Saturday March 23rd, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Xukuumadda Somaliland oo Digniin Adag u Jeedisay Maamulka Garoowe

0
Thursday March 14, 2019 - 10:41:37 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 987
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo Digniin Adag u Jeedisay Maamulka Garoowe

    Xukuumadda Somaliland oo Digniin Adag u Jeedisay Maamulka Garoowe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland oo Digniin Adag u Jeedisay Maamulka Garoowe

Xukuumadda JSL, ayaa sheegtay in Hoggaamiyaha Maamulka Puntland ee Soomaaliya uu dusha u riddan doono cawaaqibka ka dhasha daandaansiga ay ka wadaan xuduudaha Bariga Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Telefishanka Qaranka ahna Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta JSL, Maxamed Xasan Cali Weji, kaasi oo u qornaa sidan:-

"Jamhuuriyadda Somaliland waxa dhaqan u ah oo ay Xeerisaa inay Nabad kula noolaato derisyadeeda, hase ahaatee Taako dhulkeeda ka mind ah uma ogolaanayso in Nacabka daandaansiga badan ee Soomaaliya soo haweysto soohdimaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddeynaysaa in aanay ku duulin xudduuda Dawladda Soomaaliya, haseyeeshee ay sugayso Soohdimaheeda soo jireenka ah. Sidaas darteed, hadalka ka soo yeedhay shalay Hoggaamiyaha Puntland ee Soomaaliya, waxaanu u aragnaa inuu dhalanteed iyo hawaawi ku sheeganayo gobollo ka mid ah JSL. Waxaanan la socodsiinaynaa inuu daandaansiga uu ku hayo Somaliland uu ku fashilmi doono, sidii uu horeba ugu hungoobay Cabdiweli Gaas-kii ka horreeyey.

Somaliland way taqaanaa Nabadda iyo Colaada labadaba ee ha ku abshiro in Maamul-goboleedka Garoowe jab aanay ka soo waaqsan kala kulmi doonaan gardarrada joogtada ah ee ay ka wadaan dhulka Somaliland.

Ugu dambayn, waxaanu Siciid Cabdilaahi Deni xasuusinaynaa in xilka loo cumaamaday xilli uu Somaliland ka dhammaaday dulqaadkii ay u laheyd Soomaaliya, waxaanu dusha u ridan doonaa cidhib-xumada ka dhalata damacooda Beenta ku dhisan.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
WAREYSIYO