Tuesday July 23rd, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Madaxweyne Kee Haysta Marinka Toosan iyo Marinka Qalloocan? W/Q: Wariye Saciid Cagjar

0
Friday April 05, 2019 - 20:21:16 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Kee Haysta Marinka Toosan iyo Marinka Qalloocan? W/Q: Wariye Saciid Cagjar

    Madaxweyne Kee Haysta Marinka Toosan iyo Marinka Qalloocan? W/Q: Wariye Saciid Cagjar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Kee Haysta Marinka Toosan iyo Marinka Qalloocan? W/Q: Wariye Saciid Cagjar

Rabbi Quraanka kariimka ah wuxuu inoogu sheegay in kuwa wanaagsan ee haysata marinka toosan ay la bahoobaan kuwa wanaagsan ee haysta marinka toosan, kuwa xun ee haysta marinka qalloocan ay la bahoobaan kuwa haysta marinka qalloocan… Allah swtc hadalka ma seego mana marin habaabo, waxaa hubaal ah in Madaxweyne xumi aanu la jaan qaadin karin koox wanaagga ehel u ah Waxaa kaloo hubaal ah in Madaxweyne wanaagsan aanu la jaan qaadi karin koox xumaani ehel u tahay.

Waxaa dhacda in Madaxweyne wanaagsan oo daacad ah uu marin habow ku yimaado, wuxuuse ku garan karaa inuu marinkii loo idmaday ee uu rabay ka weecday markii uu eego kooxda ku hareersan, haddii uu arko in ay ku hareeraysan yihiin koox xumaan ehel u ah oo hoyga ay u hoydaan tahay musuqmaasuq ee aanu waxba ka qaban, aakhirka wuxuu la mid noqdaa kooxdaas oo wuxuu ku sifoobaa hoggaamiye xumaan ehel u ah, Waxaa iyana dhacda in Madaxweyne xun uu qaado waddada toosnaa ee loo igmaday, hoggaamiyahaasi markuu hareerihiisa eego waxaa uga muuqda koox wanaaggu ehel u yahay oo hoyga ay u haydaan tahay caddaalad, aakhirkana wuxuu ku milmaa wanaaggaas oo wuxuu noqdaa horseed wanaagsan, waxaanse shaki ku jirin, inaan Wanaag iyo Xumaan meel wada degi karin oo aanay noqon karin isku hoy, maaddaama mawqifkooda iyo ,marinkoodu kala duwan yahay…

Maahmaah Somaliyeed oo guuna ayaa tidhaahda, "Markaad Ruux Kabo Ka Tolonaysid Kabihiisa eeg”… Odhaahdaas oo laga nuugi karo Madaxweyne markaad wanaag ka rabtid horta eeg dadka ku hareeraysan, haddaanay kooxdaas ag dhoobani ehel wanaag ahayn haka filan Hoggaamiyahaas wanaag iyo inuu kugu hago Tubta Toosan… Haddii kooxdaasi tahay koox wanaag ehel u ah, ku aamin kabahaaga oo hakala bakhaylin wax yaabaha u sahli kara inuu kabahaas kuu qurxiyo oo ay noqdaan kabo aad dadka ugu faanto…

Dhaqanka Haggaha xun uu leeyahay waxaa ka mid ah inuu madaxa cag ka saaro ruux kasta oo daacad ah oo sharaf lahaa islamarkaana bahdil lafa jab ah oo dullaysi qaabdaran uu ku sameeyo, oo dadkii aan daacadda ahayn ee aan eexaysan jirin sharaf iyo wanaag uu sumcad iyo darajo ka simo… Sababtuna ay tahay in kuwa wanaagsani ka hor imanayaan xil gudasha xumada iyo axdi kabaxa faraha badan ee uu ku kacayo… Kuwa xumaha u saaxiibka ah ee aan eexaysanayn sharaf iyo qiimo ay la walaaqanayaan qudhunka lidka ku ah shacabkii xilka u dhiibtay ee aamminay… Waxaad ka dheehan kartaa Hadalkii Balqiisa ay ku lahayd asxaateeda Markii Nabi Sulaymaan NNKH Warqadda uga timi ee Allah qisadeeda uu Quraanka Inoogu Sheegay…

Haddaba Madaxweyne kastoow is xisaabi oo eeg hareerahaaga yaa ku ag dhooban, ma yihiin koox wanaaggu guri u yahay, hadaad aragto in kooxdaasi aanay wanaag shuqul kulahayn xaalkooduna yahay dantooda gaarka ah, ogsoonoow inaadan ahayn Hoggaamiye wanaagsan oo daacad ah, sababtoo ah daacad iyo khiyaamo xeero mawadaagaan… Sacabka beenta ah ee ay kuu tamayaanna ma aha kii shacabka waa mid humaag beena ah oo ay kooxdaasi dhaqaale ku soo abaabushay… Haddiise kuwa garbahaaga taagani yihiin koox wanaaggu hoy u yahay ogsoonoow inaad tahay Madaxweyne wanaagsan…




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
WAREYSIYO