cariga ka dilaacay iyo
nusqaanta uu ku keenayo jawiga cusubi miisaankii iyo mabaa’diidii uu ku socday
gobolku. Bogcadda Geeska isbedel hor leh ayaa ka unkamay. Isbedel si wacan la
isku la kaashanayo oo ummado isku dan ahi gacan bidixaynayaan ayaa si ka’ma ah
iyo si badheedh ahba uga aloosan.
Fooraha dabaysha ee ka socota geesku waa mid faa’idadeeda iyo halisteeda leh,
waxaase ay ku xidhan tahay sida ay u wajahaan hoggaamiyayaasha Geesku.
Mandaqadda aynnu ku naal iyo dunida inta ku foogan ee danta xidhiidhka dhul
jiheega ah (Geography tie up) ku wada dabran hal war ayaa dhexyaal manta.

Waagii hore waxaa manqadadda iyo bogcad weynta Bariga iyo Geeska Afrika ee
aynnu ku naal dalalkeeda tunka roon sida; Kenya, Ethiopia, Eritrea, Djibouti iyo
Sudan la gala hadli jiray colaad joojin daakhili ah, kaalmo siin dawaro ah iyo
xaquuq helid isiri ah. Maanta Saddexdaa shay midna manqadadda la galama
hadlo waayo?

Halka Uu K Soo Hayaamay Isbedelka Geeska Afrika.

Geeska afrika waxaa ka dhisan dowlado maamul ahaan taag daran, dhaqaale
ahaan iyo awood ahaana liita. Waxaa saameyn ku leh Muran-xuduudeedka
(Border dispute), argagixisda (Terrorism), musuqmaasuqa (corruption),
isirka(Race), tahriibta (Migration), iyo dirqinta Aadamaha (Human trafficking).
Muskiladaha gudaha, xuduudaha iyo hanaanka maamul xumo ee muddo soo
taxnaa ayaa si u saameeyey dhinacyada siyaasadda (political), dhaqaalaha
(economic), deganaanta bulshada (social satability). Xaallada ugu weyn ee ay la
deriska yihiin ayaa ah degganaansho la’aan gudaha ah (internal instability) iyo
taag darri dowladnimo oo aanay iska cabin karin saamaynta dibadda mid
siyaasadeed iyo dhaqaale ba.
Waxaa xiiso mudan in Geeska Afrika uu dunida u yahay deggel siyaasadeed
(Geopolitics) iyo deggel ahmiyadeed (Goestratigic). Xaddi weyn ayaa ku kala
goosha biyaha badda ee gobolka. Muhiimada istraatijiyadeed ee gobolku ma aha
mid manta iyo shalay dhalatay, ee waxa ay soo jirtay qarniyadii hore waxa uuna
ahaa Geesku meel ay isha kuwada hayaan awoodaha waaweyn iyo
boqortooyooyinkii maamulayey muddo dhul ka mid ah geeska mudo dheer,
sababtuna waa in GA kulaalayo marinada waaweyn ee ganacsiga adduunka Badda
iyo Berriga labadaba, laga soo bilaabo qarnigii 15 aad ilaa manta waxaa kor u
kacayay tartanka iyo xusulduubka reer galbeedka iyo reer Barigu ay ugu jiraan si
ay awood fulineed ugu yeeshaan gobolka, tartankaas ayaa mararka qaar isu
rogayey Hardan iyo Dagaal ujeedkiisu yahay cidda gacanta ku haysa marinada
ganacsiga adduunka ee GA ay go’aaminneyso horumarka iyo koboca dhaqaalaha
adduunka!

