Tuesday July 23rd, 2019
Dahabshiil
Telesom
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

0
Sunday April 07, 2019 - 12:39:15 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

    Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Waxa 28kiiFeb 2019kagacantayda soo galay Diiwaanka Xabag-Barsheed: Miisaanka Maansada Soomaaliyeed (Midhif-tir iyo Mideyn), waxa qoray Abwaan Cali Maxamed Cabdiraxmaan (Cali Ileeye). Qoraaga ayaa ii hibeeyay, waana nuqul uu si gaar ah u saxeexay. Waan ku milgeynayaa in uu iga dhigo mudanka ay gaadhaan nuqullada ugu horreeya ee Hargeysa ama dhulka Soomaalida loo soo diray, waayo waxa buugga lagu daabacay Qaaradda Yurub. Dhawaan ayuu soo caga-dhigi doonaa Geeska Afrika haddii Alle idmo.



 

Ugu horreyn waxa aan qirayaa in uu Cali Ileeye qalinka u qaatay qoraalka, sharraxa iyo daah-ka-qaadista aqoon dihin oo uu ka mid yahay dadka aqoonta u leh. Waxa uu si hufan u gutay waajibaad korkiisa saarnaa, ummaddana waxa uu u soo gudbiyay cilmi ay ogaalkooda ku dari doonaan, wax badan oo daah saarnaa ayuu diiwaanka Xabag-barsheed bulshada u bandhigayaa.

 

Qoraagu ma sii dhex gelayo dooddii ka taagnayd "Waa kuma Aabbaha Miisaanka Maansada Soomaaliyeed?” ee u dhexaysay Carraale iyo Gaarriye. Waxaase labada aqoonyahan lagu kala saaray dood lagu qabtay magaalada Oslo ee Dalka Norway sannadkii 2009ka, taas oo Gaarriye loogu aqoonsaday Daahfuraha kowaad ama Aabbaha Miisaanka Maansada Soomaalida.


 

Marka laga yimaaddo furitaanka iyo xidhitaanka buugga sida Maamuuska, Hibeynta, Mahadnaqa, Gogol-xaadhka, Hordhaca, Gogoldhiga, Raadraca (Ilaha Xigashada) iyo Soyaalka Qoraaga, waxa uu ka kooban yahay 290 bog, waxaana daabacday shirkadda Garanuug, waxaanu soo baxay gu’gan 2019ka.

 

Waxa uu ku bilaabmayaaIbo-fursharxaya:

  • Laamaha suugaanta
  • Fan mise suugaan
  • Miisaanka Maansada
  • Erey-bixinta Miisaanka Maansada Soomaaliyeed
  • Iftiimin
  • Hannaanka Tirinta Shaqallada: Qaybaha Meeriska, Dhererka iyo Shaqallada, Xeerarka Miinsaanka Maansada

    Haddii aynu si kooban u faaqidno toddoba qaybood/geeddi (cutub) ee buuggu xambaarsan yahay, waxa aynu ku hakan doonnaa sheegidda qayb kasta iyo ku-jreyaasheeda. Waayo, ka geyoon maynno haddii aan u gunda-daaddegno dulucda fog ee qayb kastaaba gaarkeeda u faahfaahinayso. Qormadani waa xiise-gelin, hammuuntuna waxa ay bixi doontaa marka uu qof kastaaba iskii uga bogto buugga aan kor-ka-xaadiska u taabanayo. Saw lama odhan jirin "Qof kastaaba gacantiisa ayuu biyo kaga dhergaa”.Imakana waxa aan leeyahay"ruux kastaaba akhriska buugga ayuu ku oon-baxayaa”. Imakaba reer Hargeysow ha igu wareerinnina inaan nuqulkaas maalmo idiin dhiibo!


