Tuesday July 23rd, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

UK , Ethiopia iyo Beesha Calamka waxa aanu ka codsaneynaa in Dib u eegis iyo Qaadis lagu Sameeyo Xadka Qadiyey ee Qaybiyey Qoomiyada Gadabuursi !!By Dr.Khadar-Libaaxley.

0
Friday April 05, 2019 - 21:12:45 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UK , Ethiopia iyo Beesha Calamka waxa aanu ka codsaneynaa in Dib u eegis iyo Qaadis lagu Sameeyo Xadka Qadiyey ee Qaybiyey Qoomiyada Gadabuursi !!By Dr.Khadar-Libaaxley.

    UK , Ethiopia iyo Beesha Calamka waxa aanu ka codsaneynaa in Dib u eegis iyo Qaadis lagu Sameeyo Xadka Qadiyey ee Qaybiyey Qoomiyada Gadabuursi !!By Dr.Khadar-Libaaxley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UK , Ethiopia iyo Beesha Calamka waxa aanu ka codsaneynaa in Dib u eegis iyo Qaadis lagu Sameeyo Xadka Qadiyey ee Qaybiyey Qoomiyada Gadabuursi !!By Dr.Khadar-Libaaxley.
Markhaati iyo Dhageystayaal fiican kama sii noqon karno ( Raamsiga, dharaga iyo tookha Madaxnimo ee Jigjiga, Djabuuti iyo Hargaisa )
Siyaasadu waa geedka nolosha oo dhami ka farcanto hadey tahay horumarka bulshada, dhaqaalaha, difaaca iyo aqoonta laamaheeda kala duwan. Marka la barbar dhigo Qoomiyadahada kale ee haysta Madaxnimada Jigjiga, Djabuuti iyo Hargaisa , Qoomiyada Gadabuursi ee Deegaanka ku ah wadamada Djabuuti , jigjiga iyo Hargaisa intaba midna kama muuqdaan Saameyn Siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ah furayaasha nolosha qaybaheedu hoos hadhsato.


Darajada ugu sareysa ee Gadabuursi haystaa waa Ku Xigeen Madaxweyne iyo Wakiilo oo Dustuurku gacmaha ka xidhay , hawl madaxda ka sareysaa u igmato mooyee aan wax kale buuga xil guda-shada ugu oolin ; marka ay noqoto Dawlad iyo haybadeed iyo magaca taariikhda dawlada galaya ee hadiyo jeer dawlada hal-qabsi xasuuseed u noqonayaa waa kan madaxweynaha . Waxa soo raaca xubno tiro yar oo wasiiro ah balse aad iyo aad u habrasho badan marka ay noqoto wax-tarka dadka iyo deegaanka ay matalaan sababtuna tahay habrasho ay ka habranayaan cida magacaabeysa
iyaga oo u badan madaxweynayaal aaney isku hayb aheyn oo wax saarkeeda leh iyo dadweynaha Hargaisa oo had iyo jeer tan iyo waligeed ba ka
dukaansan jiray fursadaha yaala xafiisyada wasiirada gadabuursiga luf-luf iyo feenashaba ha ahaatee; sii socoshada arintaasina ma’aha mid sii wadi karta
masiirka iyo mustaqbalka qoomiyadaasi gadabuursi. Dhalinyarada gadabuursi waxa ay caayaan, canaantaan , quus iyo niyad jabna ka joogaan madaxdooda siyaasada iyo dhaqanka ; balse xaqiiqada iyo waaqaca dhabta ah uu ka sal balaadhanyahay inta aad moodaysaan dhibta ugu weyn ee jirtaa waa saameynta uu ka tagey ( Xadka 3 Dal u Qaybiyey Qoomiyada Gadabuursiga , waa Hargaisa, jigjiga iyo Djabuuti ) .

