Sunday May 19th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Mujaahidkii Qaadey Koobka Mujaahidiinta Geeska ee Taalada sawirka kurkiisa lagu xardhay Mapka Gobolka Awdal iyo cadeymahan soocan !!Dr.Khadar-Libaaxley.

0
Wednesday March 13, 2019 - 08:54:05 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mujaahidkii Qaadey Koobka Mujaahidiinta Geeska ee Taalada sawirka kurkiisa lagu xardhay Mapka Gobolka Awdal iyo cadeymahan soocan !!Dr.Khadar-Libaaxley.

    Mujaahidkii Qaadey Koobka Mujaahidiinta Geeska ee Taalada sawirka kurkiisa lagu xardhay Mapka Gobolka Awdal iyo cadeymahan soocan !!Dr.Khadar-Libaaxley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mujaahidkii Qaadey Koobka Mujaahidiinta Geeska ee Taalada sawirka kurkiisa lagu xardhay Mapka Gobolka Awdal iyo cadeymahan soocan !!Dr.Khadar-Libaaxley.
Waayaha Sooyaalka iyo sadarada taariikhda ayey dabcigeeda tahay xuquuq ahaan in aaney qarin shakhsiyaadka iyo geesiyada leh hibada iyo sifaha tamar xarxiska illeyskiisu weynaado; isla mar-ahaantaana ka taga mahadhooyin togan ama taban oo tirsiga
Aadamaha dal iyo deegaan ay tahayba qiime iyo qaayaba gardaadinta guulahoodu ay ku muunad iyo midabeysanyihiin ; garasho iyo garwaaqsi kadib cid kasta oo u xigto tirsata geesiga uu yahay iyo guulihiisaba waxa faral laabta ay u sii deyso ku noqda bulshooyinka badankooda u sameynta astaan iyo taallo lagu xasuusto cufka iyo culeyska uu geesigaasi u leeyahay bulsho kasta. Sida Quraanku inoo cadeynayo ragaasi faro ku tiriska ah ee soo gaadhay darajo iyo heer kaliftay in taariikhdu xusto waxa ka mid ah:


1. Taallo lagu xasuusto darteed raggaasi dhismaha masjidkii loo dhisay asxaabal kahfigii sida ku xusan suuratul kahf , ee ay u dhiseen raggii mulkiyey tallada deegaankii ay yaaleen dhalinyaradaasi.
2. Taallooyin lagu xasuusto darteed Sannabadii loo sameeyey raggii la kala odhan jiray ( Laate , Cuze iyo Manaate ) waa sida uu quraan kuba xusaye e’ ragii saalixiinta ahaa ee ku caan baxay sama-falka tabaruca ah ee xujaajta iyo musaafiriinta.
3.taariikhdan casriga ah ragga u qalmey ee soo gaadhey darajada heerka ah in taallooyin loo sameeyo sida ( Abraham Lincol oo ah madaxweynihii mareykanka dhexdiisa ka joojiyey adoonsiga dadka madow ) Josef stalin kii Russia , dhanka somalida taalladii sayid maxamed cabdale ee xamar ku taaley imikana magaalada Jigjiga dhawaan laga taagey.
4.Taallo dhamaanteed waxa isku fuuqsaday ( taallada sawirka kurka koobka sita ee ku xardhan soohdimaha ama xariiqaha xadka mapka Gobolka Awdal oo ah Kurka Mujaahidkii weynaa Siciid Daa’uud Cali oo sita koobka horyaalka mujaahidiinta geeska afrika ) cida sidan ugu xaradhay xariiqaha maapka gobolka mujaahidkan waa illaaladii ingiriiska ee dalka inla joogtay kadib markii ay ka heleen magaalada Makka Al-mukarama iyo Dalka
Masar xogta mujaahidkan oo tafatiran isla markaana ay garwaaqsadeen xaqa iyo
xuquuqda xasuus reeb ee uu mudanyahay mujaahidkan koobka sita !! sida uu tibaaxayo qoraagii gaarka u ahaa boqortooyada ingiriiska ee la odhan jiray ( I.M.LEWS ); mudane akhriste xaqiiqo kaa dahsooneyd waxa si fiican kuugu fasiraya macnaha iyo
malaha uu u taaganyahay qaab dhismeedka map ka Awdal oo ah kur koob si ta ; kurkaasi oo eegaaya dhanka jihada Ethiopia oo ah jihadii ay loolan iyo jihaadka ugu hawl-gali jirtay Boqortooyadii ADAL ee Xarumaheeduu soo kal ahaayeen Saylac iyo Harar
1240-1880; dhanka koobka aan sheegayo : akhriste markale milicsiga bogashada iyo eeg- mada ii amaahi adiga oo si degan ugu fiirsanaya isla mabka Awdal dhexdiisa Mabka Degmada Borama waxa hubaal kuu muuqanaya qaabka degmada Borama u sawirantahay

in ay tahay KOOB ku dhex nashqadeysan kurka Mujaahidka, KOOB kaasi waxa uu kuu sheegayaa qaadista koobka Mujaahidiinta iyo horyaalnimadooda.

