Sunday May 19th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

"Faransiiska Arrin Ugub Ku Ah Ayuu Ka Sameynayaa Dalka Itoobiya" Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur

0
Thursday March 14, 2019 - 10:29:15 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Faransiiska Arrin Ugub Ku Ah Ayuu Ka Sameynayaa Dalka Itoobiya" Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur

    "Faransiiska Arrin Ugub Ku Ah Ayuu Ka Sameynayaa Dalka Itoobiya" Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Faransiiska Arrin Ugub Ku Ah Ayuu Ka Sameynayaa Dalka Itoobiya" Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa taxliil kooban ka sameeyey socdaalka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku marayo dalalka Bariga Afrika ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay arrin ugub ku ah in Faransiisku uu Itoobiya ka caawinayo dhismaha ciidanka badda iyadoo la ogyahay inaanay Itoobiya lahayn Wax bad ah.

Qoraal uu soo dhigay facebook, hoos ka aqriso.

Waxaan isha ku hayey booqashada Madaxweynaha Faransiiska ee Geeska Afrika. Emmanuel Macron wuxuu booqday Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Inkastoo Faransiisku saldhig Milateri ku leeyahay Jabuuti, haddana in muddo ah Madaxweyne Faransiis ah Jabuuti booqasho kuma imaan. Dhinaca kale waana markii koowaad ee uu Madaxweyne Faransiis ah Kenya booqan doono. Macron wuxuu Itoobiya la saxiixday heshiis "difaaca wadajirka ah ee labada dal”.

Heshiisku wuxuu diirada saarayaa tababarka iyo qalabaynta Ciidamada Itoobiya iyo la dagalaanka argagixisada, laakiin waxaa ugub ku ah in Faransiisku uu Itoobiya ka caawinayo dhismaha Ciidanka Badda, labada dalna iska kaashadaan la dagalaanka burcad badeedka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.



Ka sokow in Faransiisku uu doonayo in uu kaalintiisa Geeska Afrika xajisto, haddana kulamada Marcon iyo khudbooyinkiisaba kama marnayn xadaynta saamaynta sii kordhaysa ee ay Shiinuhu ku leeyihiin Geeska Afrika. Loolanka shiinuhu wuxuu macno u yeelay, islmarkaana sare uu qaaday ahmiyada istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika u leeyahay dunida gaar ahaan awoodaha tunka xooggan iyo xulafadooda Gobolka iyo Gacanka Khaliijka.

Saxaafada Dunida way ka hadleen socodka Marcon ee Gobolka, laakiin saxaafada Soomaalidu waxba kama qorin booqashada Macron ee Geeska Afrika. Mana filaayo in badan oo siyaasiyiin ahna in ayba warba ka hayaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Wershada Maaxda Oo Loo Aqoonsaday Wershada Ugu Waxsoosarka Wanaagsan Ee Dalka
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
WAREYSIYO