Daruuraha isbedel siyaasadeed ee Geeska Afrika ayaa loo arkaa inay tahay
dhacdada taariikheed ee ugu cajabsan qarnigan 21 aad ilaa wakhtigan.
Mandaqada Geeska Africa waxaa lagu tiriyaa meelaha siyaasad ahaan iyo amni
ahaan aan sal degan lahayn. deganaasho la’aanta siyaasadeed waxa ay u
horseeday guud ahaan Gobolka dib-u-dhac dhan kasta ah marka loo eego inta
kale ee Qaaradda Afrika. Juquraafi ahaan Geeska Afrika waxaa leysku yidhaa
waddamada, Somalia, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Sudan, Uganda iyo
Koonfurta Suudan.
Dalalka bariga afrika, waxaa saamayn nololeed iyo mid nabadgelyo ku yeelatay
colaadaha degmada ka socday dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Deganaansho la’aantu waxa ay horseeday inay dagaalo caynba-cayn ah ka
dhacaan inta badan dalalka ku teedsan geeska afrika, iyadoo colaadaha ugu
saamaynta badnaa kala ahaayeen dagaalkii lagu hoobtay ee Itoobiya iyo Eriterya
dhex maray sannadihii 1998kii ilaa 2000, dagaalka kooxaha ku hardamaya dalka
cusub ee Koonfurta Sudan(Slvakir iyo Kharsmol), rabshadihii doorashada Kiiniya
ee sanadkii 2007-dii iyo colaadaha aan dhamaadka lahayn ee weli ka socda
gudaha Somalia. Inkastoo dagaalkii Itoobiya iyo Eratariya uu dhamaaday muddo
haatan laga joogo 19-sano, haddana ma jirin heshiis siyaasadeed oo ay madaxda
dalalkaasi ka gaadheen xilli colaadeedkii ay dadyowga labada dhinac ku riiqmeen.
khilaafaadka siyaasadeed, iyo xasilooni daradda amini wallow ay xadideen la
macaamilka gobolka, haddana dunidu iskama indho-tirin muhiimada
juquraafiyadeed ee mandiqada uu u leeyahay marinka ganacsi iyo isku-socodka
caalamka.

Xiisadaha siyaasadeed, nabadgelyo darrada, iyo xasilooni la’aanta dhaqaale iyo
diblomaasiyadeed ee uu gobolka geeska afrika lahaystaha u yahay, waxa ay buro
ku noqdeen sawirkiisa siyaasadeed iyo muuqaalkiisa guud, waxa aanay abuureen
isbedello iyo isdiidooyin sida fooraha jihooyin kala duwan ka imanaya. Taas oo ay
mararka qaarkood ay adagtahayba in aynu si run ah u odorosi karno
suurtagalnimada in gobolku uu ka bogsato boogaha mililka yeeshay ee abid
hagardaamada siyaasadeed iyo xitaa is-raacsanaantiisa dhuleed.

Fooraha iyo duufaanada siyaasadeed ee gobolkani ayaa ah kuwo ku socda
xawaare sare, isbedeladii ugu faca waaweynaa abid ayaa waddamada geeska ka
dhacaya. Isbedelka siyaasadeed ee ka dhacay Itoobiya ayaa sababay in wadamo
badan oo sanado badan colaadi dhextaalay in ay kulamo foolka fool ah (face to
face conference) wada yeeshaan, tusaale ahaan Itoobiya Vs Eratriya. Kulamada
ayaa lagu gorfeeyay sidii dhidibada loogu taagi lahaa , isdhexgel dhaqaale,
ganacsi, is-fahan diblomaasiyadeed, iskaashi iyo iskaashi goboleed cusub, kaasi
oo isku soo dhaweeya waddamo hore ugu kala fogaaday siyaasad xumo uu
sababay dagaalo sokeeyo, boob dhuleed iyo is-afgaran’waa siyaasadood oo soo
kala dhex galay waddamada.
Kadib sanado badan oo kala qaybsanaan iyo khilaaf ah geeska afrika waxa uu
gelayaa marxalad cusub (new situation) oo saameysay sidii ay u yaalleen
isbaheysiyada gobolku. Marxaladda isbedelkan oo u muuqda mid wax ku ool u ah
geeska ayaa weji cusub (new face) u yeelay xidhiidhka caalamiga ah ee geeska
afrika (international relation in Horn Africa), iyada oo sida muuqata ay taasi u
wanaagsan tahay dhaqaalaha, siyaasadda, aminga, xasiloonida iyo isbhayesiga
waddamada qaarkood.