Waa kuma Mujaahid Siciid Daa’uud Cali Cumar Walishamax? Waa imamkii ama abaan-duulkii ciidanka Boqoqtooyadii Adal , isla markaana qaabilsanaa
fidinta xukun iyo tallada boqortooyada oo baryahaa ku koobneyd magaalada Saylac iyo duleed keeda balse ku fidiyey xukunka iyo tallada isaga oo adeegsanaya awood ciidankiisii iyo furashada guulo dagaal oo uu ku gaadhsiiyey xukunka illaa gobolada koonfurta
itoobiya ee ( Daawa , Bali iyo Dawaro ) ; sida uu ka markhaati kacayo qoraagii khaaska u ahaa Boqortooyada ingiriiska iyo daraasad rasmiya kadib qoraayada Jamacada kaambiriij,ee uu ka midyahay (Ronald Oliver) Buugiisa layidhaa (The Cambridge History of Africa, Volume 3
) page 153.
("There are isolated references which show that the Somali had definitely begun to be directly involved in them. I. M. Lewis gives an invaluable reference to an Arabic manuscript on the history of the Gadabursi Somali, who, together with the Isa, form the largest group of the ancient Dir clan-family. 'This Chronicle opens', Lewis tells us, 'with an account of the wars of Imam 'Ali Si'id (d. 1392) from whom the Gadabursi today trace their descent, and who is described as the only Muslim leader fighting on the western flank in the armies of Se'ad ad-Din, ruler of Zeila.' 1 Se'adedin, as we have seen above, was the joint founder of the Walasma kingdom of Adal with his brother Haqedin II. When the latter died, he assumed full powers in Adal and revived the struggle with the Christian army, against which he was successful on many
occasions. This brought him considerable renown throughout the Muslim world, and a number of Arabic historical works refer to him with complimentary notes. Se'adedin (1373-1403) furi-ously attacked the frontier Christian provinces of Dawaro and Bali in particular, and drove away large numbers of cattle and 
slaves, which he collected as booty ” ).
Fiiro gaar ah eray bixinta Imam Ali Si’id : Qof ahaan in badan ayaan isweydiiyey sababta dad badan oo soomaali ah waliba reer Somaliland ah marka qof loogu yeedhayo magaciisa inta badan loogu yeedho magaca awoowgii iyada oo laga
boodayo magacii Aabbii? Baadhitaan iyo raadco dheer ka dib waxa ay iiga soo dhex baxday ( Suratul Yusuf mar aan akhrinaayey ) mudane akhriste bal si degan
u akhri oo u dhabo gal suuragul yuusuf waxa aad heli doontaa sadarada aayadaha hore iyo dhexe nabi yuusuf oo tirinaya magacyada Aabbayaashii ibraahim
, isxaaq iyo yacquub, waxa aad fahmi doontaa habdhaqanka magac akhrisku in uu halkaasi ka asal-qabo dunida oo dhan inta ku abtirsata diimaha ibraahiimiyada . Halkan sida saxda ah waa Imaam abu Samaroon Siciid Daud Cali Cumar Walishamax ;
balse Professor kan oo ah British habka ama qabka magacdana u isticmaala sida reer galbeedka ee ah first and after name or family name oo ah in qofka magaciisa iyo magaca awowogi ama famliga la qoro oo laga boodo magaca aabaha dhalay aya Waxa uu u qoray magaca imaam Siciid sida tan "Imaam Ali Si’id” ha se ahatee halka danbe aya Waxa uu sharaxaad Ka sii bixiyay inu yahay awawga ay Gadabuursigu Ka so jeeda wa sida uu English ugu qoray
" from whom the Gadabuursi today trance their descent ,”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Wershada Maaxda Oo Loo Aqoonsaday Wershada Ugu Waxsoosarka Wanaagsan Ee Dalka
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
WAREYSIYO