    Waa kuwan toddobadii qaybood ee buuggu:

    Qaybta Kowaad: Dhererka Meeriska Maanso

    Qaybtani waxa ay xambaarsan tahay oo ay sharxaysaa: Dhererka iyo aragtida Gaarriye, Dhererka iyo aragtida Carraale, Farcamaha iyo Shaqal-la-moodka y iyo w + Shibbaneyaasha W iyo Y



    Laantan waxa ku jira dhererka god-maanseedyada kala ah: Gabayga, Jiiftada, Haanta, Maqasha, Mullaaxda, Saarka, Sabaalada, Caddaloolka, Shubaalka, Heellada, Geeraarka, Kebedda, Buraanburka, Guugguulaha iyo Mooyaha


    Qaybta Labaad: Habdhaca Meeriska Maanso

    Waaxdani waxa ay faallaynaysaa Jaanta (cag) iyo qodobka. Intaas kaddibna waxa ay dul istaagaysaa habdhaca god-maanseedyada kala ah: Gabayga, Jiiftada, Haanta, Hagarlaawe, Biitada, Waallada, Maqasha, Mullaaxda, Saarka, Sabaalada, Caddaloolka, Shubaalka, Heellada, Geeraarka, Kebedda, Buraanburka, Guugguulaha iyo Mooyaha. Gororka ugu dambeeyaana waa shaxan muujinaya Habdhaca Godadka Maansada


    Qaybta Saddexaad: Dheellitirka Meeriska Maanso

    Halkan waxa uu qoraagu nalka ku shidayaa:
  • Qaybaha alanka iyo shibbaneyaasha laba canleeya
  • Dheellitirka Jiiftada, Gabayga, Caddaloolka, Saarka, Heellada iyo Geeraarka
  • Hannaanka tirinta dheelli-tirka
  • Shaxanka Dhisaska Dheellitirka Godadka Maansada



    Qaybta Afraad: Xaraf-raaca Maanso

    Dhuddani waxa ay sharxaysaa xeerarka xaraf-raaca iyo cudurrada xaraf-raaca. Waxa ay si gaar ah tusaale ahaan ugu soo qaadanaysaa xaraf-raaca god-maanseedyada kala ah: Gabayga, Haanta, Saarka, Geeraarka, Heellada, Buraanburka, Jiiftada, Mullaaxda, Shubaalka iyo Mooyaha


    Qaybta Shanaad: Xidhiidhka ka dhexeeya Godadka Maansada

    Geeddigani waxa uu sharxayaa hab-samaysanka godadka maansada, xidhiidhka ka dhexeeya godadka maansada. Waxa ku jira afar dir maanseed oo xidhiidh leh, kuwaas oo ah Dirka Jiiftada, Dirka Heellada, Dirka Geeraarka, Dirka Qodoblaawaha iyo nooc-maanseed kala gooni ah oo qoraagu u bixiyay Dirka qubanaha


    Qaybta Lixaad: Maanso La Bilkeeday

    Kobtan waxa lagu kulmiyay 40 god maanseed oo ka soo jeeda shanta dir ee Qoraagu u kala hormeeyay maansada, sidoo kale waxa ku jira maansooyin caan ah oo tusaaleyaal u ah godadka maansada.


    Qaybta Toddobaad: Afmeer

    Qaybtan oo ah af-meerka buuggu waxa ay sharxaysaa abbaaro (mawduucyo) kala geddisan oo ay ka mid yihiin:
  • Farcamaha iyo qodob-furanka,
  • Dirka Jiiftada iyo Farcamaha
  • Dirka Heellada iyo Farcamaha
  • Gunaanadka Farcamaha
  • Qodob-furanka yo Dirka Heellada
  • Dhadhansiga suugaanta,
  • Magac-bixinta godadka maansada,
  • Geeddi-gelinta maansada,
  • Qurxinta maansada: Halkan waxa lagu iftiiminayaa dalabta, deelqaafka, liinbaxa ereyga, ku celcelinta erey gaar ah, adhxanka Af Soomaaliga, Dheelliga maansada, anshax-darrada hawraarta, adeegsiga af-maldahanaha, adeegsiga dareemayaasha shanta ah, qodobbaynta maansada yo Hab-dhigaalka (Qoraalka Maansada)
  • Sooyaalka maansada iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay,
  • Hees maaha maansadu,
  • Xigashada habbooon, dir, bad ama god maanso iyo gobo’da ugu dambaysa oo ah
  • Maansada ma la baran karaa

    Buuggu waxa uu si hufan ummadda u barayaa Miisaanka Maansada Soomaaliyeed: Labadii hannaan ee ay kala daahfureen Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) iyo Baresare Cabdillaahi Diiriye Guuleed Carraale. Diiwaanku waxa uu faahfaahinayaa dhismaha, xaraf-raaca, cabbirka, miisaanka iyo meersiyada afartan jaad/god/bad oo ka mid ah maansada Soomaalida, waxaanu u kooxaynayaa sida ay dhisme ahaan xidhiidhka u leeyihiin.