Dabaylaha siyaasadeed ee Bariga dhexe, gaar ahaan kuwa dhex yaalla dowladaha
Khaliijka, ayaa ku soo butaacay Geeska Afrika. Markii dhinacyo badan laga eegana
waxaaba la odhan karaa, gobolka Geesku waxa uu noqday goob ay ku tar-tamaan
waddamada Gacanka Cadmeed. Imaaraadka ayaadna moodaa inay tahay midda
ugu dhaq-dhaqaaqa badan, iyada oo ku guulaysatey in ay xarumo ciidamo ka
samysato Yemen, Eritriya, iyo Somaliya. Imaaraadku waxaa kale oo uu xidhiidh la
samaytay Somaliland ( gobol doonaya inuu Somaliya ka go’. (Heritage, 2018)
Wax qarsoon ma’aha danaha ay dowlado iyo shirkado shisheeye oo badan ka
leeyihiin geeska, ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo dhan siyaasadeedba.
Geeska Afrika waa bogcad hodan ah, leh ilo waxsoosaar oo dihan ama si buuxda
aan looga faa’idaysan, kuna yaal meel aad muhiim u ah isku-socodka badeecadda
adduunka.

Abiy Ahmed oo la aaminsan yahay inuu dhabartaabasho ka haysto dawladda
Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka., ayaa isbedello ilaa gunta ah ku
samaynaya dabeecadii siyaasadeed iyo nidaamkii hore ee dalkiisa iyo
diblomaasiyadda degmada Geeska Afrika. Abiy Axmed, oo ah nin dhalinyar oo ka
soo jeeda qowmiyadda Oromo. Waa nin u ooman inuu taariikh sameeyo, si kale
waa Raysal Wasaare inuu wax ka beddelo taariikhda siyaasiga Itoobiya iyo
mandaqada raba, sida hab hogaamintiisa laga dheehan karo. Isbedelada la yaabka
leh ee uu sameeyay waxaa ka mida soo af-jaridii colaadii guunka ahayd iyo dib u
soo celintii xidhiidhka diblomaasi ee labada dale e Eritrea iyo Ethiopia. Waxaa
xiiso gaar ah leh, in uu maalmo yar gudahood u bedelay colaadii, saaxiibtinimo ku
sii siqaysa iskaashi istraatijiyadeed. Isagoo durbadiiba bilaabay dadaalo uu
doonayo in Eratriya cunaqatayntii qaramada midoobay saartay laga qaado, mudo
yar gudahood waa ku guulaystay. Abiy Axmed oo ka soo shaqeeyay laanta
sirdoonka, weli saldhig xoogan iyo iskuduubni gudaha ah kama uusan helin,
siyaasada guunka ah ee isirku gacansareeyo.
RW Abiy, Afrika cashar cusub ayuu baray, waxa uu la yimi siyaasad u eg in
Maraykan gadhwadeen ka yahay oo ah wixii horeba quba. Si siyaasadda tan
cusubi u fusho waxa uu isku dayayaa in uu wax walba dhanka kale ka rogo oo uu
quluubaa-geddiyo. Wax wal oo state ku lahaa waxa uu yidhi suuqa ayaa la
yeelanaya (Public Private Partantership). Waxa kale oo uu sameeyay oo uu yidhi
Jbahadaha ONLF, OLF, Ginbot 7 iyo mucaarid oo dhan waa lala heshiinayaa. Abiy
intaas ba isaga oo sameeyey haddana manta Itoobiya maalin ay ka kala qaybsan
tahay ma ay soomarin, maalin ay ka dhaqaale hoosaysaa ma soomarin, maalin ay
ka khilaaf badan tahayna ma soomarin. Sababtuna waa in uu gudihii daayacay oo
uu culayska saaray arrimo khaaraji ah.
Waxa uu si toos ah uga guuray siyaasaddii Melez Zenawe ee loo yaqaaney
"Developmental State” oo ahayd siyaasad urursan, af-xidhan oo horumar raadis
ah. Siyaasadda tani waxa ay dabada ku haysay Fekerka Shiinaha; waana aragti ka
duusha wax wada qabsi dhqaale oo bilaa faro-gelin ah. Abiy Axmed waxaa uu u
guuray aragti cusub ee loo yaqaan "BIG Push” oo ah mid reer galbeed madax u
yahay.

