Thursday April 25th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

MAXAAD KA OGTAHAY CEELASHA JINKU QODAY EE ILAA HADDA LAGA CABO

0
Sunday April 07, 2019 - 20:15:37 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 1765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAAD KA OGTAHAY CEELASHA JINKU QODAY EE ILAA HADDA LAGA CABO

    Kaga Bogo Qormadan Xiliga Jinku Qoday Sababtuu U Qoday Iyo Halka Ay Kuyaaliinba. :

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaga Bogo Qormadan Xiliga Jinku Qoday Sababtuu U Qoday Iyo Halka Ay Kuyaaliinba. :




Article (Burcoonline) Nabi Sulaymaan Ayaa Kasoo Baxay Dalka Imika Loo Yaqaan Falastiin Isagoo Wata ciidan Xoogan Oo Aad U Tiro Badan, Xataa Ay Qayb Ka Ahaayeen Sida Taariikhda Lagu Wariyey Qaybo Ka Mid ah Dugaaga Halista ah Oo Nabi sulaymaan Calayhi salaame Lo Sakhiray, Waxaa Uu Safarka Nabi Sulaymaan Ahaa Mid Ku Wajahan Dhulka Yaman Halkaasi Oo Ay Degenayd Boqoradii Balqiis ee Xiligaa Madaxda U Ahayd Boqortooyadii (SABA) si Uu Usoo Booqdo. Markay Marayeen Waftidii Nabi Sulaymaan Badhtanka Saxaraha Ciida Ah Ee Waqooyiga NAJAD, Waxa Soo Wajahay Ciidamadii Nabi Sulaymaan Watay Haraad Daran Manay Sidan Biyo Ku Filan Oo Ay Cabaan Intay Saxaraha Ka Gudbayaan, Maxaa Yeelay Ciidanka Oo Aad U tiro Badnaa Ayaanay Suurta Gal Ahayn Inay Ku Filnaadaan Biyo Yar oo Ay Siteen.


Halkaa Marka Xaal Marayo Ayuu Nabi Sulaymaan calayhi Salaame Isha Ku Dhuftay Mid Ka Mid ah Ciidankiisii Jinka Ahaa Oo Dhoola Cadaynaya Oo Aanay Kaba Qasnayn. Wuu U Yeedhay Wuxuuna Waydiiyay Wuxu Ku Qoslayo?!. Wuxu Ugu Jawaabay Jinkii "Waxaa Iga Qosliyay Sidaad Haraadka Ula Il Darantihiin iyo Biyaha Cagihiina Hoostooda Durduraya! ". Intaa Kadib Nabi Sulaymaan Wuxuu Amray Jinkii Inay Ceelal Deg Deg Ah Qodaan Si Ay Ciidamadu Uga Cabaan, Markiibana Jinkii Waxay Qodeen Ceelal Iyagoo Dhagxaanta adag Si Dhibyar U Jabinaya Waxayna Biyo Ka Waraabiyeen Ciidankii.


Waxay Wakhti Xaadirkan Ceelashani Jinku Qoday Kuyaaliin Tuulada Lagu Magacaabo(LIINA-لينه) Ee Hoos Tagta Gobolka Rafxa Dalka Sacuudi Carabiya. Waxaana Ceelashan Tiradooda Lagu Qiyaasaa Kuwadhawaad 300 Oo Ceel, Waxay Ku Yaaliin Tuulada Liina Hareeraheeda Iyo Qaybo Kamid ah Gudaha Tuulada Laftigeedaba,Waxana La sheegay In Ceelasha Qaar Dherer kooda Guduhu Gaadhayo Ilaa 20 Mitir. Dhamaan Ceelashan Taariikhda La qodayna Waxa Laysku Raacsanyahay Inay Ahayd Cahdigii Sayiduna Sulaymaan CS. Waxa Kaloo Laysku Raacsanyahay Inaanu Ceelashan Bini Aadam Qodin ee Ay Yihiin Kuwii Jinku Qoday Markii Ciidamada Nabi Sulaymaan Haraadku Saxaraha Ku Qabsaday.

Hadaynu isyar Dultaagno Tuulada LIINA Waxay 100 Km Ka Xigtaa Dhanka Koonfureed Magaalada RAFXA Mandaqada Laysku Yidhaahdo Xuduudka Waqooyi Ee Dalka Sucuudiga, Waa Tuulo Taariikhiya ah Oo Aad Muhiim u Ah Waayo Waxay Ku Taalaa Meel Istaraatijiya Oo Kala Badha Ciida Saxaraha Iyo Dhul Adag Oo Buuralay Ah.Waxaa Sidoo Kale Ay Kulmisaa Jidadka U Kala Baxa Magaalooyinka Qasiim, Riyaad Iyo Xaail, Halka Ay Ku Taalo Halka Uu Mari Jiray Jidkii Hore Ee Ganacsiga Ee Isku Xidhi Jiray Dalalka Ciraaq iyo Sucuudiga Berisamaadkii.

Wuxuu Ku Caanyahay Dhulka Tuulada Liina Dhul Aad U Adag Oo Wada Dhadhaab Ah, Waa Sababta Ay Cajiibka Ugu Noqotay Sida Ay Suurta Gal Ku Tahay In Dhulka Sidan U Adag Ceelal Biyoodyo Laga Qodi Karo. Waxayna Culimada Taariikhdu isku Raaceen Inay Ceelashan Qodeen Jinku iyo in Dhamaantood Hal Wakhti La Wada Qoday. Waxa Kale Oo Cajiib Ah Iyana Ceelasha Oo Ah Kuwo Afkoodu Aad U Yaryahay Oo Xataa Nus Mitir Aanu Dhamayn, Taasi Oo Iyana Aanay Suurta Gal Ahayn Ceel intaan Afleeg Hadana Intan Dherer Leeg Inuu Qof Bini aadam ah Qoday Ama Guntiisa Uu Ku Dhaadhacay,Marka Loo Geeyo Sida Ay U Adagtahay Meesha Laga Qoday Oo Iyana Aanay Macquul ahayn in Bini aadam Jajabiyo Dhagxaanta Sidan U Adag Isagoo Qalab Horumarsan Wato Mooyee, Xiligaasina Ma ahayn Xili Qalabkaasi La Heli Karayay.
Isku Soo Wada Duub Oo Ceelashan Ayaa Ah Kuwo La Aaminsanyahay Ama La Rumaysanyahayba Sida Ay Culimada Taariikhdu Isku Raaceen Inay Qodeen Ciidamo Jinni ahi Xiligii Nabi Sulaymaan Calayhi Salaam.

Waxa Turjumay Oo Qoray.

©Dahir Ismacil Warsame(Suldan)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
WAREYSIYO