Dhalinyarooy Xadka Borama dulmaraa waa caqabada ugu weyn ee haysata gadabuursiga 3 dan caasimadood ee talladoodu hoos timaado, waayo
Dawladnimada iyo maamulada caasimadahani 50 kii sanno ee ina dhaafay illaa maanta waxa ay tahli kari waayeen in ay soo dhaafaan siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan ba 90% korinta iyo dhisida bulshooyinka ehelka dhow u ah caasimadahaasi , isla markaasna ka dhigay dheeftii iyo Dheecaankii Dawladnimo la hayd 90% kuwo ku dul Burura oo sida dhibicda roobka ugu dul Da’ Dadka iyo Deegaanka Caasimadahan Hayb-raaca u ah , Arintaasi ma’aha mid ka turjumaysa masiirka iyo mustaqbalka Qoomiyada Gadabuursiga ee ku daba fayla tallada
taalla 3 dan caasimadood mana ah kuwo dabooli kara tabashooyin kooda, haday Dabooli karayaana uma muuqdaan kuwo u hagar bixi kara
tabashooyinka dhan walba leh ee goor iyo ayaan la joogaba ka dhex oogan Qoomiyadatan talladu ka baahday; Xaqiiqadan aan sheegayo waxa Daliil u ah Muuqasho La’aanta Qoomiyada Gadabuursi dhaqaale ahaan , siyaasad ahaa iyo
saameyn bulsho ahaan ba ee 3 Dan Caasimadood;
1.) Dhanka siyaasada waa rag uu dastuur xayiray iyo in habraneysa.
2. ) Dhanka dhaqaalaha malaha ganacsade caan baxay oo gayiga laga yaqaano aan aheyn qofaf wakiilo u ah Ganacsatada Qoomiyadaha kale ee ay dhiseen nidaamyada iyo maamulada caasimadaha Djabuuti, Jigjiga iyo Hargaisa ee tallada Qoomiyada Gadabuursigu hoos tagto; waxa waxaasi oo dhami ku dhaceen waa tallo aan looga ariminaynin gurigooda iyo hagar-daamada uu ku hayo xadka Qaybiyey Qoomiyada ee Borama dul-mara.

Xalka Saxda ah :
1.) Waxa uu yahay in xadka qaybiyey ee qadiyey qoomiyadan gadabuursi dib u eegis iyo wax iska weydiin loo dhanyahay laga yeesho, iyada oo marka lagu qanco in uu caqabad buuxda yahay , Danta qoomiyadana aanu nasteex u aheyn loo baahanyahay in laga tashado si wada jir ah sida ugu macquulsan ee loo qaadi karo xadkan iyada oo lala kaashanayo Dawladaha uu khuseeyo.
2.) Waxa la yidhi ( Marka weylaha la arko ayaa Lo’da La Maalaa !!) Qoomiyadani Gadabuursi waxa ay baahi weyn u qabtaa in looga talliyo
gurigooda dhexdiisa oo aan looga tallinin Caasimad aaney Deegaan u aheyn isla markaana ku habraneyn Cid kasta oo iyaga siyaasad ahaan Mataleysa ;
waayo sida dabeeciga ah ODAY kastaa Qoyskiisa GURIGIISA ayuu uga dhex
TALLIYAA ee Guri kale ugama TALLIYO.

3.) Dawladaha UK & Ethiopia waxa aanu si xushmad iyo qadarin leh uga codsaneynaa idin kuna garab taaganahay in Dib u eegis , wax kabadal iyo
Qaadis lagu sameeyo Xadka Qaybiyey ee Qadiyey Qoomiyada Gadabuursi.

Fiiro gaara: arintani ma'aha u jeedo hoose oo aan ku maagayo madaxweyne ku xigeenka hada tallada haya , xaasha Lilaahi sharaf iyo qadarin qofeed ayuu iga mudanyahay balse xaqiiqada godka aan ka hadlayaa waa mid jirta oo
khuseysa qof kasta oo siyaasada u matalaya oo imanaya dhanka qoomiyada gadabuursiga horey iyo imikaba.

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

4/5/2019


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
WAREYSIYO