Talisyadii kala dambeeyay ee Itoobiya, weligoodba waa ay dareensanaayeen
muhiimadda ay dekeduhu u leeyihiin, laakiin Abiy Axmed, waxa uu dekedahaas
raadintooda u marayaa xeelad ka duwan tii uu dalkiisu hore ugu mari jiray; waxa
uu markan rabaa in uu iskaashi iyo danwagaad la yeesho dalalka gobola ee
dekedaha leh, waxa uu gudhiiba socdaaladiisii dalalka deriska ah heshiisyo ula
galay Jabuuti, Somaliya, Kenya iyo Sudan, dhawaana waxaa ku soo biirey heshiiska
Eritariya.
4 march, 2019 RW Abiy Axmed iyo MW Uhuru Kenyata ayaa si wadajir ah
booqasho aan la sii shaacnin ku tagey Dalka Eritrea, waxaa Gagada Diyaaradaha
Asmara ku soo dhaweeyay Mw Isyaas Afwarqi. Booqoshada Abiy iyo Uhuru
Kenyata ku tageen Eritrea ayaa qeyb ka ah isbdelada Geeska Afrika iyo dadaalada
loogu jiro iskaashiga dalalka bariga afrika ee dhanka; aminga, ganacsiga,
dhaqaalaha iyo adeega aasaasiga ah ee isku xidhka saddex dal (infrastructure and
regional integration).

Faa’idooyinka Laga Heli Karo Isdhexgalka Waddamada Geeska Afrika
1. Horumar dhaqaale, ganaacsi iyo id bulsheed
2. Waxa uu fudaydin doonaa isku socodka dadka iyo alaabaha.
3. Wuxuu geeska ku soo dabaali karaa xasilooni siyaasadeed iyo mid
nabadgalyo.
4. Waxa uu sahli doonaa ladagaalanka kooxaha xagjirka ah, budhcad
badeed iyo ururada lidiga ku ah jiritaanka mandaqada.
5. Waxa uu abuuri doonaa isbahaysi dhaqaale (economic alliance), ciidan
(army allaince), siyaasi (Political allaince) iyo Mid diblomaasiyadeed.

Bilowga Gurashada Midhaha Isbedelka Geeska Afrika.

a) Durba khilaafkii diblomaasiyadeed ee Kinya iyo Somalia waxa lagu xaliyay
hanaan diblomaasiyadeed.
b) Isku socodka dhulka ee Itoobiya iyo Somaliland oo caadi si turxaan la’aana u
bilowday kadib dhicistii Cabdi Ilay Madwaxwaynihii DDSI.

c) Diyaarada Duulimaadada ee Ethiopia Arilines ayaa duulimaad toos ah ka
bilowday Muqdisho iyo Asmara.
d) Dekadii Asmara ee hore uga caaganayd Itoobiya ayaa hadda dib loo
bilaabay in shixmadaha Dalka itoobiya laga soo dajiyo.

