Saturday May 25th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

WAYNU KU GUULAY SANAY INAYNU GUUL DARRO KEENO , WAYNUNA KU GUUL DARAY SANAY INAYNU GUUL KEENO

0
Monday May 13, 2019 - 09:07:15 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAYNU KU GUULAY SANAY INAYNU GUUL DARRO KEENO , WAYNUNA KU GUUL DARAY SANAY INAYNU GUUL KEENO

    WAYNU KU GUULAY SANAY INAYNU GUUL DARRO KEENO , WAYNUNA KU GUUL DARAY SANAY INAYNU GUUL KEENO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAYNU KU GUULAY SANAY INAYNU GUUL DARRO KEENO , WAYNUNA KU GUUL DARAY SANAY INAYNU GUUL KEENO Maqaaxi ayaan kuraasidii debedda fadhiistay , koob shaahana waan dalbaday , kii labaad markaan maraayo , ayaan waxan u fiirsaday wajiyadii dadkii waddada maraayey , waxaan ogaaday inay dhamaantood wada maqan yihiin , waxaanan ka waayay qof qudha oo dhoolla cadaynaaya ama farxadi wajigiisa ka muuqato , waxan kaloo agaaday inay dadkoo dhami isla wada hadlayaan oo weliba qaarkood aad codkooda maqlayso oo ay ka dalacan tahay , iyagoo sidii wax maqan aad mooddo.
Laakiin waxa iga soo dhex galay oo iga jaray wejiyadii aan u fiir sanayay , nin isoo dhinac fadhiistay , waxaana na dhex maray HADALKAN:
NINKII:XAAJI HORTA XAGGAYNU U SOCONAA ? MAXAASE INOO QORSHE AH ?
XAAJIGII : INAGOO AYA AH ?
NINKII : INAGOO DADKA DALKAN DEGGEN AH ? (REER SOMALILAND AH )
XAAJIGII : MEEL KHAYR LEH AYAYNU U SOCONAA .
NINKII : ( OO AAD IYO AAD U CADHAYSAN ) KHAYRKA AAD SHEEGEYSAA MEE ?XAGAAD KU ARAGTAA ? WAX KASTA OO DHACAYAA XUMAAN AYAY TILMAAMAYAAN IYO CABSI IYO WELIBA DHIMASHO .
XAAJIGII : ILAAHII WAYNAA AYAYNU WAKIILANAY . INUU CID WAX HAGAAJISA INOOGU DHIIBO HOGAANKA ...
NINKII : WAA MAXAY WAXAAD KU HADLEYSAA XAAJI ? ILAAHAY QOOMNA MA BEDELO , IYAGOON IYAGU GUDAHOODA ISKA BEDELIN .
XAAJI : WAA RUNTAA OO ARIMUHU WAY ISKU QASAN YIHIIN OO TOOSIN TOODUNA MA FUDUDA OO WAY ADAGTAHAY . ARIMAHAN IS BEDEL DOONKA U BAAHANA WAY FARA BADAN YIHIIN , MANA SAHLANA SIDA WAX LOOGA QABAN KARAA , WAXAANA LAGA YAABAA INAY QAATAAN WAKHTI DHEER .
NINKII : ARIMAHAN WAXAAD UGA HADLAYSAA , SIDII QOLYAHA WARBAAHINTA OO KALE IYO JARAA IDKA AMA SIYAASIYIIN ISKU SHEEGA OO KALE .
XAAJI : RUNTII ANIGU MAAN FAHMIN SU AALAHAAGAN AD ADAG , JAWAABNA UMA HAYO .
NINKII : WAA MAXAY SU AASHA AAN KU WAYDIIYAY EE AANAD JAWAAB U HAYNI ?
XAAJI: MAXAYNU UGU GUULAY SANAA INAYNU GUUL DARRO KEENO ? MAXAYNU SE UGU GUUL DARAYSANAA INAYNU GUUL KEENNO ?
NINKII : WAA MAXAY HADALKAN FALSAFADA AHI EE AAD ILA GASHAY ?MA HAL HIDHAALAA ?
XAAJI : WAXAYNU KU GUUL DARAYSANAY INAYNU ICTIRAAF KEENO - INAYNU CADDAALAD WAX KU XUKUNNO-INAYNU HORUMARKII AYNU LAHAYN WAANU KEENAYNAA AYNU KEENNO- SHAQADII AYNU LAHAYN WAANU ABUURAYNA , WAXBA MAYNU KA QABAN .- ISBEDELKII AYNU LAHAYN WAANU SAMAY NAYNAA EE SHACABKA U SOO BANDHIGNAY EE AYNU DOORASHADA KU GALNAY , EE SHACAB KUNA CODKOODA INAGU SIIYEEN ...MEE ? MAXAYNU KA QABANAY ... WAA WAXBA ...
NINKII:HADDAA MAXAYNU KU GUULAY SANAY ? EE AYNU WAX KA QABANAY ?
XAAJI: WAXAYNU KU GUULAY SANAY INAYNU DIB U DHAC KEENO IYO QAS IYO JAAH WAREER - IS QABQABSI -WERWER - BAQASHO-IYO MEESHII LOO SOCDAY OO LAGA LUMAY IYO QORSHIHII OO INAGA LUMAY . IS BEDELKA AYNU KEENAY KAAS AYUU NOQDAY .
NINKII : MARKAA WAX FAA IIDO AH OO SOO KORODHAY MA JIRTO ? AMA WAX IS BEDEL AH OO WANAAG SANI MA SOO KORDHIN ? AYAAD LEEDAHAY ..
XAAJI : ANIGU SIDAA MA ADHAN ...
NINKII : HADDAA MAXAAD U JEEDAA ?
WAXBA UMA JEEDO EE WAXAAN LEEYAHAY UUN , MUU IMAN IS BEDELKII AYNU SUGAYNAY .. EE KOOBKA SHAAHA AH AAN SI NABAD GELYO AH KAAGA CABBO .. HADALKANA DEBEDDA HAYGA WADA KEENIN .
NINKII:MAXAYNU YEELNAA HADABA ?
XAAJI: WAXA WEEYE IN CILMI BAADHIS LAGU SAMEEYO WAXAYNU U GUUL DARAY SANAY ? EE INA LEEXIYAY ? EE DIB INOO DHIGAY ?
WAA INAYNU OGAANAANA WAXA GUUL DARADA INOO KEENAY ? IYO WAXA SABABAY ?
WAA INAYNU OGAANAA MEESH WAX KA QALDAN YIHIIN ?
WAA IN CILMI BAADHIS BADAN LASAMEEYAA ?
WABIL LAAHI ALTAWFIIQ
CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Wershada Maaxda Oo Loo Aqoonsaday Wershada Ugu Waxsoosarka Wanaagsan Ee Dalka
Halkan Ka Daawo:Muuqaalo Laga Duubay Goobaha Ugu Quruxda Badan Somaliland Ee Wado La,aantu Godoomisay
Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
WAREYSIYO