Thursday April 25th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Qormo: Jimcihii Nabiga aan la soo tukoday!. W/Q: Cabdiqani Iid Cilmi

0
Friday April 05, 2019 - 21:36:57 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qormo: Jimcihii Nabiga aan la soo tukoday!. W/Q: Cabdiqani Iid Cilmi

    Jimcihii Nabiga aan la soo tukoday!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimcihii Nabiga aan la soo tukoday!

Ku daahidda guriga ayaa sabab u noqotay in aan ku tukado masjid hore aanan ugu tukan jiran, markii aan masjidka galayba waxa aan fiiriyay goorsheegta, si aan u ogaado muddoda ka hadhay salaada, in 1:45 la tukanaayo ayaa ku qoran, halka markaasna amintu ahayd 1:20, khudbadda ayaa socota, waa aan sunnaystay oo iska fadhiistay si aan khudbadda u dhagysto, af qalaad ayaa wacdigu ku socodaa oo aan ahayn Afkayga iyo kii diintu ku soo dagtay-toona, Waa Afka waddankan lagaga hadlo, waxoogay markii khudbaddu socotay ayaa Khaddiibkii gabay yar oo nabi amaan ah yidhid, hal mar ayaa masjidkii jiibtu is qabsatay oo lagu wada dhawaaqay "yaa xabiib” ereyo u dhigma, sunnaha jimcaha oo ahaa in aamus lagu dhagaysto khudbadda awgeed, aad ayaa aan jiibtaa ula yaabay aniga oo mar kalena la dhacayba sida jiibta la iskula helay.

Muddo tobaneeyo daqiiqo ah markii wacdigu socdo ayaa nin masjidkii ka dhex kacay isaga oo ku qaylinaaya "naaraa Takbiir”, gacanta midigna kor u taagahaaya, dadkii masjidka joogayna waxa ay ugu jiibiyeen "Allahu Akbar”. Saddex jeer ayaa uu ku Celiyay "Naaraa Takbiir”, dadkiina ugu jiibinayeen "Allahu akbar”. ereyo kale oo u dhignaa "Muxammad yaa mustafaa” ayaa uu haddana bilaaay, dadkiina jiibta ayaa ay ka adkaadeen iyaga oo ku dhawaaqaya ereyo u dhignaa "waanu jecelnahay”. Markii uu intaa dhameeyay dhidid waawaynina ka soo fax yidhid, inleen waa nin aad u dhawaaqayay’e, ayaa uu iska fadhiistay. Wadaad-kii khudbadda ku jiray isagu wali waa taaganyahay, si uu khudbaddiisa u sii wato waxa uu dhawrayay inta ninku dhamaynayo dhaqankaa la isla bartay ee shallaad-ka u eeg.

 

Khudbaddii ayaa uu wadaadku dib u bilaabay, markii uu waxoogaa wadoba, qinaayad yar oo Nabi amaan ah ayaa uu tirinayaa, Masjidkana jiibta ayaa isqabsanaysa. Micraaj-kii rasuulka ayaa uu ka warramayaa, waana sababta xuska nabiga iyo maansooyinka Nabi amaanka ahi ugu bateen khudbadda’e, markii la soo gaadhay wakhtigii Salaadda ee ahaa 1:45, waa la wada kacay, jamac looma kicin se sunne ayaa loo wada kacay, Sunnihii ka dib eedaan ayaa dhacay, khudbad kale oo Carabi ahna wadaadkii waa bilaabay, dhakkada ayaa uu khudbaddan ka akhrinayaa, isaga oo waliba sidii quraanka u dululuminahaaya.

Khudbadii Carabiga ahayd dhamaatay Wakhtigy marka uu maraayo 2:00-dii, ayaa aqiimkii dhacay salaadiina la tukaday, sida caadada ah imaamkan waxa hor taalla Sijaayda ama salliga uu ku tukiyo dadka mid kale oo aad u qurxoon, mar danbe ayaa la ii sheegay in nabiga loo asteeyay salligaa, waliba aad loo sii nadiifiyo lana cadriyo maalmahan oo kale.

 

 

W/Q: Cabdiqani Iid Cilmi

Email:qanoeid@gmail.com




 
 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
WAREYSIYO