Dhibaatooyinka ka dhalan kara isdhexgalka waddamada geeska
Geeska afrika waxaa dagan qoomiyado kala duwan dad ahaan iyo diin ahaan taas
oo isdhex galkoodu ay ka dhalan karto dhibaatooyin badani oo ay ka mid yihiin:
1. Bilowga dagaal qoomiyadeed iyo mid diimeed.
2. Isku dhac cusub oo dhex mara waddamada geeska
3. Isku dheelitirnaan la’aan ganacsi

Jabuuti
Jabuuti sanadihii la soo dhaafay waxay hormuud u ahayd, xasiloonida siyaasadda
gobolka, kaabayaasha horumarsan iyo jawi ku haboon maalgashiga. Jamuuriyadda
Jabuuti waxa ay martigelisaa awooddo tartamaya ciidamadooda sida Maraykanka,
Shiinaha, Faransiiska, Jaban, Jarmalka, Talyaaniga iyo Sucuudiga.
Dalka Jabuuti oo u muuqday mid qool dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku jirra
labadii sano ee la soo dhaafay, waxa uu si weyn ugu dedaalayaa in uu iska
furdaamiyo. Jabuuti waxa ay ka mid tahay taariikhiyan dalalka ugu
diblomaasiyadda xasilan qaaradda Afrika. Waa dal aan lahayn khayraad dabiici
ah, yar oo ku fadhiya dhul baaxadiisu cidhiidhi tahay oo qiyaas ahaan dhan 23,200
km square, dadkiisu waxa ay tiro ahaan dhan yihiin 905,000.
Inkasta oo uu yahay dal aad u faqiir ah oo ku nool dayn iyo dawaro sida dalalka
Afrika ay u badan yihiin, haddana Jabuuti waxa ay ku taal bogcad fiican "Strategic
Location”. Waana taa midda sahashay in ay door ku yeelato wax wal oo afrika ka
dhacaya, isla markaana ay soo jiidato xoogaga adduunka ku hirdamaya si ay uga
baayac-mushtarayso. Jabuuti waxa lagu naanaysaa Albaabka Qaaradda Afrika
(Africa Door).

Waxaa mudooyinkii u dambeeyey meel aad u xun gaadhay xidhiidhka Jabuuti ay la
leedahy dalka IMaaraadka Carabta oo kaalin weyn ku leh isbedelada mandaqada
ka socda. Sidoo kale Maraykanka oo isagu saldhig ciidan oo muhiim ah ku leh
Jabuuti, ayaa aan mudooyinkii u dambaysay ku qanacsanaynn in Madaxwayne
Geelle uu saldhig milatari (Military Base) siiyo dalka Shiinaha oo loollan weyni u
dhexeeyo.
Dad badan ayaa qaba in siyaasadda laba-gar-daaqa ah ee ay Jabuuti dalkeeda
isugu keentay quwadaha is-diidan oo ay marka hore dano siyaasadeed (political
intrest) iyo faa’ido dhaqaale "Economic Interst” ku heshay ay imika keeni karto in
ay isku rogto.
Si kasta ha ahaato ee, halka imika la joogo, Muhiimadda dalka Jabuuti weli waa ay
ka xoog badan tahay in sidaa kediska ah looga baalmaro, waa suurtogal in waxaa
socdaa uu yahay keliya in la beernugleeyo, ugu dambayntana ay dhacdo un
Jabuuti la siiyo damaanado ugu yaraan cabsida ay qabto dejiya. Lagana shaqeeyo
sidii uu Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle u raaci lahaa geedigga socda.
Inkasta oo ay arrintani u baahan tahay in dano badan laga wadahadlo, oo ay ugu
horayso in wax la iska yidhaahdo xidhiidhka Jabuuti iyo Eritariya, iyo in la
qaboojiyo cadhada Imaaraadku u qabo Jabuuti, haddana in walaaca Jabuuti la
bogsiiyo waxaa muhiim ka sii dhigaya Jabuuti oo ah xarunta Urur Goboleedka
IGAD.
Itoobiya
Itoobiya waxaa ka dhacay isbedel xoog leh, waxaa ka dhacay wax Miiam Abaham
ugu yeedhay furfunaansho siyaas iyo dib u ahayn dhaqaale.
Itoobiyadii Malas Sinawi waxa ay ka mid ahayd dhowr waddan oo Afrikaana sida
Ruwanda iyo Uganda oo uu ka taliyo hal xsi ayna cajabisay shaqan siyaasadeedka
iyo dhaqaalaha shiinuhu. Inkasta oo ay itoobiya muhiim u ahayd eer galbeedka
haddana marna kuma aysan qanacsanayn aragtidooda ku wajahan shiinaha.
Shiinuhu waxa uu gacanta ku hayaa saddexda mashruuc ee ugu weyn Itoobiya ee
kala ah Biyo xidheenka Abay, ceelasha shidaalka iyo waddada xadiidka.