    Intii aanu soo bixin waxa akhriyay, weedhna ku leh Qoraaga Weyn ee Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed (Gadhweyne) iyo Dr Martin Orwin oo ah aqoonyahan ku xeel-dheer suugaanta iyo afka Soomaaliyeed, waxaanu afafka Soomaaliga iyo Amxaariga ka dhigaa Jaamacadda London, qaybta SOAS (School of Oriental African Studies)



    Aqoonta waa la kala dhaxlaa, marka ay fac aqoonyahani baxaan/gaboobaan, waxa halkoodii gala barbaar cusub oo geeddiga hore u sii wada. Abwaan Gaarriye ayaa yidhi 27kiiJulaay 2010ka"Marka ay dhallinyarada qaarkood suaalo naga weydiiyaan Miisaanka Maansada, candhuufta ayaan dib u liqnaa. Waxaanan is idhaahdaa ‘waa kuwii idin beddelayay”.

    Baresare Cabdillaahi Diiriye Guuleed Carraale qudhiisa ayaa mar aanu taleefanka ka wada hadalnay sannadkii 2015ka, oo uu waraysi ku saabsan Miisaanka Maansada Soomaalida siiyay Horncable TV, igu yidhi "Waxaad tihiin dadka loo baahan yahay in ay lafa-guraan, eegaan oo faalleeyaan aqoonta aan gudbinayo”.

    Marka ay noqoto dhudaha maansada, dhismaheeda, miisaankeeda iyo abla-ablaynteeda waxa aan Abwaan Cali Ileeye ku sunti lahaa aqoonyahan lagu astayn karo "Gaarriyaha Cusub ama Carralaha Cusub”.

    Waxa aan hubaa in aan aqoon ka dheefay akhriskiisa, waxaanan filayaa in ruux kastaaba ka heli doono xog uu ku daro ogaalkii hore ee maskaxdiisa ku jiray. Bareyaasha dugsiyada sare ee Somaliland oo hadda dhiga cutub ah Miisaanka Maansada Soomaalida, oo ku jira fasalka afraad ee manhajkii la qoray 2016kaiyo ardayda dugsiyada sareba waxa ay ka korodhsan doonaan tacliin ay ku kabaan aqoontooda.

    Miidda, maaxda iyo malabka ku Xabag-barsheed lagu ibo-furayaa waxa uu ilays iyo iftiin u noqon doonaa hal-abuurka da’da yar ee u jeellan inay kala bartaan noocyada iyo godadka kala geddisan ee laga curiyo maansada Soomaaliyeed. Lama odhan karo shaqo uu aadame qabtay 100% ayay hagaagsan tahay, haddiiba aan dheehdo dhaliil u baahan toosin, waxa aan si toos ah ula wadaagi doonaa qoraha. Mar kasta guusha uu gadh-wadeenka u yahay Xabag-barsheed ayaa ka badan gaabis iyo gol-daloolo lagu cambaareeyo.


    Ugu dambayntii, dhiganahani waa mid waxtar u leh dhammaan dhallinyarada iyo ummadda Soomaaliyeed ee doonaya inay kordhiyaan aqoontooda ku aaddan suugaanta iyo maansada Soomaalida. Abwaan Cali Ileeye waxa aan ku bogaadinayaa in uu ummadda hor keenay dhaxal aan duugoobin iyo aqoon qoto-dheer.



    Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halka Ka Daawo: Muuqaalo Garoonka Cusub Ee Cawayska Caynaba Ee Laga Hirgaliyey Magaalada Caynaba
Qaabkii Madaxweyne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea
Halkan Ka Daawo:Ma U Baahan Tahay Dhismayaal Kiro Ah Oo Ku Yaala Magaalada Burco
Halkan Ka Daawo:-Qiso Cajiiba:-Sidee Buu Ku Xushay Lamaanihiisa Proff Cabdilaahi Maxamed Ducaale Gabaydhe Oo Ah Nin Araga Iyo Gacmaha Naafo Ka Ah
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
WAREYSIYO