Eritrea
Eritrea waxa ay ka mid tahay dalalka farakutiriska ah ee la haysta isbedelada ka
socda geeska Afrika. Waa dal inta laga qayliyay siyaasadiisa gudaha lagu metelay
in uu la mid yahay Waqooyiga Kuuriya (North Korea). Laakiin sanadihii dambe,
wuxuu ka faa’idaystay fursado diblomaasi ah oo uu ka helay Sucuudiga,
Imaaraadka, iyo Maraykanka wuxuu kaga baxay go’doonkii saarnaa ee hubka iyo
dhaqaalaha. Hadda waxa uu qeyb ka yahay qorshaha isdhexgalka dhaqaale
(regional integration) ee geeska Afrika. Isiyas Afawerki madaxwaynaha Eretariya
waxa uu rabaa inuu ka faa’idaysto fursadani, oo uu ka soo kabto go’doonkii
mudda saarnaa. Waxa kale oo uu rabaa inuu dekedihiisa oo ah kuwo u dhow
marinka Baabul Mandab ka dheefsado, sidoo kale waxa uu dheelayaa shax kursi
iyo talis badbaadis ah (Regime Survival).

Eritriya in lagu soo celiyo xayndaabka Bariga Afrika iyo Beesha Caalamka cidda
ugu badan ee ay walaaca ku haysaa waa dalka Jabuuti oo colaad dhinaca
xuduudka ahi u dhexeysay sanadihii u dambeeyey, dhul ay leedahay (Jabuuti) iyo
maxaabiis ciidana ku jiraan gacanta Eritariya. Waxaase bilaabmay dadaalo lagu
xallinayo khilaafkaas walaw aan weli lagu guulaysan.
Kenya iyo Somaliya
Dowaldda Kenya waxaa ay si lama filaan ah ugu dhawaaqday inay dib ula soo
noqonayso safiirkeedii fadhiyay Muqisho, ayna amartay safiirka Somaliya ee
fadhiya Nayroobi inuu si degdeg ah uga baxo wadankeeda. Talaabadaas ayaa
waxa ay yaab iyo amkaag ku noqotay dowlada somaliya iyo dadwaynaha
soomaalida, waayo ma jirin xiisad wayn oo taagnayd oo u baahnayd in si degdeg
ah wax loooga qabto.
Way jireen khilaafyo la xidhiidha badda somaliya oo Kenya damac ka galay kadib
markii ay ogatay in shidaal badan laga helay soohdinta badda somaliya. Laakiin
arrintan dacwadeedu waxaa ay ku jirtaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Hague .
sidoo kale waxaa jiray xiisad ka dhalatay shrkii ka dhacay London 7-dii febraayo ee

2019-ka, kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku sahabsan khayraadka ku
jirra badda somaliya.

WQ Bashir Maxamed Bashir
12 March 2019
Borama, Awdal
Bashiirmaxamed@gmail.com
0634538873/ 0634450487


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
WAREYSIYO